Siyaasiga Ku Caanbaxay Muslim Nacaybka Donald Trump Oo Ku Tilmaamay In Aan Lagaga Guulaysan Isreebreebkii Xisbiga Jamuuriga Gudihiisa Ee La Xaday

Us(SLpost):- Maal qabeenka Donald Trump oo ka mid ahaa musharaxiinta xisbiga Jamhuuriga Maraykanka, ee doorashada Madaxweynaha ee 2016-ka u ordayay, ayaa ku gacan saydhay guul darada, ka soo gaadhay tartankii is reeb reebka xisbiga gudihiisa ee gobolka Lowa, waxaanu si kulul u weeraray saaxiibkiisi la tartamayay ee Ted Cruz kaas oo sida natiijada hor dhaca ahi sheegayso ka guulaystay.

Donald Trump ayaa markiiba Twitter-kiisa ku baahiyay, canbaarayn uu ku durayo, Ted Cruz, waxaanu sheegay inaan laga guulaysan ee Tuug iyo khaayimiini heshay, wuxuu sheegay in siyaasiyiintu khaayimiin yihiin, waxa kale oo uu hadal kaas oo kale ah u jeediyay taageerayaashiisa.

Musharaxa Ted Cruz eek a guulaystay Donald Trump oo si kooban uga jawaabay, eedaynta Donald Trump ayaa yidhi, [Waxaanu doonayna hogaamiye wax maamula, ee uma baahnin hogaamiye Twitter-ka ka maamulaya.]