Qabyo-qoraalka Xeerka Bangiyada Ganacsiga Maxaa Ka Khaldan?

Ilyaas Maxamed Xuseen

Hordhac

 

Akhriste waxaan qiyaasayaa inaad la socotey buuqa iyo sawaxanka ka dhashay qabyo-qoraalka xeer mar dhexdaas ah la horkeenay baarlamaanka Soomaalilaan si loo falanqeeyo ka bacdina cod loogu qaado. Xeerkani waxa uu ku saabsanaa bangiyada ganacsiga. Buuqa iyo sawaxanka waxa dhaliyey ayaa ahayd in bangiyada ganacsi ee xeerkani oggolaanayo ay yihiin kuwo ku salaysan nidaamka dulsaarka ama ribada. Ugu horrayntiiba markii qabyo-qoraalka xeerkan la hor keenay baarlamaanka waxa kacay isla markaana diidmo qayaxan kala hor yimi xubno kamid ah xildhibaannada iyo badi cullimada dalka. Waxa sidoo kale xeerkan ka soo horjeestey badanka bulsho-weynta Soomaalilaan iyaga oo u arkayey mid shareecadda Islaamka si cad uga hor imanaya. Ayaamahan danbena waxa baraha bulshada haystey dood ku aaddan xeerkan. Qolyo kooban oo bulshada kamid ahi waxay muujiyeen inay ayidsan yihiin xeerkan oo ay doonayaan in la ansixiyo isla kolkaana la dhaqangeliyo iyaga oo ku doodaya in xeerkani waddanka u suurtagelin doono horumar dhaqaale maxaa wacay waxa uu dalka u soo jiidi doonaa maalgashi shisheeye. Qolyaha xeerkan sida cad uga soo horjeeda waxay leeyihiin maaddaama uu xeerkani ka hor imanayo shareecadda Islaamka, Eebbe sarreeyena Quraankiisa ku caddeeyey xaaraantinimada ribada, waxa waajib ah in laga dheeraado ansixintiisa, taa beddelkeedana bangiyada ganacsiga ee la doonayo in waddanka laga hirgeliyo la waafajiyo shareecadda Islaamka oo laga dhigo bangiyo Islaami ah.

Intii aan la socdey qabyo-qoraalka xeerkan iyo doodda ka taagan, waxa ii soo baxday in dadka badankiisu aanay si fiican u fahansanayn bangiyada ganacsiga iyo waxa ay daaran yihiin. Waxa kale oo aan dareemay inaanay dadku fahan fiican ka haysan nidaamka bangiyada ee Islaamka. Sidaasi darteed, waxaan qalinka u qaatay inaan wax ka bidhaamiyo micnaha bangiyada ganacsiga iyo shaqada ay qabtaan, wax ka tilmaamo muhiimadda ay koboca dhaqaalaha dalka u leeyihiin, dabadeedna wax ka xuso farqiga u dhexeeya bangiyada ganacsiga ribada ku salaysan iyo kuwa Islaamiga ah. Ugu danbayntana, soo bandhigo aragtidayda ku aaddan xeerkan buuqa dhaliyey iyo mawqifka aan ka taaganahay doodda taagan.

 

 

Micnaha Bangiyada Ganacsiga

Marka aynu mawduucan ka hadlayno, waxa muhiim ah inaynu kolka horeba isla garanno waxa looga jeedo bangiyada ganacsiga. Bangi ganacsi wax kale maaha ee waa xarun maaliyadeed oo shaqadeeda asaasiga ahi tahay inay bixiso adeegyada kala ah aqbalaadda dhitada iyo dhigaalka lacageed ee macaamiisha(Accepting deposits) iyo bixinta amaahda kala duwan ee macaamiishu u baahan tahay(Providing loans).Si kale haddii loo dhigo, bangiyada ganacsigu waxay u dhexeeyaan dadka kaydka haysta iyo dadka u baahan amaahda ama maalgellinta. Bangiyada ganacsigu waxay inta badan u adeegaan dadka caadiga ah, ganacsiyada waaweyn iyo kuwa yaryar, iyo weliba xarumaha kala duwan.

