Halkan iyo Halkaaba: “HABLO WAA LA XUMEEYEY!”

Waa Sannado hore oo tagay. xilliyo kala duwan oo kala dambeeyey laba dhacdo oo xanuunkooda iyo damqashadooda leh oo gobolka Bariga Afrika kaga habsaday laba hablood oo curdin iyo ubax ahaa oo isla gobolka u dhashay. Hablo beri dambe taariikhdii ay soo mareen ka qoray laba buug oo malab ka macaan marna dacar ka qadhaadh. Labadooda midkood waa Soomaaliyad ku dhalatay miyiga gaalkacayo, ta dambena waa suudaaniyad kasoo jeeda Nuubiyiinta dalkaas. Labadooduba, si u eeg sida ay noloshoodu meel uga wada bilaabmayso ayey haddana meel ugu wada dhammaanaysaa. Labadoodu inkasta oo ay xiliyo kala duwan ku kala dhasheen miyiga soomaaliya iyo kan Suudaan, haddana, xiliyo kala gedisan sheekadoodu waxay ina hor keenaysaa iyagoo carro edeg ka raadinaya nolol ka gedisan tii ay ka ordeen. Rafaad ka dib marka ay saldhigasho isku hubsadaan ayey haddana baadidii ka maqnayd iyo reerahoodii gadaal usoo jalleecayaan oo dib raacdo u bilaabayaan, kolkaas oo ay dib Geeska afrika ugu kacayaan baadidoon ku aaddan waalidkood iyo walaalahood, bal nolol iyo geeri waxay ku sugan yihiin.

Weris diiriye iyo Mende Nazer bulshooyinka ay kasoo kala jeedaan iskuma diir eega oo keliya ee sidoo kale way isku duruuf iyo deegaan eeg yihiin, taas oo labada gabdhood iyo labada dhacdo ee ku kala yurursaday, marka si xor ah loo qiimeeyo, sida xadhiga iskugu tidcaysa heer ay marka ugu dambaysa dhab ahaan labada qof ugu kulmaan caasimada Ingiriiska, ka hor inta aanay midkood meelo kale uga sii gudbin ta kalena iyada oo weli halkaa ku sugan aanay xaashiyaha buuggu innaga dhammaan.

Weris diiriye dhamaadkii todobaatannadii ayey reerkoodii iyo xoolihii ay u raacaysay ba uga qaxaysaa oday lixdan jir ah oo dhawr halaad iyada aabbaheed usoo bandhigay si uu Naag ahaan ugu kaxaysto, xilligaas oo da’ a yaraan ka sakaw, gudniin fircooni ah oo aad u arxan daran ay ka bogsatay ama bogsasho loogu tiriyey. Firxadkii iyo socodkii dheeraa ee lugta ahaa ee ay arrintaas kaga jawaabtay waxa inoogu xigtay iyada oo inta ay gaalkacayo kasii gudubtay habaryarteed jaariyad ugu ah magaalada Muqdisho halkaas oo ay sannado badan oo dambe kusii noolayd iyada oo aan wax xidhiidh ah la yeelan qoyskeedii ay miyiga kaga soo baxsatay.

Dabadeed iyada oo sidaas xidhiidhkii hooyadeed iyo guud ahaan reerkoodu u go’an yahay waa ta hadana geeddi labaad oo ka dhashay shaqada keliya ee ay aqalka habaryarteed ka baratay loogu dirayo habaryar kale oo landhan kasoo dalbatay gabadh aqalka uga adeegta, habaryartaas oo ahayd xaaska danjirihii Soomaaliya halkaas u joogay xiliyadaas. Buugeeda ay ugu magac dartay “Dessert Flower” ama “Ubaxii saxaraha” ayaa inoo soo gudbinaya iyada oo keligeed ah oo sidii neef xoolo ah oo meel kale loo iib geynayo diyaarad rakaab oo xamar ka duulaysa la saarayo dabadeedna garoonka landhan iyadoo kabna gashan kabna laad laadinaysa waxa ka kaxaynaya dad usii sugayey sida xoolaha miyiga laga soo raro sayladda loogu sii sugo.

