SICIR-BARARKA IYO MUSUQMAASUGU WAA AAFO QARAN

Jamhuuriyadda Somaliland ee ka tisqaaday Geeska Afrika waa Dawlad curdin ah oon weli aqoonsi ka helin Beesha Caalamka.

HADDABA HADDII DAKHLIGA YAR EE DALKEENA KA SOO BAXA IYO WIXII MUCAAWIMOOYIN XUKUUMADDA LA SIIYO LOO MAAREEYO SI WANAAGSAN, OO DAAH-FURAAN IYO WADA-XISAABTA LEH; WAXAY DAWLADDA JSL. JIRI KARTAA MUDDO-DHEER SIDA DALKA TAYWAAN (TAIWAN) IYADOON AYNAAN KA HELIN WAX AQOONSI AH BEESHA CAALAMKA; HADDII KALE OY CURYAAMIYAAN SICIR-BARAR, MUSUQMAASUQU, BOOB IYO EEX MA SII JIRI KARAYSO MUDDO-DHEER.

MAXAA SABABAY SICIR-BARAR?

Sicir-Bararka Somaliland xukuumadda ayaa samaysay (It is man made). Hor iyo horaan JSLand ma laha Baan-Dhexe (Central Bank) laakiin waxay leedahay khasnadii Dawladda (Treasury Bank) kaas oy xukuumaddu lacagta

dhigato, wixii mushahar ah iyo kharashaad ahna kala baxdo.

1. Somaliland Baan Dhexe ma leh. Balse waxay leedahay Khasad (Treasury).

2. Xukuumaddu waxay soo daabacatay lacag tira-badan(Sl.Sh.1000 iyo 5000)

3. Xukuumaddu ma ilaaliso qiimaha badeecadaha kala duwan(CPI=Consumer Price Index).

4. Baananka iyo Xawaaladaha Kayd lacageed lagama qaado.

5. Xawaaladii Qaran waa tii kacday, dad badan baa ku waayey lacagtoodii, Xukuumadaana ka masuul ah Ilaalinta lacagaha muwaadiniinta.

2- WAA MAXAY BAANKA DHEXE SHAQADIISU?

1. Waa Baanka Bangiyadda (the bank of the banks).

2. Wuxuu masuul ka yahay soo daabicida lacagta wadanka (i.e. Somaliland shillings), marka loo baahan-yahay oo qudha.

3. Wuxuu masuul ka yahay ilaalinta lacagta iyo jaangoynteeda.

4. Baanka dhexe isaga ayaa masuul ka ah maalin walba qiimaha lagu kala iibsanayo shillinka Somaliland iyo lacagaha kale sida Doollarka Maraykanka.

5. Baanka dhexe wuxuu masuul ka yahay in uu ka hayo keyd lacageed cid kasta oo leh Baan ams Xawaalad, si uu u ilaaliyo hantida muwaadiniinta lacagta dhiganaysa Baanankaas ama Xawaaladahaas. Tusaale wanaagsan: Waa tii kacday Xawaaladdii Qaran ma jirin cid

keyd lacageed ka haysay. Sidaa ayey muwaadiniintii S/Land ku waayeen lacagtii ay dhigteen Xawaaladdii Qaran.

MAXAA DHACAY JIMCIHII 22/01/2016?

Xukuumaddu waxay samaysay qiima-dhimis ay ka dhigtay halka dollar= 6000 sh.

Halkuu ka ahaa 8000 shs. Arrintaas Xukuumaddu kama ay fiirsan, wey ku deg-degtay. Maalintaas suuqyada Sarrifka waa laysku dhacay. Shacbiga Jeebkoodii waa la baadhay oo la boobay, maceeshadii cirka ayey isku shareertay. Sarriflayaashu maalintaa mid waliba wuxuu khasaaray 100 Dollarba laba boqol oo kun Shillinka S/land. Dadweynaha waxaa u raacday maceeshadii iyo badaacadaha kale midkiiba waxaa fuulay oo la kordiyey $2.50. Shacbigu waxay sugayeen sicir dhimis, sawtan maceeshadii cirka isku shareertay. Tanba yaa u fadhiyey.

ABWAAN GAARIYAA LAGA HAYAA (AHUN): BAL CAR SUUQA MADOOW CIDUU YAHAY SOO HEL?

3- Marka ay Xukuumaddu qiimo u yeelayso shillinka S/Land ma aha inay Boobto shacbiga danyarta ah ee la daallaadhacaaya nolol maalmeedkooda, mana haboona in mar qudha hoos loo dhigo laba-kun oo shillin (from 8,000 to 6,000). Taasi waa boob, waa dhac aan meela loogu soo gaban.

ILAHAAY DUL BADANAA WAA KA DAALLINKA ARKAAYEE

MUJRIM DAAJINAAYEE DAALACAN KARAAYEE

WAXA AY DALDALAYAAN KU SII DAAWANAAYEE

DULMIGA U SHIFEEYEE DIB WAX UGU DHIGAAYEE

ALLA DEREJO WEYNAA DUL IYO DEEQBA BADANAA???