Ahmiyadda ay bangiyada ganacsigu u leeyihiin koboca dhaqaalaha

Bangiyada ganacsigu waxay door laxaadle ka ciyaaraan koboca iyo horumarka dhaqaalaha dalalka. Innaga oo wadciga dalkeenna ka jira maanka ku hayna, waxaynu wax ka iftiimin karnaa doorka ay bangiyada ganacsigu ka ciyaari karaan koboceenna dhaqaale.

Waa marka koowaade, waxa jira dad badan oo dalkeena ku dhaqan isla markaana haysta lacag faro badan. Lacagta ay dadkani haystaan waxay badanka ku jactaddaa barkimooyinka hoostooda, waxayna ku daxashaa gudaha khasnadaha lacagta lagu kaydsado. Waxa sidoo kale jira dad aan yarayn oo leh hal-abuur ganacsi oo heerkiisu sarreeyo. Kooxdan danbe waxa maankooda ka buuxa afkaar ganacsi oo qayrul caadi ah. Mushkiladda ugu weyn ee qolyahanhaysata ayaa ah inaanay gacanta ku hayn lacagtii ay ku hirgelin lahaayeen ganacsiyada maskaxdooda ka guuxaya. Sidaasi awgeed, haddii waddankeena laga hirgeliyo bangiyo ganacsi, waxay marka hore dhiirrigelin doonaan in dadkeennu ay lacagtooda dhigtaan oo ay ku kaydsadaan bangiyada ganacsiga. Dabadeedna waxay bangiyadu ka shaqaysiin doonaan dhitada iyo dhigaalka ay gacanta ku dhigeen iyaga oo maalgelin doona ganacsiyada ay is-leeyihiin faa’ido lacageed ayaa ku jirta ee ay u soo bandhigaan macaamiishoodu. Tallaabadan ayaa waxa ka dhalanaysa faa’idooyin dhaqaale oo aan la yaraysan karin. Waxa imanaysa in dadku u dhaqaaqaan maalgashiga dalka. Nin kastaba ganacsiga uu isleeyahay waad ka macaashi doontaa ayuu xoogga saari doonaa.

Tusaale ahaan, waxa maalgashi lagu samayn doonaa beeraha, kalluumaysiga, xoolaha, warshadaha, dalxiiska iyo qaybaha lamidka ah ee laga filan karo waxsoosaar iyo macaash badan. Sidaasi aawadeed, waxa markaba cirka isku shareeraya waxsoosaarka dalka waxana koboc ku imanayaa dhaqaaleheenna. Aakhirkana taasi waxay sabab u noqon doontaa in shaqooyin badan la hello oo ardayda jaamacadaha ka soo qalinjebiyey isla markaana gidaarrada camal la’aantu tubtay ay hawlgalaan. Qaarkoodna abuurtaan ganacsiyo yaryar iyaga oo lacagta ka helaya bangiyada ganacsiga. Tallaabooyinkaa ayaa keenaya in heerka saboolnimada dalkeennu hoos u dhaco isla jeerkaana aynu gaadhno badhaadhe iyo barwaaqo dhaqaaleed.

Nidaamka Bangiyada Ribada ku Salaysan

Bangiyada ribada ku salaysan oo inta badan loogu yeedho bangiyada caadiga ah (Conventional Banks), iyada oo looga jeedo bangiyada adduunka oo dhan laga isticmaalo ee laisla yaqaan, waxa nidaamka ay ku shaqeeyaan sal u ah ribada ama dulsaarka. Bangiyadani waxay macaamiisha lacagta ku kaydsada siiyaan dulsaar, kuwa ay lacagta amaahiyaanna waxay sidaa si lamid ah ka qaadaan dulsaar. Ujeedada ugu weyn ee ay bangiyadani leeyihiin ayaa ah inay macaash fara badan soo hooyaan iyaga oo dad badan soo jiidanaya si ay lacagtooda ugu kaydiyaan, dad badanna lacag u deymiyaan. Si kale haddii loo dhaho, bangiyada nidaamkani salka u yahay waxay lacagta uga ganacsadaan sida badeecadda caadiga ah oo kale oo waxay ka raadiyaan macaash iyo manfac dheeraad ah. Nidaamka ay bangiyadani ku shaqeeyaan waa kan dunida oo dhami adeegsato.