Mende Naser-ta suudaan iyada dhacdadeedu waa sagaashamaadkii, arrinkeeduna waaba mid ka culays iyo fool xumo badan ka gabadhaas hore. Mende markii ay gaadhay da’dii dadkeedu midida gudniinka ku dhufan lahaayeen, oo ‘dhoorray’ ah ayaa waxa tuuladii yarayd ee ay ku noolaayeen iyada iyo qoyskeedii habeen madaw oo la hurdo mirtay oo gabagabeeyey dablay hubaysan oo misna beelaysan, markaas oo ay tuuladii yarayd iyo dadkeedii u qaybiyeen wax ay gawracaan, wax ay

 dhaawacaan, wax ay guryo ku gubaan iyo wax ay ubadkoodii qafaashaan. Mende habeenkaas ayey ku dhacaysaa gacantii cadawga iyo nacabka iyadoo ka baxaysa gacantii gacalka iyo naxariista. Geeddiga koowaadba isla habeenkaas ayaa loogu guuro gelinayaa dhanka caasimadda khartuum iyadoo dillaaliin kale iyo gacmo kale oo isla nacabka uun ah kusii dhex war wareegaysa, ugu dambayntana waxa qiimo jaban loogu gaynayaa mid ka mid ah guryaha magaalada khartuum. Mende Noloshaas ayey ku jiraysaa sannado xanuun kulul oo xabsi ah, kolkaas oo ay u dhaxaynayso maalintii oo ay kijada ku jirto iyo habeenkii oo ay jiirka iyo baranbarada ku weheshenayso qolka yar ee dayrka ku dhex yaala ee reerka istoodhka u ah.

Muddo door ah oo ay Khartuum addoon ku ahayd ayey hadana geeddi labaad oo la mid ah ama u eeg midkii Waris diiriye waxa lagu gaynayaa Landhan halkaas oo ay markale Khaaddim iyo addoon ugu ahaan doonto sidii khartuum oo kale. Meeshaas sanado kale oo addoonimo iyo guumeysi jidheed iyo mid nafsadeed ah ayey ku qaadan doontaa ka hor inta aan galab dahabi ah farashka xorriyada Rabbi ugu soo dhiibin Nin ay isku deegaan kasoo jeedaan oo reer Suudaan ah, Ninkaas oo ay arrinkeeda si qarsoodi ah ugu sheegtay markii keliya ahayd ee ay jaaniska ama fursadda u heshey in ay dibada ugu baxdo hawlo loo diray. Ninkaas oo in muddo ah dusha kala socday ayaa sabab u ahaan doona qorshaha iyo khidada nugaylka badan ee nolosheeda dib u soo noolayn doonta. Waxay ugu waayo badan tahay amminta inta ay ganjeelka guumeysiga sida dhuumashada leh uga dusto ay alabaabka xorriyada sida dareen taabadka leh u gaadayso, kolkaas oo tallaabo kasta oo ay dhulka ku ordayso aad moodaysid in ay lugahaaga iyo wadnahaaga u isticmaalayso! Ilbidhiqsiga aad sadaradaas akhriyeyso waa hubaal in dhaayahaaga mooyaane dareenkaaga kale oo dhami keeda ku milmi doono. Xadantaynta dareenkaas culus ayaa garaaca wadnaha ee Mende iyo kaaga isku mar si isku mid ah uga sanqadhinaya! Sidaas baanu ahaanayaa illaa inta ay gaadhiga loo sii diyaariyey ee daaqadiisa loo sii furay dhexdiisa isku hubsanayso iyada oo aan weli rumaysan in ay gurigii iyo gumeysigii ka baxday ama iyada oo rumaysan in ay riyo macaan oo baqdinteeda wadata badhtanka kaga jirto!

