Diyaaradii Daalo Ee La Qarxiyay Oo Khubaro Sheegtay In Al-shabaab Loo Tuhmaayo

Saraakiil Soomaali ah oo baaraya wax u muuqda qarax bam oo ku qasbay diyaaradda Daallo inay deg deg u caga dhigato garoonka Muqdisho, ayaa sheegay in ay u eg tahay in qaraxa ay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab.

Sarkaal amni oo sare, oo isaga oo magaciisa qariyey la hadlay VOA-da ayaa sheegay in baarayaasha ay hayaan caddeymo muujinaya in Al-Shabaab ay ka dambeysay qaraxa, islamarkaana ay goor dhow soo gudbin doonaan natiijada baaritaanka.

Agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa VOA-da u sheegay in sida wax u dhaceen iyo caddeymaha la hayaba ay muujinayaan in qarax bam uu ahaa waxa dhacay.

Dadka deegaanka degmada Balcad ee duleedka Muqdisho ayaa helay meydka qof jirkiisa go go’ay oo la rumeysan yahay inuu diyaaradda kasoo dhacay, qofkaasi oo ah qofka kaliya ee ka maqnaa dadkii saarnaa diyaaradda markii ay soo caga dhigatay.

Baarayaasha ayaa rumeysan in ninka diyaaradda ka maqnaa uu qaraxa ka tuuray duleelka ka muquda diyaaradda.

Fiqi ayaa sheegay inuu helay akhbaar ah in qofka la tuhunsan yahay inuu qaraxa ka dambeeyey uu si qasab ah u fariistay kursi u dhow taankiga shidaalka diyaaradda.

Fiqi waxa kale oo uu sheegay in qofkaas uu damacsanaa qarax xooggan oo diyaaradda bur-buriya.