Nidaamkani maadmaama uu yahay mid adduunka oo dhan ka caan ah, dadka badankiisana wax uga baxsan yihiin, sharaaxaddaa kor-ka-xaadiska ah ayaynu ku dhaafaynaa.

Nidaamka Bangiyada Islaamiga ah

Nidaamka bangiyada Islaamka waxa sal u ah shareecadda Islaamka. Wax kasta oo ka hor imanaya ama si cad uga soo horjeeda mabaadi’da guud ee shareecadda Islaamka waa ka xaaraan inay bangiyadani ku shaqeeyaan. Tusaale ahaan, Eebbe sarreeye waxa uu meelo badan oo kitaabka Qur’aanka kamid ah ku caddeeyey xaaraantinnimada ribada iyo sida ay tahay inay Muslimiintu uga dheeraadaan. Waxa kale oo uu Eebbe Quraanka ku xaaraantimeeyey khamaarka iyo qararka. Sidaasi awgeed, waxaynu odhan karnaa bangiyada islaamku waa kuwo ka madaxbanaan wax kasta oo ribo ama dulsaar ku tacalluqa, waana halkaa meesha salka u ah kala duwanaanshaha nidaamka bangiyada caadiga ah iyo kuwa Islaamiga ah.

Maaddaama oo ay shareecadda Islaamku xaaraantimaysay dulsaarka ama ribada, waxay bangiyadani adeegsadaan habab iyo agabyo kale oo iyaga khaas u ah.

Hababka iyo Aaladaha Bangiyada Islaamiga

Hababka ugu caansan ee ay adeegsadaan bangiyada Islaamiga ah waxaynu ka tilmaami karnaa:-

