Kuuriyada Waqooyi Oo Cunaqabtay Cusub Maraykanku Saaray Xili Dhaqaalaheeduba Uu Iska Liito

Hargeysa(SLpost)-Maalin uun ka dib markii sirdoonka Mareykanka uu ka digay awoodda Kooriyada Waqooyi ee gantaalladeeda, ayuu Senetka Mareykanka waxa uu meel mariyay cuna qabatayn baaxad leh oo lagu soo rogo dowladda Pyongyang.

39025157-0E9F-4A16-9322-5A1CD3577BA8_w640_r1_s

Guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda u qaabilsan Senetka Bob Corker, oo ah Jamhuuri, ayaa sheegay in ku dhawaad 10 sano oo siyaasadda Mareykanka ee Kooriyada Waqooyi ay aheyd mid guul dareystay, ayuu hadda ku tilmaamay cuna qabateyntan cusub in ay wax badan tari doonto.

96 xubnood, ayaa u codeeyay cuna qabateynta Kooriyada Waqooyi, iyadoo aysan jriin cid diiddey, taasina waxay imaaneysa maalmo uun kadib markii ay dowladda Kooriyada Waqooyi ay tijaabisay gantaal riddo dheer.