Haddaba labada hablood mid ahaan oo ah Mende Naser, iyadu way ka ayaan iyo nasiib roonaatay taa kale maxaa yeelay isla judha ay laydha xorriyada afka u dhiganayso waxa gacanta ku haya dadkii deegaan ahaan ugu xigay. Waris diiriye si ka duwan gabadha hore, sanado badan ka hor markii ay landhan waddooyinkeeda gaaf wareegaysay iyadoo nolol cusub raadinaysa waxay afka ka gashay dad dhererka jidhkeeda, midabkeeda iyo muuqa wajigeeda macaash ka raadinaya, kuwaas oo lacag iyo nolol u ballanqaaday, haddii ay ogolaato shardiga ah in iyada oo qaawan jidhkeeda la sawirto dabadeedna sawiradeeda ganacsi loo isticmaalo, waqtigaas oo aanay doorasho kale oo ay nolol ka dheefto landhan ku haysan. Waris laydhii xorriyada ee ay laabta u furtay iyo sawiradii jidhkeeda ee ay lacagta ku bedelatay waxay ugu dambayntii gaadhsiisay darajo aanay gabadh soomaaliyeed oo caadi ahi gaadhin. Kol se haddii iyada dan laga lahaa iyaduna inan yar oo baahi iyo dan qabta ay ahayd Waris waxay noqotay waxa ay maanta tahay, xumaan iyo samaanba!

Darajooyinka ay faanka ka dhiganayso ee buugeeda ku qoran waxa ugu daran: in muuqaalkeedu kusoo baxay waxsoosaarka shirkadaha ugu waawayn dunida ee alaabaha dumarka ka ganacsada; in ay shirkadaha ugu waawayn ee dunida galbeedka xayeysiis u samaysay; in ay mid ka mid filimaanta shirkadda dunida ugu caansan ee Holly wood ka dhex muuqatay; in Oprah barnaamijkeeda dunida laga qiimeeyo inta lagu casuumay weliba Oprah lafteedu ku waraysatay iyo waxyaabo kale oo badan oo maanta dunida maadiga ah la iskugu faano, dunida diimahana laga yaso.

 Maalmahaas ayey Waris markii ugu horreysey ee nolosheeda ogaanaysaa in hablaha dunidan cusub ee ay kusoo biirtay aanay midabka oo keliya kaga duwanayn balse sidoo kale ay kaga duwan tahay qaabka ay u kaajayaan, markaas oo ay qalliin la xanuun ah midkii gudniinkeedii ciyaalnimo ay dhakhtar ugu tegeyso keliya si ay ugu eegaato oo ula jaanqaado caalamkan cusub ee ragga iyo dumarku sida xorriyada ah iskugu fuulayaan iyada oo aan la is kufsanayn oo aan la isku xoogayn sidii loogu xoogi gaadhay iyada -haddiiba ay jirtay- wadada Gaalkacayo iyo Muqdisho u dhaxaysa, xilli ay firdhad ku jirtay. Waris diiriye, Markii koowaad ee nolosheeda ayey caalamkan cusub ka samaysanaysaa Nin ay saaxiib yihiin kaas oo imika wixii ka dambeeya ay u wada dhaqmi doonaan, u wada seexan doonaan una wada socon doonaan si xor ah, sidii Nin iyo Naagtii! iyada oo aan cidna laga haybadaysanayn, ama maya’e iyada oo la isku wada ogyahay in labadooduba si xor ah oo dabar la’aan iyo sharci la’aan ah ay isku xusheen oo weliba sidaas heshiis ku yihiin. Xornimooy Xaal Qaado!