  1. Muraabaxa: Habkani waxa uu kamid yahay hababka ugu caansan ee badanka bangiyada Islaamiga ahi isticmaalaan. Waana nidaamka qudha ee waddankeena iminka ka shaqeeya. Muraabaxadu wax kale maaha ee waa iib. Tusaale ahaan, waxaad ka soo qaaddaa inaad damacday iibsashada gaadhi adiga kuu khaas ah balse aanad gacanta ku hayn lacagtii aad ku soo gadan lahayd gaadhigaa, dabadeedna aad u tagtay bangi Islaami ah kana codsatay inay deyn ahaan kuugu iibiyaan gaadhiga aad caashaqsan tahay. Bangigu inta uu ordo ayuu gaadhiga isagu soo iibsan doonaa oo tusaale ahaan soo siisan doonaa $5,000 dabadeedna adiga ayuu kaa sii iibin doonaa isaga oo ku saaranayaa faa’ido dhan $500. Sidaasi darteed, waxaad deyn ahaan u bixin doontaa lacag dhan $5500. Waxa xusid mudan inay cullimadu isku khilaafsan tahay xalaaltinimada Muraabaxada isla markaana ay jiraan cullimo aaminsan inuu yahay xaaraan iyo ribadii oo la xeeladeeyey.
  2. Qardul-Xasan:Waa hab kamid ah hababka ay bangiyada Islaamiga ahi dadka u deymiyaan lacagta. Habkan marka la joogo, baanku si caadi ah intuu lacagta kuu amaahiyo ayaad hadhow bixin doontaa xaddigii lacageed ee uu ku amaahiyey oo aan waxba lagu darin waxbana laga dhimin. Tusaale ahaan, haddii bangigu ku amaahiyey $2000, muddo cayiman ka bacdi waxaad bixin doontaa isla $2000 ee u bangigu ku amaahiyey.
  3. Mudaaraba: Mudaarabadu waa heshiis dhexmara bangiga iyo qof kale oo maalgelin u baahan. Mudaarabada marka la joogo, dhinac kamid ah oo markan ah bangiga oo ka masuul ah kaydka macaamiisha, waxa uu keenaa lacagta oo waxa loo yaqaan “Rabbul-maal”, dhinaca kalena waxa uu la yimaaddaa xirfadda la doonayo in lagu maalgeliyo lacagtaas oo waxa loo yaqaan “Mudaarib”.Marka tusaale ahaan, bangigu uu maalgeliyo ganacsi isla markaana maamulka iyo socodsiinta ganacsiga farta ka saaro mudaaribka, faa’idada ka soo hoyata ganacsiga waxa si heshiis qeexayo u kala qaybsan doona bangiga iyo mudaaribka. Haddiise, ganacsigu khasaare la kulmo waxa khasaaraha dusha u ridan doona bangiga waase haddii aanu qofka mudaaribka ahi la iman wax khiyaamo iyo is-daba-marin ahe.
  4. Mushaarakah: Mushaarakah marka si guud loo qeexo waa heshiis wax isku darsi oo dhex mara laba qof oo markan noqonaya bangiga iyo qof kale. Tusaale ahaan, haddii uu ganacsade Axmed la yidhaahdo damco inuu furto ganacsi balse aanu ka maarmayn cid kale oo wax ku darsata ganacsiganna qayb kala noqota, waxa uu u tegayaa bangiga, ka bacdina waxa uu ka dalbanayaa in bangigu, isaga oo metelaya macaamiisha lacagta ku kaydsatay, la maalgashto ganacsiga uu doonayo inuu hirgeliyo. Heshiis ayuu dabadeed la saxeexanayaabangiga. Faa’idada iyo khasaaraha ka dhasha ganacsigana waxa wadaagi doona Axmed iyo bangiga oo waxay u qaybsan doonaan boqolkiiba inta dhinac kasta ku darsaday maalgashiga.

 

Aragtidayda ku Aaddan Xeerka Bangiyada Ganacsiga

Xeerka bangiyada ganacsiga ee la doonayo inay xildhibaanada baarlamaanku ansixiyaan sidiisa kale waa uu u caafimaad qabaa balse qodobka Saddex iy tobnaad, faqraddiisa labaad iyo shannaad ayaa jidaynaya adeegsiga dulsaarka ama ribada. Qodobkaas ayaana ah waxa dhaliyey muranka ilaa hadda taagan. Sidaasi daraaddeed, waxa marka koowaad lagama maarmaan noqonaysa, intaynaan meel kaleba isku qaadin, inaynu fiirinno waxa dastuurka Soomaalilaan ka qabo xeerarka iyo sharciyada sida tooska ah uga soo horjeeda shareecadda Islaamka, khaasatan xeerkan iminka la isku hayo ee bannaynaya adeegsiga ribada.

Waxa qodobka shannaad ee dastuurka Soomaalilaan faqraddiisa labaad ku xusan “Xeerarka dalka waxaa laga qaadanayaa Shareecadda lslaamka; waxaana reebban wixii xeer ah ee ka soo horjeeda”.  Waxa sidoo kale qodobka afar iyo tobnaad ee dastuurka faqraddiisa saddexaad ku cad“Ribada iyo macaamilooyinka ganacsi ee dhib u leh bulshada iyo ku xoolaysiga sifo aan sharci ahayni way reebban yihiin”.

Akhriste sida ku cad qodobka hore, waxa reebban xeer kasta oo diinta Islaamka ka soo horjeeda, sida la wada ogyahayna shareecadda Islaamku waxay si cad u xaaraantimaysay aadna uga digtey in lagu dhaqmo ribada ama dulsaarka. Qodobka labaadna waxa uu tilmaamayaa siina xoojinayaa qodobka koowaad oo waxa uu xaaraantimaynayaa adeegsiga ribada.

