LUUQADDA SAXAAFADDA

Suxufiga waxa looga baahan yahay inuu noqdo qof u dhexeeya, arrimaha dhacaya. Dadku way kuu siman yihiin. Maaha inaad dadka qaarna soo dhawayso, qaarna aad fogayso.Maaha kaalinta weriyuhu inuu kala xukumo sax iyo khaladka, runta iyo beenta wixii la kala sheegto, ama inuu go’aamiyo dhinicii run sheegaya ama inuu waan waan ka dhexdhaliyo dhincayada is haya.Waxa kaliya eed meesha u joogtaa inaad sheegto aragtida labada dhinac, iyo wixii dhacaya ee socda wakhtigaasi, waxa taagan iyo duruufaha meesha ka jira. (Present conditions). Si weyn isaga hubi waxaad tabinaysid, inay yihiin fikradda labada dhinac. Taasina waa tiirarka waaweyn ee saxaafadda iyo suxufiga.

Isticmaalka luuqada Iyo Erayada

Luuqada aynu doonayno inaan ku

hadalo, waa hadba ta uu dadka lala hadlayaa yaqaan, ha noqoto mid shisheeye ama afka soomaaliga. (Local or international). Weriye kasta waxa khasab ku ah inuu yaqaan, dadka uu wax u sheegayo. (Know your audience). Intaasi ka dib wuxu ka fikiri karaa inuu kula hadlo luuqada ay fahmi karaan iyo isticmaalka erayada ku jira. Iska dhawr erayada laba micnood leh ama wax ka badan. Waxa kale oo aad maanka ku haysaa kuwa si kala duwan looga yaqaan deegaanada kala duwan. Markaad diyaarinaysid warbixin ka hadlaysa xaalad meel ka jirta, waa inaad isticmaashaa luuqada dadka caadiga ahi ku hadlaan, markay sheekaysanayaan. (Traditional language) ama sidii adigoo saaxiibkaa la sheekaysanaya oo kale. Haddii aad isticmaasho luuqada ama erayada ay adeegsadaan suugaanyahannadu cida ku fahmaysaa waa dadka suugaanta ku dhexjira oo kaliya. Kaligaa ha aaminin in waxaad sheegayso la wada fahmayo. Laakiin u kuurgal oo la sheekayso dadka bal inay wax dhaliil ah kuu sheegaan, si aad u saxdo.

AF-GURI

Af-guri waa erayada laga isticmaalo kolba deegaanka aad joogto, oo aanay kula fahmayn deegaanada kale. Iska hubi in dadka oo dhami kula fahmayo erayada af-guriga ah. Tusaale ahaan, erayga beedka reer Somaliland waxay u yaqaannaan beed, koonfurta somaliya waa ukun, reer jabuuti waa naalo. Markaa eraygaa isticmaalkiisu wuxuu ku xidhan yahay kolba meesha aad joogto ee dadkaasi kula fahmayaan.

“Af-gurigu ma xuma haddii dadka deegaankaasi kula fahmayo”

ERAYADA SUUQDIGA AH

Bal ka waran erayadan, haddii aad ku dartid warbixin. Wuu u khuuriyay, horuu u soo fadhiyaa, waan soo kala toosay, wuu u jaakidhay, Fadlan kor u hay, Buul buu iga daba raray, lugtuu aastay,Waa loo raran yahay, Shahaadadaa loo dalbay,Baddaa ku kacsan, Maskaxduu furtay, Yaasiinkaa dhaafay, luuq buu ku jiraa Iwm. Dhammaan erayadaasi waa qaar u gaar ah dhalinyarada. Way adag tahay inay fahmaan dadka waaweyni. Markaa waa arrin aan bannaanayn in la adeegsado, maadaamo aanay bulshadi wada fahmayn.

ERAYADA DHINACA SIYAASADDA.

Erayadan soo socdaa waxay noqon karaan aflagaado ama ammaan. Dadka qaarkii way ku farxi, qaarna way ka cadhoon.