Haddaba Musuqmaasuqa iyo sicir bararku waa Aafo-Qaran, waa mid gun iyo baar saameyn weyn ku

leh hab nololeedka shacbiga S/Land. Sidaa awgeed Musuqmaasuqa, Sicir-bararka iyo sarrif-bararka ayaa naafeeyey danyarta S/land sida: askarta, macallimiinta, karaaniyiinta, Ilaaliyayaasha iyo Nadiifiyayaasha, Dadka shaqo aan haysan iyo xaasaska dan-yarta ah.

ABWAAN GAARIYE WUXUU YIDHI:

XALKU INA SAN-WEYNOOW MAAHA GEEDO SARE-WAABE

SOLIMAYSO MAANTANA HADDAAD WAX U SARBEEBTAANE

SAKATIGA KU JIRA BUU RABAA IN AAD KA SAARTAANE

XAAJADU KA SINA-WEYN NIMAAD LACAG IYO DEREJO SIISAANE.

SIRRI-DAARI WEEYAAN DADKAN AAD SAHA-SHANAYSAANE.

XALKU WAXA WEEYE:

1) Lacag aan loo baahnayn in aan la soo daabacan. Taad soo daabacdayna aanad Doollar ku bedellan.

2) In deg deg loo sameeyo Baan Dhexe oo awood leh, lana ansixiyo xeer-baanka oo laga saaro wixii Diinta Islaamka ka soo horjeeda.

3) In ay Xukuumaddu yareyso isticmaalka kharashaadka aan loo baahneyn.

4) In hoos loo dhigo cashuuraha wixii daruuri ah sida cuntada, wixii kale sida Qaadka iyo Sigaarka cashuurtooda kor loo qaado.

5) In Xukuumaddu xagamayso qiimaha badeecadaha(price control).

6) Inay ku kalsoonaato baankeeda, oy dhigato lacagta adag.

7) In shillinka Somaliland kaydiyo Baanka Somaliland, baanka kale iyo xawaaladuhuna ay xisaab shillinka Somaliland ah ka furtaan Baanka Somaliland.

8) In shaqaalaha Dawladda oo dhan mushaharka lagu siiyo shillinka S/Land.

9) In la xoojiyo lana dhiirigeliyo wax beerista sida gallayda, hadhuudhka, Bariiska iyo Digirta IWM.

OOHOW KUMA SAL-DHIGO GEEL HADDAAN SABO U OODNAYNE.

GUUL IYO GOBONNIMO

PROF: AHMED AL-AZHARI E-MAIL: SOMALILAND_2013@HOTMAIL.COM

 

TEL: 063-4416456Jamhuuriyadda Somaliland ee ka tisqaaday Geeska Afrika waa Dawlad curdin ah oon weli aqoonsi ka helin Beesha Caalamka.

HADDABA HADDII DAKHLIGA YAR EE DALKEENA KA SOO BAXA IYO WIXII MUCAAWIMOOYIN XUKUUMADDA LA SIIYO LOO MAAREEYO SI WANAAGSAN, OO DAAH-FURAAN IYO WADA-XISAABTA LEH; WAXAY DAWLADDA JSL. JIRI KARTAA MUDDO-DHEER SIDA DALKA TAYWAAN (TAIWAN) IYADOON AYNAAN KA HELIN WAX AQOONSI AH BEESHA CAALAMKA; HADDII KALE OY CURYAAMIYAAN SICIR-BARAR, MUSUQMAASUQU, BOOB IYO EEX MA SII JIRI KARAYSO MUDDO-DHEER.

MAXAA SABABAY SICIR-BARAR?

Sicir-Bararka Somaliland xukuumadda ayaa samaysay (It is man made). Hor iyo horaan JSLand ma laha Baan-Dhexe (Central Bank) laakiin waxay leedahay khasnadii Dawladda (Treasury Bank) kaas oy xukuumaddu lacagta

  

 

dhigato, wixii mushahar ah iyo kharashaad ahna kala baxdo.

1. Somaliland Baan Dhexe ma leh. Balse waxay leedahay Khasad (Treasury).

2. Xukuumaddu waxay soo daabacatay lacag tira-badan(Sl.Sh.1000 iyo 5000)

3. Xukuumaddu ma ilaaliso qiimaha badeecadaha kala duwan(CPI=Consumer Price Index).

4. Baananka iyo Xawaaladaha Kayd lacageed lagama qaado.

5. Xawaaladii Qaran waa tii kacday, dad badan baa ku waayey lacagtoodii, Xukuumadaana ka masuul ah Ilaalinta lacagaha muwaadiniinta.

2- WAA MAXAY BAANKA DHEXE SHAQADIISU?

1. Waa Baanka Bangiyadda (the bank of the banks).

2. Wuxuu masuul ka yahay soo daabicida lacagta wadanka (i.e. Somaliland shillings), marka loo baahan-yahay oo qudha.

3. Wuxuu masuul ka yahay ilaalinta lacagta iyo jaangoynteeda.

4. Baanka dhexe isaga ayaa masuul ka ah maalin walba qiimaha lagu kala iibsanayo shillinka Somaliland iyo lacagaha kale sida Doollarka Maraykanka.

