XAGE LOO SOCDA!

Wakhtigu wakhtigii maha dadku dadkii maha ayamahu ayaamihii maha,Sanadku sandkii maha adunku adunkii maha Allow sahal Amuraha.

Aan Uu Soo Dadegno Dulucda Mawduucenen.

Mawduucan waxan kaga hadlaya is badalka dhalinyarada wakhtigan Haday tahay dhanka dhaqanka , ku hadalka Afkeena Hoyoba iyo ku dhaqanka diintena Islamka.

Waxaynu qaadanaynaa;WAA MAXAY DHAQAN?jawaabtu waxay tahay inagoon ku daalin waa hab-dhaqan ay u nooshay bulsho tiro intay-doonto ha leegaatee,waa hab aan la dhaqaaqin iyadoon habkaa la marin,amase baadi-sooc u ah bulshadaa iyada ah,oo maxaa ka mid ah hab dhaqankaasi?waxaa ka mid habka ay u kala guursato,habka ay isu sooraan,habka ay u kala qaataan diyada ama magta marka ay wax ka dhex dhacaan ama dhexmaraan,habka ay isu qadiriyaan markay tahay arimaha adag ee xasaasig ah ee u baahan guurti iyo madax dhaqameed sida soomaalida iyo meesha uga baahan cudud iyo hab macaamil ah labada,

waana wax la kalo dhaxlo oo soo jireen ah hadaba dhibaato iyo dheef labadaba wuu leyahay.Waxaa wax laga yabo ah inaga oo leh dhaqan ino gara in aan ku dhaqano dhaqan an keena ahayn oo ay bulsho kale ku dhaqanto bulsho kasta waxay ku dhadata kuna fanta dhaqankeeda waana shayga lagu kala garto bulsho walba waxa ay ku dhaqanto iyo waxa ay cadadodu tahay wadankasta oo adunka korkisa ahiina dhaqan iyo cado ayuu leeyahay.

Maxa soomaalida u diday in ay dhaqankooda ku faanaan oo ay adunka tusan in ay leeyihiin dhaqankan uu garka ah.

Maxaynu dhaqanka ku fani dhalinteni ayaanba arkaynaye.

Bal u firso wilkena soomaaliyeed ama gabadheene soamaaliyeed sida ay uu dhaqmayaan. Wilku Wuxu uu xiiran yahay si aan diinteenu ka rali ahayn,labada dhinaca ayuu xiraya oo dhoorka digaga ayuu isku yeelaya, dharka ka daran oo wuxu xidhanyahay dhar logu talo galay ilamaha 13 yarka ah, wuxu xidhan yahay surwal yexyeexan oo aad modiid in ay maskaxdiisu dhiman tahay ama in u yahay qof aan cadi ahayn.

Gabadha soomaaliyeed, waxay xidhan tahay dhar aad aad uga jabaysid oo aanad inaba is odhateen qof damirkisi in un oo xishod daremayo ayaa xidhanaya. Duruc khafif ah dharka dhajiska ah Walashayda qaliga ahay asturada ayad ku qurux badan tahay kuma lihii ha labisan balse waxan ku leyahay is astuur, oo cawradada qari si aad u noqoto gabadhan Buxisay siday diintu fartay.

Waad sharaf badan qimo ayaad ku yeelan bulshadada, inan loga wanaagsan in ay bilaa xishood noqoto.Marka aad su;aasho oo aad ku dhahdo maxa ku xidhay dharkan wuxu kugu jawabaya ama ay kugu jawabaysa ‘’ waa modeelka hada socda sidan aya loo labista oo waa casriga ma adaba wax garanaya waad danbaysayee”

Nabi muxamed ( scw) “wuxu yidhi qofki ku dayda Galada dhaqankooda iyaga ayuu ka mid yahay” Diintnu waxay ina faraysa in an ku dayano oo an yeelano dhaqanki Nabigeeni Suba (SCW) Bal kalay oo adba ka dhadhici wilka soomaaliyeed ama gabdha soomaaliyeed in uu qaldan yahay ama ay qaldan tahay. Cajiib yabaye may la qabtan!

Luqada aad ku hadasha waxay ka turjumaysa bulshada aad ka soo yeedo Iyo ciida aad tahay .

Waxa ayaan daro ah in qofkasta oo soomaaliyi in uu afkisa ku daro luqad aan tiisa ahayn, gar ahaan luqada Ingirisiga ah qofka soomaaliga ah iskuma haystaba in uu wax yaqaan hadi aanu ku darin luqad ama anu ku darin dhawr kalmadodo oo ka mid luqada Ingirisiga ah.

Somalida qaar ayaa ba amiin san in u aqoon yahaan ku yahay qofka luqadas ayqaan!

War hadaynan Diintena iyo dhaqankeena ayanaan ku dhaqmin ma dhaqanka kale iyo nin gal ah oo aad ku dayato ayaa ku wadi doona oo aad waligaa waxaad ku jirin ku dayasho dhaqan kale oo shisheeye hadaba, qof waliba waxa uu sharaf ku leeyey dhaqankiisa ee haka tagin dhaqan kaga ee ha ku noqdo dhaxal oo halaga garto dadka kale ee adunka korkisa ku nol.

Casriga aad leedahay waan gadhay ma waxad ku gadhay dhaqanka shisheeye iyo ku dayasho dadka aydan Diinta wadagin ee hoos u dhacaga ku faraxsan. Adunka korkisa lam arag oo lama maqal qof dhaqan kale ku dhata ,

Waa ayaan daro hadi ay casrinimadu ku horseeday halkan aad maanta jogto.Bal dib isugu noqo oo waxa ka qaldan sax haday tahay dhaqan iyo haday tahay dhanka Diintaba. Hafef : maha inta sax san , waa inta ay wax ka qaldan yihiin Llahay ayaan qaldamin hadi qoralka u wax ka qaldan yahay bini aadam ayaan ahe dalqaata

 Wixi talo iyo toosin ah halkan ku so hagaji

Hinda20999@gmail.com     

W/Q: Hinda Cabdi Sheekh