Daawo:-Taliyihii Saldhiga Ibraahin Koodbuur Oo Xilkii Laga Qaaday Laguna Xidhay Inuu Guddoomiye Cirro U Fasaxay Saldhigaas Inuu Ganacsade Cumar Caydiid Uu Ku Booqdo

Hargeysa(SLpost)-Taliyii saldhiga Ibraahin Koodbuur ayaa xilkii laga qaaday isla markaasna la xidhay iyada oo lagu haysto inuu saldhigaas u fasaxay inuu soo booqdo gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro, waxaana talaabadan Canbaareyay xisbiga Waddani oo ku tilmaamay talaabo dhanka qaldan loo qaaday.