Argagixiso, xagjir, kooxaha mayalka adag, takfiir, kooxo canaasiir ah, ciidanka alle, khawaarij, xukumadda riddada, cadowga ilaahay, mujaahid, murtad, nabad-diid, kooxaha fallaagada ah, Asal-Raac, maleeshiyo iyo deblay iwm.

Isticmaalka erayadaasi waa laga taxadirayaa.Waayo haddii aad qaar isticmaasho ogow inaad ka baxday dhexdhexaadnimadii. Waa erayo adduunka lagu kala aragti duwan yahay (Different Ideology). Tusaale ahaan Maraykanku alqaaciida iyo Daacish wuxu u yaqaan argagixiso, Ruushkuna jeejinaya wuxu u yaqaan argagixiso, filibiin abu-siyaaf waxay u taqaan argagixiso, Hindiya kaashiir waxay u taqaan argagixiso iwm. Laakiin Daacish ma ogola in loogu yeedho argagixiso, Jeejniyana ma ogola kuwa kalena waa sidaasi oo kale. Daacish waxay isu yaqaanaan inay yihiin mujaahidiin xaq ah, markaa haddii aad Daacish ugu yeedhid argagixiso dee dhexdhexaad ma tihid oo Maraykankii ayaad la safatay. Waxa dhexdhexaad noqon kara inaad ugu yeedhid magacooda. Mudane weriye ama tifaftire waa inaad fiiro gaar ah siiso isticmaalka erayo kooxo gaar ah hal qabsi u ah.

FIIRO GAAR AH: warbaahinta reer galbeedka maanta kama jirto saxaafad dhexdhexaad ahi. Arrin kasta waxay ka horaysiiyaan danta qarankooda. (National interest) ama amniga dalkooda. (National security).

Waayo wax kasta oo dalkooda wax yeelaya waxay ugu yeedhaan “argagixiso”. Markaa waxay la safteen dawladoodi, wax dhexdhexaad ahna may muujin. Erayada kala ah: kooxo canaasiir ah, kooxo falaago ah, deblay waxaad ku bedeli kartaa kooxaha mucaaradka ah. Tusaale ahaan waxa dagaalamaya ciidamada dawlada iyo kooxo argagixiso ah, halkii aad ka odhan lahayd, waxaad ka tidhaa” waxa dagaalamaya ciidamada dawlada iyo kooxaha ka soo horjeeda. Haddii ay magac leeyihiin ugu yeedh magacooda.

XAQA WAX-KA-JAWAABIDDA

Marka qof ama hayad wax lagu eedeeyo, waxay xaq u leeyihiin inay ka jawaabaan wixii lagu eedeeyay. Dhinaca wakhtiga haddii aynu eegno, waxa la isku dheelitirayaa labada dhinac wakhtiga la siinayo. Tusaale ahaan haddii uu afhayeenka dawladu soo saaro hadal qoraal ah, oo uu mucaaradku ku timaamayo dambiilayaal qaranka meel kaga dhacay, oo hadalkiisu socdo ilaa soddon daqiiqo. Waa in dhinaca mucaaradkana la siiyo jawaabta ay arrintan kaga hadli lahaayeen intii in leeg. Haddii laakiin wakhtiga loo kala badiyo, waxa halkaasi ka muuqanaysa in aan dhexdhexaad laga ahayn arrintaasi.

 XAQA DIIDMADA

Qofku wuxuu xaq u leeyahay inuu wax diido waxna aqbalo. Maaha shay lala yaabo, marku qof diido inuu waraysi ama war bixiyo. (Personal Right). Laakiin haddii qofku diido in la waraysto, hasa yeeshe ay tahay in loo baahanyahay, waxaad ku dartaa warbixinta in aad la xidhiidhay qofkaasi, balse uu

 diiday inu bixiyo wax waraysi ah. Arrintani waxay dhegaystayaasha, daawadayaasha iyo akhristayaasha tusaysaa inaad isku dayday in warka labadiisii dhinac aad raadisay, laakiin qofkaasi ku diiday.Waxay qayb ka qaadanaysaa inaad sheekada dhexdhexaad ka tahay. (Neutral Journalist).

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, Qoraa ah.

Haragaysa, Soomaalilaan.  

calicoomay@hotmail.com