Wax-qabadka Maayar Soltelco Waa Mid Ay Taariikhdu Qori-doonto.

“Maayarka caasimadu waa shaqsi leh dulqaad dacadnimo uu ugu adeegayo‏ bulshadda soo dooratay”

Hargeysa-Maayar caasimadda Hargeysa,Mudane C/Raxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco markii uu la wareegay xilka ama maamulka dawlad hoose waxay ahayd meel ay wax badani ka qabyo yihiin maxaa yeelay maamuladii ay xilka kala wareegeen ee ka horeeyey oo ka tagay hawlo fara badan maanta waad arkaysaan halkay taagan-tahay oo wuxuu isku dayayey inuu wax badan ka bedelno, dhinaca tayeynta shaqaalaha dawlada hoose,qalabaka,Gaadiidka noocyadiisa kala duwan sida gaadiidka dab-damiska ah iyo waliba kuwa xashiishka lagu guro ee loo yaqaano iska rogooyinka,waliba dhinaca bilicda Dhismayaasha iyo Xafiisyada kala duwan ee xarumaha Dawladda Hoose ee Caasimadda iyo kuwa laamahaba .

Maayerka Dawlada hoose ee caasimadda Hargeysa, ayaa ku guulaysatay in wax ka qabato,isla markaana dib u dhis iyo habeen ku sameysay wadooyin badan oo ka mid ah kuwa hal bawlaha ah ee caasimada ku yaalla, kuwaasi oo markii hore xiliyada ay roobabku dalka ka bilaabmaan ay caqabado fara badan kala kulmi jireen gaadiidlayda dhex shaqeeya caasimadu, gaadiidka ka dhex shaqeeya caasimada iyo dadka shacabka ah,Sidoo kale waxa laga raysay intii uu maayarkani xilka uu qabsaday iliiladihii biya mareenada ahaa ee ay qashinku iska soo buuxin jiray marka uu dadku soo maro

Haddaba,marka aynu hoos u eegno ama qiimayno wax-qabadkii faraha badnaa ee dhinaca horumarinta arrimaha bulshada, bilicda magaalada Hargeysa,hagaajinta waddooyinka, dhismaha noocyadiisa kala duwan ee magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeeda.

Waxay cid kastaa og-soontahay oo ay marag ka tahay gaar ahaanna dadka aqoonta leh ee wax cabira in aan qofna hal maami Karin horumarka muuqda ee Maayer Soltelco ka hirgeliyey magaalada Hargeysa.), taasina ay tahay sababta ay madax fara badani ku gudoon siiyeen Ashahaado sharafyo uu ku mutaystay waxqabadkiisa waxay munaasibad uu mar labaad isugu sharraxay golaha deegaanka oo lagu qabtay magaalada Hargeysa ku guddoonsiisay Duqa Degmada Hargeysa md.Soltelco.

Waxaan anigu shaqsiyan ku talin lahaa in uu Maayer Soltelco loo daayo hogaaminta iyo gacan ku haynta maayarnimada caasimadda Hargeysa ee Somaliland,

Sidoo kale qaar badan oo ka mida bulshada Somaliland ee jecel horumarka wadanka ayaa aad u danaynaya in Maayar Soltelco uu xilka maayarnimada caasimadda Hargeysa sii hayo intaa in ka badan taas oo ay ku muujiyeen wax-qabadkiisa muuqda ee uu sameeyey mudadii koobnay ee uu Maayerka ka ahaa degmada Hargeysa, taasoo ay ku doodeen inuu mudan yahay in uu sannado badan sii joogo xilkaasi.

Waxaana uu si hagar la aana ugu adeegaa bulshada caasimada si uu bulshada SLutuso cabdiraxmaan solteco shaqsiga uu yahay kartidiisa iyo aqoontiisa dabeecadiisa iyo siyaasadiisa hogaamineed ee durugsan

 Waxa meel walba ka muuqda oo xasuus mudan wadooyinka bilicda leh ee uu Soltelco ka hirgaliyey daafaha kala gadisan ee gobolka maroodi jeex ee Hargeysa iyo waliba deegaannada hoos tagaa aanay ahayn wax halkan lagu soo koobi karo, markaynu si dhaba u eegno ama u milicsanno horumarka uu Dowladda Hoose ee Hargeysa gaadhsiiyey mudadii uu xilka hayey waxa markhaati ma-doon ah, oo si cad u muuqata wax tarkiisii.

Dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa ayaa soo iibsatay qalab lagu dhisayo wadooyinka kaasi oo ah wershad isku qasaysa Daamurka iyo Jayga iyo gadiidkii ka shaqaynayay, qalabaasi oo laga soo iibiyay dalka Itoobiya.