Sidoo kale, xeerka bangiga dhexe oo cod aqlabiyad leh baarlamaanka Soomaalilaan ku ansixeyey sannadkii 2012-kii, waxa qodobkiisa saddexaad, faqradihiisalixaad, toddobaad iyo welibanasiddeedaad,hoosta ka xarriiqayaan in shareecadda islaamku tahay saldhigga xeerka baanka dhexe, baankuna uu ku dhaqmi doono axkaamta shareecadda islaamka ee maaliyadeed, waxa kale oo faqradahaa ku cad in amaah kasta oo soo jiidanaysa manfac dulsaar/ribo aanay bannaanayn.

Sababtaasi awgeed, xeerkani marka laga yimaado inuu ka soo horjeedo shareecadda Islaamka, waxa uu sidoo kale ka soo horjeedaa oo uu si toos u burinayaa qodobbo kamid ah dastuurka Jamhuuriyadda Soomaalilaan.

Waa marka labaade waxaad akhriste maanka ku haysaa in xaaraantinimada ribadu aanay u gaar ahayn oo keliya diinta Islaamka balse badi diimuhu ay u tixgeliyaan xaaraan. Tusaale ahaan, waxa jira aayado badan oo kitaabka Tawraadda kamid ah oo yahuudda si cad uga xaaraantimaynaya isticmaalka ribada. Kitaabka qolooyinka kiristanku haystaan ee Baybalkana waxa sidoo kale ku jira aayado badan oo dadka ka reebaya ku dhaqanka ribada. Dhaqaaleyahanno hore iyo kuwo danbe oo reer galbeed ah ayaa iyana jira oo aad u cambaareeyey nidaamka ribada ku salaysan kana soo horjeeda.

Waa marka saddexaadebangiyada nidaamka Islaamiga ah ku hawlgala, waloow ay yar yihiin kolka la barbardhigo kuwa caadiga ah, haddana si xawli ah ayaa ay marba marka ka danbaysa u soo badanayeen laga soo bilaabo soo if-baxoodii dhowr iyo konton sanno ka hor. Hantida ay bangiyadanimaamulaan iyo faa’idada ay soo hooyaanna sidaa si lamid ah ayaa ay u kobcaysey.  Waxa la sheegaa in soddonkii sanno ee ugu danbeeyey bangiyada Islaamiga ahi samaynayeen koboc iyo faa’ido sare u dhaafaysa 20%.Sannadkii 2014-kii hantida ay bangiyadani maamulayeen waxa lagu qiyaasay $2 tiriliyoon. Sidoo kale, bangiyada Islaamiga ahi waxa ay soo jiiteen isla markaana hantiyeen kalsoonida dad badan. Sababtaas ayaa keentay in nidaamkan adduunka ku cusub hadal-hayntiisu badato, laguna dhigo jaamacadaha iyo xarumaha waxbarasheed ee adduunka ugu tunka weyn. Bangiyada Islaamiga ah keliyaata kama shaqeeyaan waddamada Islaamka ah oo keliya balse waxay ka hawlgalaan waddamo badan oo daafaha caalamka ku kala yaaalla.

Waddamada ay bangiyadani ka shaqeeyaan waxa kamid ah waddamada ku yaalla Bariga dhexe (Sacuudiga, Imaaraadka, Kuweyt, Baxreyn iwm),Koonfurta iyo Koonfur Bari Aasiya (Bangaladhiish, Afgaanistaan, Hindiya, Indunuusiya, Malaysiya, Singabuur iwm.), Afrika, Yurub, Waqooyiga Maraykanka iyo Ustaraaliya.

Intaas waxa dheer in bangiyo waaweyn oo kamid ah kuwa ku shaqeeya nidaamka caadiga ahi ay leeyihiin daaqado ama qaybo kamid ah oo ku shaqeeya nidaamka Islaamiga ah (Islamic windows).

