Denmark Oo Ansaxisay Sharci La Dhaleeceeyay oo Qaxoontiga Lagu Baadhanayo

Hargeysa(SLpost)-Baarlamaanka Denmark ayaa ansixiyay sharci lagu muransan yahay oo lala wareegayo lacagta ay wataan dadka qaxootiga ee waddanka imanaya.

151218143101_refugees_624x351_gettyimages_nocreditDenmark ayaa sheegtay in siyaasada dadka qaxootiga ay la mid noqon doonto, dadka Danishka ah ee shaqo la’aanta oo laga doonayo inay iibiyaan xoolahooda si ay caawinaad uga helaan dowladda.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale ansixiyay in la daahiyo waqtiga qofka inuu keensan karo reerkiisa.

Sharciga cusub, qaxootiga soo galaya Denmark ayaa haysan kara oo kaliya lacag dhan 1,340 euro.

Alaabada sida faraantiyada guurka ayaa loo daynayaa qofka.

Hayadda qaxootiga ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa dhaleeceeyay sharcigan.

Isagoo hadlaya codaynta baarlamaanka ka hor, Afhayeenka UNHCR Andrian Edwards oo saxaafada kula hadlay Geneva ayaa sheegay in talaabadan ay u keeni karto dhib.

“Go’aanka in boliiska Danishka ay xaq u leeyihiin inay baaraan qaxootiga ayna ka qaadaan lacagtooda ayaa diraysa fariin xun” ayuu sheegay.

“Waxay keeni kartaa cabsi, takoorid halka laga doonayay taageero dadka u baahan magangelyo.”