5. Baanka dhexe wuxuu masuul ka yahay in uu ka hayo keyd lacageed cid kasta oo leh Baan ams Xawaalad, si uu u ilaaliyo hantida muwaadiniinta lacagta dhiganaysa Baanankaas ama Xawaaladahaas. Tusaale wanaagsan: Waa tii kacday Xawaaladdii Qaran ma jirin cid

keyd lacageed ka haysay. Sidaa ayey muwaadiniintii S/Land ku waayeen lacagtii ay dhigteen Xawaaladdii Qaran.

MAXAA DHACAY JIMCIHII 22/01/2016?

Xukuumaddu waxay samaysay qiima-dhimis ay ka dhigtay halka dollar= 6000 sh.

Halkuu ka ahaa 8000 shs. Arrintaas Xukuumaddu kama ay fiirsan, wey ku deg-degtay. Maalintaas suuqyada Sarrifka waa laysku dhacay. Shacbiga Jeebkoodii waa la baadhay oo la boobay, maceeshadii cirka ayey isku shareertay. Sarriflayaashu maalintaa mid waliba wuxuu khasaaray 100 Dollarba laba boqol oo kun Shillinka S/land. Dadweynaha waxaa u raacday maceeshadii iyo badaacadaha kale midkiiba waxaa fuulay oo la kordiyey $2.50. Shacbigu waxay sugayeen sicir dhimis, sawtan maceeshadii cirka isku shareertay. Tanba yaa u fadhiyey.

ABWAAN GAARIYAA LAGA HAYAA (AHUN): BAL CAR SUUQA MADOOW CIDUU YAHAY SOO HEL?

3- Marka ay Xukuumaddu qiimo u yeelayso shillinka S/Land ma aha inay Boobto shacbiga danyarta ah ee la daallaadhacaaya nolol maalmeedkooda, mana haboona in mar qudha hoos loo dhigo laba-kun oo shillin (from 8,000 to 6,000). Taasi waa boob, waa dhac aan meela loogu soo gaban.

ILAHAAY DUL BADANAA WAA KA DAALLINKA ARKAAYEE

MUJRIM DAAJINAAYEE DAALACAN KARAAYEE

WAXA AY DALDALAYAAN KU SII DAAWANAAYEE

DULMIGA U SHIFEEYEE DIB WAX UGU DHIGAAYEE

ALLA DEREJO WEYNAA DUL IYO DEEQBA BADANAA???

Haddaba Musuqmaasuqa iyo sicir bararku waa Aafo-Qaran, waa mid gun iyo baar saameyn weyn ku leh hab nololeedka shacbiga S/Land. Sidaa awgeed Musuqmaasuqa, Sicir-bararka iyo sarrif-bararka ayaa naafeeyey danyarta S/land sida: askarta, macallimiinta, karaaniyiinta, Ilaaliyayaasha iyo Nadiifiyayaasha, Dadka shaqo aan haysan iyo xaasaska dan-yarta ah.

ABWAAN GAARIYE WUXUU YIDHI:

XALKU INA SAN-WEYNOOW MAAHA GEEDO SARE-WAABE

SOLIMAYSO MAANTANA HADDAAD WAX U SARBEEBTAANE

SAKATIGA KU JIRA BUU RABAA IN AAD KA SAARTAANE

XAAJADU KA SINA-WEYN NIMAAD LACAG IYO DEREJO SIISAANE.

SIRRI-DAARI WEEYAAN DADKAN AAD SAHA-SHANAYSAANE.

XALKU WAXA WEEYE:

1) Lacag aan loo baahnayn in aan la soo daabacan. Taad soo daabacdayna aanad Doollar ku bedellan.

2) In deg deg loo sameeyo Baan Dhexe oo awood leh, lana ansixiyo xeer-baanka oo laga saaro wixii Diinta Islaamka ka soo horjeeda.

3) In ay Xukuumaddu yareyso isticmaalka kharashaadka aan loo baahneyn.

4) In hoos loo dhigo cashuuraha wixii daruuri ah sida cuntada, wixii kale sida Qaadka iyo Sigaarka cashuurtooda kor loo qaado.

5) In Xukuumaddu xagamayso qiimaha badeecadaha(price control).

6) Inay ku kalsoonaato baankeeda, oy dhigato lacagta adag.

7) In shillinka Somaliland kaydiyo Baanka Somaliland, baanka kale iyo xawaaladuhuna ay xisaab shillinka Somaliland ah ka furtaan Baanka Somaliland.

8) In shaqaalaha Dawladda oo dhan mushaharka lagu siiyo shillinka S/Land.

9) In la xoojiyo lana dhiirigeliyo wax beerista sida gallayda, hadhuudhka, Bariiska iyo Digirta IWM.

OOHOW KUMA SAL-DHIGO GEEL HADDAAN SABO U OODNAYNE.

GUUL IYO GOBONNIMO

 PROF: AHMED AL-AZHARI E-MAIL: SOMALILAND_2013@HOTMAIL.COM

 

TEL: 063-4416456