Waa marka afraade nidaamka ribada ee ay ku shaqeeyaan bangiyada caadiga ahi waxa uu sababaa kacaa-kuf iyo jahwareer dhaqaale. Maaddaama bangiyada nidaamkan ku shaqeeya ay faa’ido ka raadiyaan hadba xaddiga lacag ee ay deyn ahaan u bixiyaan, waxa dhacda in dad badani amaah ka qaataan bangiyadan dabadeedna ay amaahdu oodda jabsato oo dhaafto xadkii loogu talagalay ugu danbayntana keento, tusaale ahaan, in qiimaha maguurtadu hoos u dhaco, dhaqaale xumena la waajaho. Waxa dhaqaalahayahanno badani ku doodaan in jahwareerkii dhaqaale ee caalamka ku dhuftay sannadihii 1927-1933iyo weliba kii adduunka haleelay sannadkii 2007-dii ay sabab u ahayd deymo aan loo meel dayin oo ay bangiyada nidaamka caadiga ah ku shaqeeya bixiyeen. Meesha ay dhibtu ka jirto ayaa ah, in bangiyadani, si ay macaash farabadan u helaan, ku tartamaan deyn-bixinta oo aanay isku hawlin cidda ay deynta siiinayaan iyo sida ay deynta u isticmaali doonaan taasina ay ugu danbaynta keento in marmarka qaar dadku ay deyntaba bixin kari waayaan oo ay deymuhu is-biirsadaan. Waxaase sheegis mudan in bangiyada nidaamka Islaamiga ah ku shaqeeya ay ka badbaadeen isla markaana aanu saamayn jahwareerkii adduunka soo waajahay 2007-dii. Bangiyada Islaamiga ahi waxay kuwa caadiga ah kaga duwan yihiin xaqiiqada ah inay aad uga fiirsadaan kana baaraandegaan mashaariichda iyo ganacsiyada ay maalgelinayaan maaddaama oo ay faa’idada iyo khasaaraha ka dhasha maalgashiyada ay sameeyeen qayb ku leeyihiin. Halka bangiyada nidaamka caadiga ah ku shaqeeya dan iyo heello toona ka gelin waxa lagu maalgelin doono deymaha ay bixiyaan maaddaama oo aanay khasaaraha ku yimaadda maalgashiyada macaamiishooda waxba ka soo gaadhayn mar kastana ay sugayaan in lacagtii ay deyn ahaanta u bixiyeen iyo dulsaarkiiba helaan.

Waa marka shannaade deraasado badan oo laga sameeyey waddamo ay ka shaqeeyaan bangiyada Islaamiga ah iyo kuwa caadiga ahi waxay muujinayaan in bangiyada Islaamiga ahi ay ka koboc iyo karti badan yihiin bangiyada caadiga ah. Waxa kale oo la yaab leh in badanka bangiyada nidaamka Islaamka ku shaqeeya ay leeyihiin dad aan Muslimiin ahayn oo diimo kale haysta. Arrintani waxay ku tusinaysaa sida nidaamkani uu caalamka ugu fido isla markaana u maquuninayo.

Gebo-gebo

Aniga oo ka duulaya dhowrka qodob ee aynu sare ku soo xusnay waxaan qabaa inay Soomaalilaan dan u tahay hirgelinta bangiyo ganacsi oo Islaami ah isla markaana aan wakhtigan loo baahnayn in waddanka la keeno bangiyo ribo ku shaqeeya. Dadka ku doodaya in bangiyada caadiga ahi inoo fududayn doonaan la tacaamulka bangiyada waaweyn ee adduunka, waa inaanay hilmaamin in badanka bangiyaddaasi leeyihin daaqado Islaami ah (Islamic windows) oo aanay arrintaasi caqabad sii jirta innagu noqon doonin. Waxa kale oo aan aaminsanahay inay Soomaalilaan haysato fursad ay ku dhaqangelin karto nidaamka bangiyada Islaamiga ah oo ay mustaqbalka dhow ku noqon karto xarunta nidaamkan ee Geeska Afrika iyo guud ahaanba qaaradda Afrika. Oo miyaynaan yeelan karin hiigsi, marka wadcigeena gaar loo qiimeeyo, u dhowdhow kan dalka ingiriiska, oo tusaale ahaan, sida uu David Cameron ka dhawaajiyey, doonaya inuu noqdo meesha xudunta u ah nidaamka bangiyada Islaamka ee caalamka?

