Hogaamiyaha Jarmalka Oo lacag Balaayiin Doolar Ah Ku Siinaysa Turkiga Inuu Qoxoontiga Suuriya Hor Istaago

Ra’iisalwasaaraha Jarmalka, Angela Melkel, ayaa booqanaysa Turkiga si wax looga qabto qaxootiga tirada badan ee imanaya Yurub.

160122222903_davutoglu_merkel_624x351_getty (1)

Mrs Merkel ayaa taageeraysa balanqaadka Yurub ay ku siinayso in ka badan saddex bilyan oo dollar hadii Turkiga uu xoojiyo xuduuddahiisa.

Waxaa Turkiga jooga laba milyan iyo bar qaxooti reer Suuriya ah, ayaa waxaa saaran cadaadis inay ogolaato inay soo galaan soddon iyo shan kun oo qaxooti oo yimid xuduudda maalmihii ugu danbeeyay.