SUNTA QABYAALADA IYO SAAMAYNTA AY KULEEDAHAY SIYAASADA SOMALILAND

Qabayaaladu waa shay fooxun oo ay shareecada islaamku meel adag isaka taagtay kunatilmaantay bakhti uraya oo aan loo dhawaan karint qofka adeegsadaana uu yahay nin bakhti fuuray oo soo kankamaya faraha kula jira, qabyaaladu markaysawirkaa leedahay waa marka si shakhsiya loo adeegsanayo bal kawran akhriste marka si heer qaran ah loo adeegsado ee awoodii umada ka dhaxasay ama hantidii umudu wada lahayd loo isticmaalo haba qabyaaladaysan , jawaabta su,aasha waxaan odhan lahaa somaaligii soo gaadhay xiligii gumaystaha kulaylkii uu mariyayay soomalidana makhraati ka ahaa markii la hantay gobanimadii iyodawlad nimadii somaalida ee calan soomliyeed laga taagay caradiisii rayn rayntaa iyo farxadaa dawladnimadaa soomali udhalatay halka ay qabyaaladu

marisay iyo dalawgaa dheer ee ay ka tuurtay ayaa ku haboon in uu inooga waramo qabyalaada iyo sida ay u curdin dhadhiso qaranimda, waa marag madoon in qaranjabkii Somalia soo gaadhay aykow ka ahayd qabyaalad iyo siyaasad isku marmay.

Hadaynu Somaliland usoo noqo waxa la odhankaraa waxa ladhkaa soo kiciyay furashada azxaabta siyaasiga ah iyo siyaasi raba kursi aanu xaqlahayn xilkiisana qaadi Karin in uu ku gaadho bulshada oo uu hayb hayb ukala qaado sumado iyo calaamadana kula dhigo inaga mooyee cid aan halkaa gadhini ma jirto , waa laynaga hortaagan yaahay xilkaa rer hebel iyo rer hebel waa kan iyo keer durbaankaa qabyaaldawaxa ku adeegta siyaasi ducufa oo aan isku kalsoonayn dhangaagala iyo maatidana ku sira isku haybaynu nahay hebel wanaagsan oo bulshada wax tari lahaana eed iyo xajiin uga dhiga inaga maaaha , tan iyo dhawr iyo sagaashankii waxa siyaasitiinta noocaas ahi u gaysteen soomaliland xaajiimo iyo dhibaatooyin ay hadhida riiqdeedu waqti dheer ku qaadan doonto soomaliland, kumanan kun ayaa ku leeday dab uu shiday siyasi damac doon ah waliba ku darsoo hadii uu dhamaciisa iyo tiisaba loo raaco maaha qof hanan kara hawsha loo diro ee waa ha coo aad moodo in ay hagardaamada hooyo wada dhashay ..

Akhriste sawir noocee ah ayaa kaaga baxay kacdoonkii kulmiye lagu doortay ee biya dhiciisu noqday cawilnaqa cid gaar iyo sad bursiimada haybo gaara halka muwaadiniin badana abaal gud looga dhigay gabood fal iyo boob hantidoodii hibo loo siiyo qurbe jog qaadhaanka gaaladu siisiso amah ku soo siinjiray xisbiga kulmiye, bal dhawr qayladii kulmiye ee shalay hindiyo laynka iyo xarashkii udub u gaysan jirtay hantida umada iyo ta ka sii foosha xun ee uu manta si beelaysan uga wada Hargeisa isagoo cid gaara naas nuujin kusiinaya, bal eeg saaxiibadii shalay ee cali mareexan iyo waabeeye oo shalay udub meel uga soo wada jeeday manta fiintu dhex miranayso, bal eeg gaboose iyo cirro oo aan ogayn siday iskaga naqdin jireen saxaafada iyo saaxiibtinimadooda manta waxa kalafogaansha iyo dhawaanshahooda keenayaa kaliya waa hay bee maaha mabda, hadaynu hoos usii dhex galno inaga lafteena ayaan mahadinaynin ee guud markaa iyo sawirkaa guud aan ku dhaafno qaylada manta iyo qabyaalada beri in ay tahay labo wada socda waayo cida wax dooranaysa ayaa iga laftoodu hayb ku doorta oo aan qiimo uyeelaynin shakhsigii wanaagsaa , kulaylka cida uu saamayn kuyeelanayaanawaa iyaga nasiib daro se way ka indo la yihiin waxa wadanka ka socda kaliya durbaankaa siyasiga xuni tumayo ayay qayladiisa maqlaan, taxliilna waxa u ah heesaha iyo calmada midaba leh ee ay usoo waaridaan kuwaa sumaysani.

Ma odhankarnaa akhriste mishiinka wareejiya siyaasada Somaliland waa qabiilka saamayntiisuna waa sadbursi sixirbarar iyo tashuush ku abuurma yoolka iyo hadafka umada oo ah in ay noqdan qaran madaxbanan oo qayrkood agfadhiista.

Qalinkii: farhan Haji Yusuf (jacfar)