Somaliland iyo Maxkamadda Cadaaladda Aduunka (ICJ)

Wasiirka Arrimaha Dibadda JSL, Dr Saad Ali Shire ayaa sheegay in ay Somaliland arrinta madax bannaanideeda u gudbin doonto Maxkamadda Cadaaladda Adduunka (International Court of Justice).
Maxkamadda Cadaaladda Adduunka (ICJ) – waa maxkamadda guud ee Qaramadda Middoobay. Waxaa lagu aas-aasay dastuurka qaramadda Middoobay June 1945. Kaalinta Maxkamaddu waa in ay dajiso khilaafaadka ay u soo gudbiyaan dawladuhu ee dhex mara dawladaha iyadoo raacaysa xeerarka Caalamiga ah isla markaanna ay ka bixiso tallo arrimaha sharci ee ay kasoo codsadaan qaybaha loo ogol yahay ee ka tirsan Qaramada Midoobay iyo hay’adaha gaarka ahi. Maxkamadda waxaa dacwado usoo gudbiya dawladaha & UN-ta oo tallo bixin ka soo waydiisan karta arrimo u baahan xal sida khilaafkii Madax Bannaanida KOSOVO. Xarunta Maxkamaddu waa magaalada Hague.
Dawladdii Jamhuuriyadda Soomaalidu waxay si rasmi ah uga mid noqotay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka (International Court of Justice) 11 April 1963, waxaa saxeexay wasiirkii Arrimaha Dibada ee wakhtigaasi, Abdullahi ISA. Maxkamaddu muddadii ay jirtay arrimo badan oo la xidhiidha masiir ka bulsho ayay tallooyin ka bixisay, tallooyinkaasi oo kala duwanaa.
2008-dii ayay KOSOVO si kaligeed ah (Unilateral) ugu dhawaaqday madax bannaani, Serbia oo ay ka go’aysay arrintaasi kama aysan ahayn raali. Shirweynaha Qaramadda Midoobay ayaa Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ka codsaday tallo bixin ku wajahan sharci ahaanshiyaha Madax Bannaanida Kosovo ee ah in si kaligeed ah ay ugu dhawaaqday Madax bannaani. 22 July 2010, Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda Adduunku (ICJ) waxay ka bixisay TALLO arrintii madax bannaanida KOSOVO. Maxkamaddu waxay si cad u qeexday in aan dawladnimadda ay KALIGEED (Unilateral) KOSOVO ugu dhawaaqday ayna ka hor imanayn Sharciga Caalamiga ah.
Kaddib markii ay soo baxday tallada ICJ, Wasiirkii Arrimaha Dibadda wakhtigaasi ee Faransiiska, Bernard Kouchner ayaa wuxuu yidhi “Dhamaan dawladuhu waa in ay u aqoonsadaan KOSOVO qarran kaddib Talladda Maxkamadda oo cadaysay in KALI ku dhawaaqidii Madaxbanaanida ee KOSOVO ay ahayd mid sharci ah oo aan ka hor imanayn shuruucda caalamiga ah”
Wuxuu intaas ku daray Wasiir Koucher “Serbia & Kosovo waxaan u rajaynayaa in ay dhisaan daris wanaag iyo xidhiidh laba dawladood mustaqbal ka dhow”
1965 Rhodesia oo uu hogaaminayay Rayiisal Wasaare Ian Smith ayaa xidiidhka u jaray gumaystihiisii Ingiriiska. Rayiisal Wasaare Ian wuxuu ku dhawaaqay dawlad madax banaan – arrintaasi waxay ahayd mid ka cadhaysiisay gumaystihii Ingiriiska, waxay kala jabisay bulshadii reer Rhodesia iyadoo Xisbiyadii mucaarad ka ahaa ay gooni gooni ugu dhawaaqeen dawlado yar yar oo goostay, xisbiyadaasi waxaa ka mid ahaa Zimbabwe African national Union (ZANU) iyo Zimbabe African People’s Union (Zapu). Xisbiyadaasi waxay dawladdii Ingiriiska ugu yeedheen in ay isticmaasho xoog si loo joojiyo Dawladda Smith. Xisbiga Zanu wuxuu Qarramadda Middoobay iyo Midawga Afrika ka codsaday taageero. Gollaha Amaanka ee Qarramada Midoobay waxay cambaareeyeen tallaabada uu qaaday Smith ee madax bannaanida. Maraykanka ayaa isna si dag dag ah u taageeray cuno qabatayno Ingiriisku ku soo rogay Rhodesia oo ku wajahan Milatariga iyo la soo daggida Sonkorta – UN-tuna waxay xubnaheeda ugu yeedhay in cuno qabatayn dhaqaale ay saaraan Rhodesia 1966.