Arrinta kale ee aan uga cararrayo bangiyada nidaamka ribada ku salaysan ayaa ah in haddii aynu nidaamka ribada faraha la galno ay adkaan doonto mustaqbalka inaynu ka guurno ama gebi ahaanba meesha ka saarno nidaamkaas. Caqabadda waddamo badan oo Muslin ah ka hortaagan inay nidaamkan ka guuraan ayaa ah in ay jiraan mashaariic iyo ganacsiyo badan oo ay deyn muddaysani kaga maqan tahay bangiyadaas, haddii laisku dayo in laga guurona, ay sababayso jahwareer iyo khalkhal dhaqaale. Sidaasi aawadeed, mar haddiiba aynaan nidaamkan hore faraha ula gelin waddankeenuna nadiif ka yahay, waxa qurux badan inaynu ku fara-adaygno isla markaana dedaal badan ku bixinno hirgelinta bangiyo ganacsi oo ku shaqaynaya nidaamka Islaamiga ah.

Waxa kale oo aan ku tallinayaa in jaamacadaha waddanka lagu soo darro kulliyad gaar u ah nidaamka maaliyadeed ee Islaamka iyo bangiyada Islaamiga ah si aynu u helno dad aqoon dheeraad ah u leh maaddadan isla markaana deraasaado iyo aqoon waxtar leh ku soo biirin kara.

Anigu marna kuma andacoonayo in bangiyada nidaamka Islaamiga ah ku dhisan aynu markaba faa’ido heersarraysa ka heli doonno, isla markaana hirgelintoodu fududaan doonto, balse dedaal aan kala joogsi lahayn kadib, waxaan qabaa inaynu adduunka iyo gobolkaba tusaale fiican u noqon karno.

Ugu danbayntii, waxaan ku talinayaa inaan la kala saarin qiyamka diinniga ah iyo dhaqaalaha oo aynaan noqon dad shillimo yaryar uun ka carareen balse aan dan ka lahayn waddada ay u marayaan kasbashada xoolahooda. Si kale haddii aan u dhaho, waa in laga fogaadaa cilmaaniyeynta dhaqaalaha! Waxaan kale oo bulshada gaar ahaan dadka aqoonta is-bidaya ku guubaabinayaa inay mar kasta fiiriyaan waxa maslaxadda adduunyo iyo tan aakhiro ee ummaddu ku jirto ee aynaan si indho la’aan ah wax kasta ugu raxlayn. Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka Soomaalilaanna, waxaan ugu baaqayaa inay ka baaraandegaan xeerkan horyaala oo ay codka iyo maslaxadda shacabka tixgeliyaan.

 

 

 

 

 

 

 

 

Tixraacyo

  • Saciid Cali Shire (2014). “Bangiyada Islaamka: Albaabka Maalgashiga Xalaasha a”. UK, Buuh Publications.
  • Golaha Wakiilada (2012). Xeerka Baanka Dhexe.
  • Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaalilaan.
  • Warde, I. (2000). “Islamic Finance in the Global Economy”. Edinburgh: Edinburgh University Press.
  • Saeed, A. (1996). “Islamic Banking and Interest: A Study of the Prohibition of Riba and its Contemporary Interpretation“. Leiden, Netherlands: E.J.Brill.
  • “Islamic finance: Big interest, no interest”.The Economist. The Economist Newspaper Limited. Sep 13, 2014. Retrieved 15 September
  • Abdul-Majid M, Saal DS, Battisti G (2010). Efficiency in Islamic and Conventional banking: an international comparison. Journal of Productivity Analysis, 34(1): 25-43.

 

***

W/Q: Ilyaas Maxamed Xuseen
Email: ilyo.zaan@gmail.com