Qalabkan dhismaha ee ay soo iibsatay dawladda hoose ee Hargaysa oo soo gaadhay caasimadda ayaa noqonaya qaybtii labaad ee qalabka dhismaha wadooyinka oo ay soo iibsato dawladda hoose ee caasimadda,mudadii uu xilka hayey abdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco).

Maayarka (Soltelco), ayaa ka warbixiyay qalabkan iyo noocyadiisa. Waxaanu sheegay in qalabkani uu noqonayo wejigii labaad ee soo gaadha Hargaysa, iyadoo sanadkii hore la keenay qaybo ka mid ah qalankani. C/raxmaan Soltelco, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Qalabka halkan maraysaa waa wejigii labaad ee qalabka dhismaha waddooyinka. Waxaa halkan marayaa waa wershaddii Jayga ridqaysay oo 150 tan soo saaraysa saacadiiba. Waxaana hore u yimid iska-rogooyinkii, Beldhowsartii, Bayfartii iyo iskaafeetarkii”. Maayarka ayaa sidoo kale waxa uu u mahad celiyay madaxweynaha Somaliland, wasiirka maaliyadda, wasiirka arrimaha gudaha iyo marwada koowaad oo uu sheegay in ay gacan ka gaysteen dedaalkii qalabkan lagu soo iibiyay.

Geesta kale waxa aan iyaguna ka maqnayn Waxqabadka iyo horumarinta balaadhka iyo baaxadda leh ee uu ku talaabsaday wakhtigii ama mudadii uu xilka guddoomiye nimo ee golaha deegaanka Hargeysa hayey Mudane abdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco)waxa ka mid ah Adeegyadda mihiimka ah iyo dib u dhiska uu ku sameeyey qurxinta iyo casriyeynta uu ka hirgaliyey Caasimadda Somaliland ee Hargeysa waxa ka mid ah,samaynta adeega qaaliga ah eek ala haga gaadiidka dalka ee ishaarooyinka,hirgalinta Wadooyin fara badan oo mihiin u ah bulshadda,samaynta Biraha Laydhka Waawayn ee ku xidhan wadooyinka halbowlaha ah ee caasimadda kuna shaqeeya qalabka Solarka ama dhaliyaha Cadceeda kaas oo wada shiday guud ahaan jidadka ay maraan gaadiidka kala duwan ee dadka

 Markaa waxay qiimayntu u taallaa dadka wax qiimeeya ee reer Somaliland oo intooda badani diyaar ula yihiin Soltelco inay mar walba u doortaan maayarnimada Caasimada, waxaana cad horumarka iyo waxqabadka uu ka sameeyey dalka mudadii koobnayd ee uu xilka guddoomiye-nimada hayey Sidaa daraaddeed, danta dadka iyo degmada Hargeysa-ba waxay ku jirtaa inuu ahaado Maayer Soltelco iyaga oo qiimaynaya wax-qabadkiisa .

Sidoo kale waxa ay ay sheegaan dadka aqoonyahanka ahi in maayarka ay ka go’an tahay waxqabadka balaahdan horumar caasimad ah oo dhinac waxqabadka ah daacadnimo karti dulqaad iyo deganaan ku guto sooyaalkiisa taariikheedna wax badan ka taro mustaqbalkana ugu gudbo siyaasada hogaamineed oo heer qaran ah

Maayar Solteco ayaa lagu tilmaami karaa masuul wax weyn ku soo kordhiyay dalka, isagoo weliba inta uu gartay masuuliyadii uu qaranka iyo bulshadiisaba u hayay dheeraad ku sii daray. Isla markaana muujiyay hawl-kanimo iyo in uu si daacad ah ugu adeego bushadiisa, kana soo baxay masuuliyadii loo igmaday.

Wuxuu muujiyay sida uu ugu heelan yahay in uu bulshadiisa gaadhsiiyo horumar, isla markaana waxa uu dedaal dheeraad ah u galay sidii ay bulshadiisu u heli lahayd wadooyin laamiyo ah oo dhisan,Nadaafad iyo guud ahaan magaalo dhisan, kaasi oo aynu wad aog-soonahay qiimaha iyo qaayaha ay u leeyahay guud ahaanba dalka gaar ahaana gaadiidka.

Maayarkan oo ah nin dhalinyarro ah waxaa hubaal ah in taariikhdu ay xusi doonto, isagoo baal dahab ah ka geli doona sida wanaagsan ee uu ugu shaqeeyay umadiisa.Waana shaqsi ku amaanan hawsha qiimaha leh ee uu qabtay, isla markaana mutaystay bilad iyo shahaado sharaf in lagu siiyo, oo weliba lagu amaano laguna hambalyeeyo wax fiican ee uu qabtay.

Dhaymoolenews.com/Hargeysa

Fahad M.M.Caraal

Tell:0634699390/9118404