Tunuusiya Ayaa Darbi iyo Kanaal Biyo Ah Iskaga Xidhaaya Xuduuda Liibiya Ay La Leeyihiin Oo Dagaalyahano Ay Kaga Fataheen

Hargeysa(SLpost)-Dowladda Tuunis ayaa sheegtay in ay dhimaystirtay qeybtii ugu horraysay ee ah 200km oo ay ku oodayso xadka ay la wadaagto Liibiya.

160206224843_tunisia_borders_640x360_epa_nocredit 160207083528_tunisia_libya_border_640x360_reuters_nocredit

Darbigan oo laga sameeyay jawaanno carra ah iyo kanaal biya mareen ah ayaa waxaa loogu talagalay in loogaga hortago argagixisada. Mashruucan ayaa lagu dhawaaqay xagaagii la soo dhaafay kaddib markii rag hubeysan oo la sheegay in ay ku soo tababarteen Liibiya ay 38 qof ku dileen meel xeeb ah. Wasiirka Gaashaandhiga ee Tuuniisiya, ayaa sheegay in wajiga labaad ee mashruuca uu ka mid noqon doono in la dhiso qalab milateri iyadoo gacan laga helayo Jarmalka iyo Mareykanka.

Ciidammada ammaanka ayaa sheegay in derbiga oo loogu talagalay in gawaarida aanay xadka ka soo tallaabin uuba mar hore gacan ka gaystay in la yareeyo howlaha tahriibinta.

In ka badan 3,000 oo Tuuniisiyiin ah ayaa waxa ay isaga tageen dalkaa si ay uga garab dagaalamaan kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamiga ah iyo maleeshiyaad kale oo ka jira Suuriya iyo Ciraaq.

Hasayeeshee Mr Horchani ayaa sheegay in qeyba badan oo ka mid ah ay tan iyo waagaa dib u soo laabteen si ay ugu biiraan kooxfa ka dhisan Liibiya.

Liibiya ayaa waxa ay ku jirtay xasilooni darro tan iyo 2011 markaa oo xilka laga tuuray hogaamiyihii hore Mucamar Qadaafi, haatanna dalka waxaa ka jira laba dowladood oo iska soo horjeeda.Kooxda IS ayaa sanadkii la soo dhaafay waxa ay la wareegtay gacan ku haynta magaalada Sirte ee uu ka soo jeeday Qadaafi.