Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Madaxdhaqameedka Gobalka Awdal iyo Nuxurka Wadahadalkooda

Boorama (SLpost):- Kulamo ballaadhan oo dhexmaray inta badan madaxdhaqameedka iyo odayaasha Gobolka Awdal iyo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan xubno wasiirro xukuumadda ah iyo masuuliyiin kale oo qayb ka ah wefti culus oo xisbal-xaakimka ah oo socdaal la xidhiidha dhiirrigelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha u jooga gobolkaasi oo ay si rasmi ah uga bilaabi doonto berri.

boorma muuse boorama muuse 4 boorama muuse 2

boorama muuse 1

Weftiga xisbal-xaakimka KULMIYE oo ay horkacayaan Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Guddoomiyaha xisbiga Md. Muuse Biixi, ayaa kulamo ay saddexdii maalmood ee u dambeeyey la qaadanayeen qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka, gaar ahaan odayaasha, siyaasiyiinta, dhallinyarada iyo haweenka waxay iska xog-waraysteen xaaladda guud ee deegaannadaas

Kulamada ilaa hadda weftigu kula yeeshay bulshada magaalada Boorama, waxa ka mid ah laba shir oo muhiim ah oo Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi la qaatay in ka badan laba boqo oo xubnood oo isugu jira salaadiin, cuqaal iyo odayaasha degaannada kala duwan ee Gobolka Awdal, kuwaas oo lagaga wadahadlay arrimo kala duwan oo taabanaya dhinacyada nolosha iyo siyaasaddaba.

Laba fadhi oo ka kala dhacay huteelka SOW iyo hoolka shirarka ee Ramad ee magaalada Boorama gelinkii dambe ee maalmihii Khamiisti iyo Jimcaha, kuwaas oo ay goob-joog ku ahaayeen inta badan madaxdhaqameedka iyo cuqaasha hoggaamiya bulshada ku dhaqan deegaannada Gobolka Awdal, kuwaas oo horkacayeen salaadiin badan oo ay ka mid yihiin; Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal (suldaanka beesha Habar Carfaan), Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil (suldaanka guud ee beesha reer Nuur), Suldaan Xasan Xadi Baade (suldaanka guud ee beesha Reer Axmed/Jibriil Yoonis), Suldaan Maxamed Cabdi Xasan (beesha Aadan Yoonis), Suldaan Maxamed Xasan (beesha Makaahiil Dheere), iyadoo dhanka Guddoomiyaha, ahna murrashaxa madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay ku wehelinayeen wasiirro, xubnaha hoggaanka xisbiga iyo siyaasiyiin kale.

Guud ahaan wadahadalka labadaasi kulan, waxa nuxurkoodu la xidhiidhay hawsha Diiwaangelinta codbixiyayaasha, dhiirigelinteeda iyo sidii looga wadashaqayn lahaa in dadweynuhu si buuxda u qaataan kaadhka codbixinta, sidoo kale, waxa la iska waraystay xaaladda guud ee gobolka, gaar ahaana abaarta ka jirta oo laga wadatashaday sidii loo xoojin lahaa gurmadka cunto iyo biyo lagu gaadhsiiyo dadka iyo duunyaba, iyadoo la xusay dadaallada xukuumaddu wado oo deegaamo kala duwan oo gobolka ah loogu qaybiyey raashin iyo biyo.

Waxa kaloo weftiga KULMIYE iyo madaxdhaqameedku ka wadahadleen arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka soo socda sidii iskaashi iyo wax-wadaqabsi wayni u dhexmari lahaa xisbiga iyo beelaha madaxdhaqameedkani hoggaamiyo ee Gobolka Awdal iyo xisbiga, taas oo is faham fiican laga gaadhay, iyadoo la isla gartay in murrashax Muuse Biixi yahay qofka ugu habboon xilligan ee dalka lagu aamini karo.

Sidoo kale, waxa weftiga u qorshaysan kulamo uu la yeelan doono madaxdhaqameed iyo odayaal kale oo ka tirsan deegaamo ka tirsan Gobolka Awdal iyo weliba khashsiyaad miisaan culus ku leh gobolka iyo guud ahaan dalka Somaliland-ba.