EU(SLpost)-Nato ayaa diyaar u ah inay ilaaliso badda Aegean si loo joojiyo kooxaha sharci darada dadka doonyaha ugu soo qaada Turkiga ee keenaya Gariiga, xoghayaha difaaca ee Maraykanka Ashton Carter ayaa sheegay.
Ku dhawaaqidan ayaa timid kadib markii Turkey, Jarmalka iyo Gariiga oo xubin ka ah Nato ay codsadeen.
Wasiirada difaaca ee Nato ayaa ku kulmaya Brussels.
Qorshaha waxaa dajin doona madaxda milatariga ee Nato si loo hirgaliyo, ayuu Mr Carter sheegay.
Wuxuu u sheegay shir jaraa’id in “beegsashada kooxaha danbiilayaasha ee dadka masaakiinta ka faa’idaysanaya inay saamayn bini’aadanimo yeelan doonto.
Ugu yaraan 75,000 oo qaxooti ayaa badda ku yimid Gariiga sanadkan 2016-ka, sida ay sheegtay hayadda qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR.