Axmed Muumin Seed Guddoomiye Xigeenka Waddani Oo Kulan La Qaatay Qaar Ka Mid Ah Haweenka Gobalka Awdal

Boorama-(SLpost)-Kullan balaadhan oo ay maanta iskugu yimaadeen Haweenka Beelweynta Muusafiin ayaa maanta ka qabsoontay Hotel Maana Guest ee Magaalada Boorama, Kullan oo ay soo agaasimeen Guddida Haweenweynaha Muusafiin ayaa waxaa ka soo qayb galay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Ee Xisbiga WADDANI Mudane Axmed Mu’min Seed.

12659623_1015665915172961_1742045847_n 12665703_1015664315173121_513094407_n

Munaasabadan ayaa ugu horeyn waxaa hadal dardaaran iyo guubaabo u badnaa u jeediyay haweenkan Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga WADDANI Waxa uuna si qoto dheer ugala hadlay in ay u diyaar galoobaan sidii ay u qaadan lahaayeen kaadhka codbixinta doorashada oo maalinta Sabtida ah ee Ay taariikhda bishani ku beegan tahay 13 ka bilaabmi doona Gobolka Awdal.

Gudoomiye Seed ayaa sidoo kale Sheegay in Qaadashada Kaadhkaasi Yahay kan is badalka keeni doona hadii sidiisa loo qaato kaa soo uu sheegay inay ku xidhan tahay Rajadii Xisbiga WADDANI Qaadashadiisu maadaama uu yahay kan lagu codaynayo.

Dhanka kale waxaa iyagna halkaas hadalo soo dhawayn iyo taageero u muujiyay Gudoomiyaha Iyo Xisbiga WADDANI Haweenweynihii ka soo qayb galay Munaasabadan oo ay isku jufo hoose isku yihiin Gudoomiye Seed waxa ayna u balan qaadeen in ay fariintaas muhiimka ah sideeda u qaadanayaan, waqtiga Doorashadana ay codkooga ugu hiilin doonaan Xisbiga Mustaqbalka Wanaagsan Leh Ee WADDANI.

Si kastaba ha ahaatee Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga WADDANI Ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa Magaalada Boorama waxa uuna waday hawlo uu ku dardargalinayo u diyaar garowga iyo qaadashada Kaadhka Codbixiyaha bulshada Ku nool Gobolka Awdal.