Sawiro Ismacnaynaaya Cirro iyo Muuse Iyo Hashii

Hargeysa(SLpost)-Dhawaan socdaalo ollole iyo taageerayaal kala jiidasho ah waxa gobalka Togdheer oo diiwaangalintii codbixiyayaasha ay ka socoto ku tagay musharaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biix Cabdi iyo guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo ah musharaxa kaliyaata ee la filaayo inuu u ordi doono xisbiga Waddani.

Hadaba waxa xiiso badan yeeshay sawir laga qaaday labadan musharax oo midkood lisaayo hal halka ka kale uu waraabinaayo isaguna hal kale, labadan sawir ayaa u muuqda in si muuqata laysugu jawaabayo hadii laysku dayo in la macneeyo oo hasha laga soo qaado inay tahay Somaliland sida marar horeba loogu misaalay Maandeeq inay tahay wakhtigii xoryada ee dalka laga kicinaayay gumaysiga, hadaba musharax Muuse Biixi oo hasha lisaaya waxa ay u muuqataa in lagu tafsiiri karaayo inuu talada dalka ee uu la wareegaayo uu ku doonayo awood iyo magac, halka musharaxa la filaayo ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro uu u muuqdo inuu u gurmanaayo hasha oo aynu ka soo qaadnay inay Somaliland tahay.

12439537_1243520078997392_2579727609283262565_n

12541154_10204017219870398_7446625308085088424_n

12417590_940525882650570_6411147742430925451_n

Somalilandpost

Hargeysa Somaliland