Xarunta Dhaqanka Ee Hargeysa Oo Xalay Bandhig U Samaysay Filim Documentary Ah Oo Cabdishakuur Heersare Ka Sameeyey Waxbarasho La’aanta Miyiga

Hargesa (SLpost): Xarunta dhaqanka ee Hargeysa ayaa xalay bandhig u samaysay filim documentary ah oo ku saabsan xaaladda waxbarasho la’aanta miyiga, oo uu sameeyey suxufiga Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare).

Madasha lagu soo bandhigayay filimka oo ay ka soo qayb galeen dad kala duwan, ayaa furitaankii waxa hadal ka jeediyey Barkhad Maxamuud Kaariye oo ka mid ah maamulka xarunta dhaqanka kana tirsan bahda warbaahinta. “Sida caadiga ah xarunta dhaqanka ee Hargeysa mawduucyada noocan ah iyo kuwa la midka ah waa madal u furan. Xalay oo u danbaysay (habeen hore) filim kale ayaa jiray oo waayo kale ka hadlayay. Mawduuca aynu caawa (xalay) ka hadlaynaana waa doorka aanu warbaahin ahaan ku leehay ka hadlidda waayaha bulshada.” Ayuu yidhi Barkhad Maxamuud oo sheegay inay Cabdishakuur Heersare muddo warbaahinta ka soo wada shaqaynayeen aqoon dheer na isu leeyihiin.

Warbaahinta Somaliland oo inta badan lagu canaanto in aanay muhiimad siin arrimaha bulshada ka hadalkooda, ayaa Barkhad oo arrintaa ka hadlayaa wuxuu yidhi: “Doorka warbaahinta ee arrimaha bulshadu wuu sino ballaadhan yahay. Haa, marka aanu faanayno warbaahintu doorkeedii may gabin oo Cabdishakuur ayaa naga mid ah iyo intii kale ee la soo diyaarisay ba. Laakiin intaa nagaga hadhi mayso sababta oo ah weli way bannaan tahay doorkii masuuliyadeed ee na saarnaa.”

22 23 heersare

Waxa isna halkaa ka hadlay oo madasha lagu soo dhaweeyey Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare) oo hadalkiisa ku bilaabay mahadcelin isagoo yidhi: “Runtii waxa aan mahad ballaadhan u jeedinayaa xarunta dhaqanka ee Hargeysa oo caawa (xalay) si xushmad leh iigu casuuntay in aan fagaaraha xarunta aan ku soo bandhigo filimkii aan u bixiyey “HALKII AAN KA IMI: Xusuusta iyo Xanuunka Waxbarasho La’aanta Miyiga” oo duubistiisa iyo habayntiisaba uu u hagar baxay Xamse Cali Xuseen (Xamse Jeesto).”

Waxa kale oo uu sheegay inuu inta badan u kuurgalo xaaladaha ay dadku ku sugan yihiin, isagoo tusaale u soo qaatay in filimkan samayntiisu uu qayb yahay in dadka miyi ga dhab ah loola wadaago xaaladda waxbarasho la’aanta ay ku jiraan.

Waxa kale oo uu Cabdishakuur sheegay mar uu 2012kii uu safar shaqo oo dhanka warbaahinta uu ku tegay magaalada Xariirad oo ka tirsan gobolka Awdal inuu kula kulmay dhacdo qalbigiisa xanuujisay oo ahayd: “Halkaa waxa aan u tegay in aan warbixin ka soo sameeyo dad inta ay abaaro ku dhufteen xoolihii ka baxeen oo mucsur istaagay. Markaa waxbaayaha iga nixiyey waxay ahayd xilligaa aan ku beegmay laba cisho ka dib ayaa iid loo diyaargaroobayay, kolkaas ayaan islaan hooyo ah waxa aan waydiiyey ‘Saaddambe waa la iidayaa ee maxaa idiin qorshaysan? Waxay iigu jawaabtay, ‘Waxa noo qorshaysan halka ay dadku ka farxayaan in aanu carruurtayada guryahaya ku xidhno oo ku xaraynno.’ Waxa aan dareemay maalin la farsan yahay oo caalamka oo dhan laga faraxsan yahay ayaa hooyadaasi

waxay ka werwersanayd si aanay farxadda dadka kale carruurteeda u saamayn inay xidho. Maalintaa wixii ka danbeeyey waxa aan goostay in aan safarro ku maro meelaha miyiga ah iyo magaalooyinka ba aniga oo u fiirsanaya xaaladaha arrimaha bulshada ee ka jira.” Ayuu yidhi Cabdishakuur Heersare.

Wuxuu Cabdishakuur Heersare isdultaagay farriinta uu xanbaarsan yahay filimkani: “Xaqiiqatan si mug leh ayaa looga falceliyey iyadoo nuxurku ahaa in fiiro mug leh loo yeesho baahida waxbarasho ee dadka miyiga haysata, iyo in warbaahintu hoos u eegto inay warbixinooyin ka samayso duruufaha dadka ku geedaaman inta siyaasadda lagu foogan yahay.” Ayuu yidhi Cabdishakuur.

