XISBIGII XALAAL ISKU DOORTA AYAA XORNIMO LOOGU CODAYN DOONA

Xisbiga dhab ahaan u dhaxeeya bulshda waxa lagu gartaa sida gudihiisu yahay ee markay mushraxnimo noqoto kala saara tartamayaashisa iyadon loo kala eegin hebelbaa hanti badan galiyay oo ka xiga inta kale, odaygii xisbiga lahaa ayaa hebel dhabarka taabtay ku wareejiyay. Tiroba inta xisbiyo ina soo martay mid dumay iyo kuwan dagaw dagaw leh lagama hayo xisbi intuu shirwaynihiisii qabsaday lagu tartamay cod lagu kala badiyay,waa gaan u xidhan hal qof kaligii ayuunba farta loo taaga. Waxay arimahaasi lafajabiyeen in la helo xisbiyo tisqaada oo horseed u noqda bulsho hore u talaabsata indhaha furata hogaamiye aamin lagu qaba ka soo baxo, arimahaasi waxay neefta ku

celiyeen qaranimadii loo hamuunsana waxanay haaneedka siiyeen qof jeclaysi qabyaalad heerkii u hooseysay maanta haabanaysa. Dukaan qof gaar u leeyahay uu malgashaday iyo xisbiyada qaranimada afka baarkiisa ah warbaahinta ka sheegaa waxba kuma kala duwana marka loo dhaba galo. Taagere xisbi waxa xanibay lahaanshaha qof gaar u yeeshay, wuxu taageeruhu isu rogayaa shaqaale, gudoomiyuhuna waa madaxii shaqaalahasi, hadhaw hadii uu kursiga ku hawaarsado ma noqonayo madaxwayne dalka wax u soo kordhiya wuxu ka shaqaynaya inuu ka xoogsado isaga iyo shaqaalihiisa iyo reerkii uu ka dhashay oo iyagu halganka marka horeba kaalinta ugu adag kaga jiray.

Tusaale uma baahnin aynu u soo qaadano xisbi hebel iyo siduu isu doortay gudihiisa, haleel uma hayno ku celcelin wax aynu u soo joognay ee waxa ina horyaala waa xisbiyo ganacsi u furan, xisbiyo rag leeyahay ay adagtahay in lala wadaago weeye. Haday qaarkood aanay wali qabsan shirkii mulkiilaha loogu gacantaagi jiray, waxa muuqan karta yididiilo ka duwan waxaynu hore ugu soo daalay, kama dayrinayno ee waynu dhawri doona taas laftigeeda wixi naruuro ah ee ka soo baxa hadii AALAHA awooda lihi ka dhigo. Aragti kale waxay tilmaamaysaa ka ganacsiga siyaasadu inuu Somaliland ka noqday wax dhaqangalay dhexdoodana heshiisyo ay galeen hadhuubka hadba mid loo dhiibo.

 Kala doorasho waxa loo baahdaa wax kala duwani markay jiraan, wax isku mid ah kala xulashadoodu waa garaad dari waali iyo miyir qab midna laguma tilmaami karo. Muddo ayuu xisbi hebel ka tirsanaa xaflado loo dhigayay, hadana wuu ka xidhxidhay mid kale ayuu ka daba guuray,hadana wuu isa soo rogay. Ma siyaasibaa mise waa maqaaxidii shaqaalaha dhismaha ka shaqeeya hadba gurigay dhisayaan ka daba guuri jirtay ee DABA QABLEEYA. waydiintu waxay tahay xisbiyo magaca waxba yaynan dugsane meel inama gaadhsiinayane wax mayska waydiina mise dabaqableeyadeena ayaynu iska ahaana xisbiyada tolkaynu ooda u adkaynaa qaranimadana bar banaan ayaynu kaga guurnaa    

 

XUSEEN WARAABE Jonkoping