Haddaba yartu haddii ay bogaga hore ee buuggeeda ugu doodday: “Waxan la kulmay gudniin arxan daran, waxanan hooyaday iyo reerkayagii aan jeclaa uga soo cararay oo uga soo qaxay Nin iga wayn oo aabahay iiga soo geed fadhiistay, kaasoo tuldo geel ah iga bixin lahaa si aanu isku guursanno!…” Haddana, dhanka kale, si ka fog sidaa waxay qaybaha dambe ee buugga inoo ammaanaysaa, oo waa yaabe, ina leedahay: “…Maalinkii aan gudniinkii iyo qodobadii iska furay waxan bilaabay in aanan ka xishoonin la socodka raggii aan markii hore ka xishoon jiray saaxiibtinimadooda, kuwaas oo haddii ay markii hore i arki lahaayeen in aan dumarkooda kale ka gudo duwanahay ila yaabi lahaa oo igu caayi lahaa!…Markii aan dhakhtarka ka baxay, judhii horeba, saaxiib aan hore uga baqay oo aan cudurdaar la’aan ku diiday ayaan codsigiigiisii gadaal ka ogolaaday!!!”

Inaadeerteen markaa sidii bahda looga saaray ee loo maan dooriyey ee hayinka looga dhigtay iyo sidii inta dhaqan qaldan loogu qurxiyey ee loo ogolaysiiyey heeryada cusub wax aan ahayn ma ay muujin! Shakiga markaa isla ammintaba akhristaha Soomaaliyeed ee inantaas la dhiigga ama dhaqanka ah ku dhalanayaa waa mid buugga laftiisa iyo ciddii qortay ay bilawday.

Labada dhacdo, labada xaaladood, labada Nin iyo labada Xanuun ee Gaalkacayo iyo Landhan ka kala dhacay maxaa midna Janno ka dhigay, ka kalena Cadaab?, haddiiba se aanay jirin dan gaar ah oo laga yeeshay miskiintan yar ee dalkooda soo magansatay, maxaa si dheeli tiran oo isku mid ah xaaladahaas kor ku xusan ee ay la daristay loogu xusi waayey? Mise iyada oo dhacdada inantan laga faa’idaysanayo, waxa buugga loo qoray ujeedo ah in hablo kale si toos ah ama si dadban akhrinta fikirka buuggan loogu saameeyo, iyada oo qaab dahsoon loo caayayo caado xun oo gobol ka jirta caado kale oo kasii xun oo gobol kale ka jirtana la ammaanayo?

Riyo hadday dib leeyihiin, dabadooda ayey ku qarin lahaayeene Ninka reer galbeed ee fikirkaas gudbinayaa hadduu hablo ka naxayo muxuu hablahooda uga bilaabi waayey xoraynta iyo bani’aadminimada Soo kuwiisuba dulmi jidheed iyo mid nafsadeed lama daalaadhacayaan? Soo dhib dhaqaale iyo mid akhlaaqeed uma harraadana gabadha gurigiisu? Muxuu markaa u fadhayaa ceebaha dad kale isagoo arrimo bani’aadminimo ku gabbanaya?! “Midda aad qabtiyo hooyadaa laga mataalaaye, Maxaa cayda mooskaaga taal magane kuu geeyey, macdantii xishoodkiyo maxaa sharafti kaa maydhay!” Abwaan dhirbaaxo jin.

Aynu ku noqono Mende Nazer iyo buuggeediiye, gabogabada“SLAVE: My true story” waxay ku qiraysaa in ay xorriyaddu dhibkeeda leedahay gaar ahaan marka aanad u baran ee ay kugu cusub

 tahay, waxay sheegaysaa in xorriyada lafteedu ay markaas oo kale la qadhaadh tahay xorriyad la’aantii laga ordayey. Waxay sidoo kale sheegtay in xorriyaddii ay heshey bilawgii ay la qabsan wayday, isticmaalkeediina ku adkaaday oo haddii aan la caawin lahayn aanay dhadhankeeda dareenteen.

Maadaama Waris lafteedu ay noloshaas is waayitaanka ah uga aqoon badnayd oo ay kaga horreysey isla markaana ay kaga khibrad iyo waayo aragnimo dheerayd walaasheed Mende, wax lala yaabo ma aha markaa in magaceeda aynu ku aragnay isaga oo ku jira liiska dadka ay Mende Nazer ugu mahad celinayso buuggeeda dhadhanka iyo dhawaqa dheer ee laga qoray mid ka mid ah addoonsigii ugu xumaa ee Qarnigan 21-aad dunida galbeedka lagu arkay.