Maxkamadda Cadaaladda Aduunka oo ka gar naqday arrintaasi Rhodesia waxay cadaysay in ay tahay sharci darro taasi oo ay ku sababaysay in Goosashadu ay tahay arin ka baxsan xayndaabka gumaysiga.
Xisbiyaddii Zapu oo uu hogaaminayay Joshua iyo Zanu oo uu hogaaminayay Robert Mugabe ayaa ka heshiiyay khilaafaadkoodii sameeyayna xisbigii Patriotic Front (PF) si ay u wajahaan Raysal Wasaaraha ku dhawaaqay madax bannaanida ee Ian Smith – dagaal jabhadayn ah ayay la galeen Smith oo aakhirkii xukunkiisu soo gabo gaboobay 1979. 1980 kii ayaa Robert Mugabe loo doortay Raysal Wasaaraha dawladda dhalatay ee Zimbabwe halka Ain Smith uu ka ahaa xildhibaan ilaa 1987 kii.
Arrinta Somaliland sharci ahaan way ka duwan tahay labadaasi qadiyadood ba. Waa ta koowaad eh waxaan suuro galin midawgii 5ta Soomaaliyeed ee ay rabtay in la mideeyo oo waa tii arrintu ku kooban tay Waqooyi iyo Koonfur isla markaana Keentay inqilaabkii fashilmay ee ay ku kaceen saraakiishii ka soo jeeday Somaliland ee ka biyo diiday guuldaradii midawga ee bilawga ahayd. Somaliland 1960 waxay ahayd dawlad la yaqaan oo aqoonsi ka heshay 35 dawladood, heshiis midaw oo qoran oo ay kala qorteen labadii dawladood ee ku midoobay Jamhuuriyaddii Soomalidu ma sugna, Somaliland waxa ku dhacay Xasuuq iyo xad-gudubyo bani’aadannimada ka hor imanaya oo u ogolaanaya in ay aayaheeda ka tashato iyo iyaddoo Somaliland dhacda xuduudihii gumaysigu dhigay isla markaana waafaqsan xeerarka Midawga Afrika. Somaliland waxay guud ahaan buuxisay shuruucda dawladnimo si waafaqsan xeerarka Caalamiga ah.
Waxyaabaha muhiim ka ahi waxa weeye in la helo dariiq ay Somaliland ku gayn karto dacwaddeeda maxkamadda Cadaaladda Aduunka ama hab ay UN tu ugu soo gudbin karto ICJ qadiyadda Somaliland si ay uga talo bixiso in ay arrinta Somaliland waafaqsan tahay shuruucda caalamiga ah.
Dhinaca kale 6dii February 2015 waxaa Madaxweyne Xigeen ka noqday Maxkamadda Cadaaladda Adduunka (ICJ) Abdulqawi Ahmed Yusuf oo ku dhashay Eyl, Somalia, 12 Sept 1948 – Waa Khabiir Sharciga Caalamiga ah bartay oo ay wax soo bartay dawladii burburtay ee Jamhuuriyaddii Soomaalidu – waa nin saamayn badan ku yeelan karra arrimaha ka dhex dhacaya maxkamadda gudaheeda isla markaana u dhashay Somalia.
Abdirashid Ibrahim Abdirahman