Filimkan documentary ah ee Cabdishakuur Xaaji Muxumed ka sameeyey waxbarasho la’aanta miyiga oo dhawaan aad ka daawan doontaan Tv-yada iyo baraha bulshada, ayuu ku macneeyey mid xanbaarsan xusuustiisii xaaladda miyiga oo uu ku dhashay kuna barbaaray iyo xanuunka wabarasho la’aanta ee uu ka badbaaday ee hadda carruur badan oo miyiga ku nooli ay marxaladdii uu ka samatabaxay ay ku jiraan.

Cabdishakuur Heersare ayaa u mahadceliyey dad samaynta filimkaa documentary gacan ka siiyey, kuwaas oo ay ka mid yihiin; Sahra Maxamed Cali (Sahra Ladan), Xasan Cumar Xasan (Xasan Ogaal), Xasan Maal Dhidar, Cumar Cali Xasan (Serbiya) iyo Cabdiqani Muxumed Muuse.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo ka mid ah golaha wakiillada Somaliland oo halkaa ka halay, ayaa sheegay in filimku uu Cabdishakuur soo bandhigay xanbaarsanaa farriin dhab ah oo u baahan in lagu baraarugo, isagoo tilmaamay in nuxurku yahay in loo fiiro yeesho wax ka qabashada waxbarasho la’aanta miyiga ka jirta. “Ayaan-darra jirtaa waxa weeye halkii uu Cabdishakuur ka yimi meelo la mid ah ayaynu ka wada nimi maxaynu ka og nahay noloshii caynkaa ahayd? Illaa madaxweyne Silaanyo reer miyi weeye, wasiirada qaar badan oo ka mid ahi reer miyi weeye, maxaynu ku celinnay noloshii dhabta ahayd ee miyiga ee ehelkeenii, qaraabadeennii, tolkeennii iyo cid kastaa ay ku nooshahay? Dawladdeenna iyo aqoonteenuba waxaa kuma jihaysna.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cartan oo dawladda iyo dadka ba u soo jeediyey in wax laga qabto oo xal loo helo xaaladda waxbarasho la’aanta ee miyiga ka jirta, isla markaana in la diyaariyo qaabab la jaanqaadi kara nolosha miyiga oo waxbarashaduna ku hirgeli karto, isagoo tusaale u soo qaatay in markii uu Ingiriisku waddaanka yimi uu u hawlgalay wax ka qabashada waxbarasho la’aanta miyiga uuna sameeyey seeroyaal aan la daaqin oo carruurta waxbarashada magaalada loo keeno geel loo liso loogu xarayn jirayn.

Waxa isaguna ka mid ahaa dadkaa halkaa ka hadlay Rooble Maxamed Saxardiid oo qiray kana marag-kacay in xaaladda uu Cabdishakuur filimka ka sameeyey ay tahay wax hadda miyiga taalla oo uu soo arkay. Waxaana uu ku taliyey si waxbarashada miyiga wax looga qabto oo loo tayeeyo in deegaamayn la sameeyo oo dadka la dejiyo, lana hirgeliyo waxbarasho dadka reer guuraaga ah la jaan-qaadda oo la socota, isagoo Cabdishakuur ku hambalyeeyey inuu muujiyey dadaal uu dadka ku dareensiinayo dhibta jirta ee miyiga.

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac oo isna madasha ka hadlay, ayaa sheegay in filimkan uu Cabdishakuur sameeyey uu warbaahinta ku jihanayo in muhiimadda la saaro ka warbixinta duruufaha dadka ku xeeran ee u baahan in la sheego, lagana gudbo tebinta yooyootanka siyaasadda ee siyaasiyiin isu gudbinayaan.

Mahad Jaamac Koronto oo ka mid ah bahda warbaahinta oo isna bandhiggaa hadal kooban ka jeediyey ayaa hogatusaaleeyey in weriyaasha aanay macne badan u lahayn inay ku faanaan inay waqti badan weriye ahaayeen, balse looga baahan yahay inay isbeddel horseedaan: “Waxa tusaale ah shaqo kasta oo aad qabanaysid iyo weriye kasta oo aad tahay waxa guul sheegan kartaa mar aad isbeddel keento, haddii aad shaqaynayso shan illa labaatan sano oo aanad garanayn hal sheeko ama hal dhacdo oo aad isbeddel ku keentay dee waa khasaare waxa aad qabanaysay. Waxa aan filayaa in weriyaashu ay masuuliyaddooda qaadan doonaan. Idinnkuna bulshooy aad fahahtaan in aanay siyaasaddu macne badan lahayn ee arrimaha bulshadu ka culus yihiin.” Ayuu yidhi Mahad Jaamac.

Dad kala duwan oo madasha ku sugnaa ayaa Cabdishakuur Heersare ku hambalyeeyey hawsha baraarujinta ee uu isu xilsaaray, halka kuwo kalena halkaa ka soo jeediyeen weydiimo iyo faallooyin ku qotomay qaabka wax laga qaban karo xaaladda uu filimku ka hadlayay ee waxbarasho la’aanta miyiga.

Waxaana Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare) uu gunaanadkii halkaa ka sheegay oo uu yidhi: “Ujeedada asaasig ah ee aan filimkan ka lahaa waxay ahayd warbaahinta oo inta badan la canaanto in bal aniga laftaydu aan qayb ka noqdo in bulshada wax lagu celiyo, oo xanuunkii bulshada aanu dareenno iyo in dadku ku dhiirradaan in qofku naftiisa uu tusaale u soo qaadan karo.”