Si kastaba ha ahaatee labada gabdhood iyo dhacdooyinka ku duugan labadooda buug ee “Dessert Flower” iyo “SLAVE” waa kuwo akhriste kasta dareenkiisa raad iyo saamayn ku yeelanaya sidoo kalena waa buugaag doodo iyo waydiimo badan ku reebaya maanka cid kasta oo dunida ku nool gaar ahaan kuwa ay dalalkooda iyo deegaankooda kasoo jeedaan ee ay dhiigga iyo dheecaanka wadaagaan. Doodaha iyo waydiimaha ugu horreynba dhalanaya waxa ka mid ah:

Intaas oo sanno ka dib dalalkii iyo deegaanadii ay hablahani ka irdhoobeen ma yihiin kuwo wax is bedel ahi ka muuqdo? Dalalkii Waris iyo Mende ay ka tahriibeen ama laga tahriibeyey maanta Nabad geliyo ahaan, siyaasad ahaan, dhaqan ahaan iyo dhaqaale ahaan ma yihiin kuwo Warisyo dambe iyo Mendooyin dambe aan bustaha dibada ugu tuurayn? Gaalkacayo maanta ma ka duwan tahay middii ay sannado ka hor inantu kaga carartay guurka godobta ah iyo gudniinka bahalnimada ah mise taasi waaba sahaalo oo in lagu noolaado ayaaba maanta khatar ah? Tuulooyinkii Suudaan dilalkii iyo dagaaladii qabaliga ahaa ee dhexdooda ka socday ma ka gudbeen? Guud ahaan Bariga Afrika shalay iyo maanta kee ayuu ladan yahay ama degen yahay gaar ahaan Soomaaliya iyo Suudaan? Reer galbeedka sida naf la caariga ah hablaheenii u magansadeen ee ay isku dhiibeen, qudhoodu ma yihiin ama ma hayaan goob, guri iyo weliba xorriyad ay gabadha dalkeedii kasoo qaxday ku nabad geli karto, maadaama la yidhi “kabo tolahaaga kabihiisaa la eegaa”?

Aniga waxay ila tahay dhacdooyinka sanado badan hortood Waris iyo Mende dalalkoodii ka caydhsaday kuwo ka daran oo dib u joogso yidhi ayaa daqiiqad kasta, saacad kasta iyo maalin kasta ka dhaca Bariga Afrika! Labo waa salleelee kumanaan Waris iyo Mende ayaa maanta yurub iyo meelo kale ugu baxsaday balaayooyin dalkoodii kaga habsaday, oo kaaga sii darane haddii waagaas Waris jidhkeedii lacag laga siistay maanta meelo badan jidhkooda bilaash ama faro guudkood loogu isticmaalaa! Maanta hablo dhawrsanaan jiray ayaa kufsiga, guumeysiga iyo addoonimadana ugu tagay goobo aanay xaaraan ka ahayn oo inta magacyo kale loola baxay lagu caadaystay laguna xalaashaday! Markaas oo natiijada doodahaas iyo jawaabaha su’aalaha buugtaas ka dhashay ay sida biyaha ugu shubmayaan meel godan oo odhanaysa: Halkan iyo halkaaba hablo waa la xumeeyey!!!

Maanta ayaa loo yimid. Waa Qarnigii 21-aad. Hargeysa iyo magaalooyin kale oo geeska Afrika ku yaalla waxa laga furay xafiis loo furtay ka ganacsiga dadka. Waa hablo loo dhoofin doono dhankaa iyo Sucuudiga. waxa la guri doonaa hablo Soomaaliyeed. Hablo mari doona jidkii iyo noloshii Weris Diiriye, iyo Mande Naasir. Waa Hablo ay tahay in loo naxo oo laga naxo, iyo ganacsi ay tahay in la joojiyo. Qormada oo PDF ah halkan kala deg Halkan iyo Halkaaba.

Faysal Jaamac Geelle