SABABTA AANAY WARBAAHINTU U MUDNAYN KALSOONIDA DADKA AY U WARRANTO

Sahamin ay samaysay xarunta Maraykan ee Gallup ayaa muujisay in boqolkiiba 60 dadka Maraykan aanay ku kalsoonayn ama si buuxda u wada rumaysan warbaahinta. Haweenayda qoraaga ah ee Sophie McAdam oo iyaduna dhowr sano ka hor isla arrintan wax ka qortay ayaa taabatay qodobbo door ah ay sheegtay in dartood aanay warbaahintuba mudnayn in si buuxda loogu kalsoonaado.

Haddaba arrimahaas oo in badan oo ka mid ah aynu la wadaagno dunida iyo duruufta u gaarka ah warbaahinteenna oo aan xogogaal u ahaa tobankii sano ee u dambeyey, inbadanna aan isweydiiyey illaa xadka ay mudan tahay kalsoonida dadka ay u warramayso ayaa igu dhaliyey in aan bulshada la wadaago sababo dow ka dhigaya in dadku aanay kalooni buuxda ku qabin warbaahinta.

Warbaahinta maantu waa ganacsi faa’ido doon ah:

In kasta oo ay warbaahintu caan ku tahay hal-ku-dhegyo qurux badan oo leh macnayaal ku soo ururaya in aanay faa’ido doon ahayn, una taagan yihiin in ay dhisaan bulshada wacyigeeda iyo waxbarashadeeda iyo in ay runta u adeegayaan, haddana biyo-kama-dhibcaanku waxa uu yahay, dunidan maanta ee uu Hanti-goosadku ka sayid caleeyey in warbaahintiina ay isu beddeshay ganacsi faa’ido doon ah oo la mid ah ganacsiyada kale ee caadiga ah, waxa aanay arrintani sababtay in barnaamijyada, wararka iyo dhammaan baahinaha ay gudbinayaan aanay inta badan ku dooran anfaca ay bulshada u leeyihiin iyo xaqiiqada ay ku dhisan yihiin, laakiin ku qiyaasaan hal-beegyo ganacsi oo gaar ah. Taas oo ka mid ah sababaha in badan warbaahinta loogu arkayo barnaamijyo, warar iyo maqaallo hoosta ka xordan oo aan xambaarsanayn macne sii ridan iyo fikir isu-dheellitiran midna.

Tifatirayaasha daahsoon:

Maadaama oo sida aynu xusnay uu ujeedka koowaad ee warbaahintu u sii dhuranayo faa’ido doon, waa arrin dabiici ah in haayadaha iyo meheradaha wax ku xayeysiista warbaahinta, iyo gaar ahaan shirkadaha iyo ganacsatada waaweyni ay marar badan saamayn ama ugu yaraan tixgelin ku yeeshaan baahinta dadka la gaadhsiinayo. Tusaale ahaan warbaahinta waa ay ku adag tahay in ay baahiyaan warar dhaawici kara ganacsatada iyo dhinacyada kale ee ay xidhiidhka wada-shaqayneed leeyihiin, xitaa haddii warkaasi uu yahay mid danta bulshada iyo qarankuba ku jiraan. Waana halka uu Andrew Marc oo ah warfidiyeen caan ah oo hore uga tirsanaan jiray BBC mar uu arrintan ka hadlayey ka yidhi, “Maadaama oo ay xayeysiisyadu jaan-gooyaan jadwalka wararka. Suurtogal kuu noqon mayso in aad iska indho tirto danaha ay leeyihiin kuwa jeegagga qoraa (Lacagta bixiyaa)”

Warbaahinta oo gacanta u gashay dowladda:

Xidhiidhka ka dhexeeya warbaahinta iyo dowladaha ee inta badan dibadda u soo baxaa waa colaad iyo loollan, dadkuna waxa uun ay maqlaan, haayado warbaahineed oo rukhsaddii lagala noqday, warfidiyeen la xidhay, kuwo la maxkamadeeyey iyo xitaa mararka qaarkood kuwa naftooda dhibi ka soo gaadhay ama ku waayey mu’aamarado dowladuhu ka dambeeyaan. Sidaa awgeed waxaa laga yaabaa in marka ugu horreysa ee aad isha ku dhufato qodobkan aad u fahamto in aynu ka hadlayno isla arrintaas, maya, waxaa jirta masalo kale oo inbadani aanay ka warqabin.

Aalaaba waxaa dhacda in warbaahinta awoodda badani ay cabsi ku hayso siyaasiyiinta iyo madaxda, maadaama oo ay xog badan ka helayaan gol-daloolooyinkooda qarsoon, waxa ay si gaar ah warbaahintu u baqo gelisaa siyaasiga xilka haya oo si aanay u dhicin in ceebihiisa la faydo, ku dadaala in warfidiyeenka uu la yeesho xidhiidh saaxiibtinimo oo dhow. Marar badanna ku dadaala in, si xidhiidhka uu la leeyahay warbaahintu u adkaado, inuu noqdo mid ku dhisan dano is-dhaafsi, uu warfidiyeenka ama haayadda wareed ku helaan abaal marinno dhaqaale, hawl u fududayn iyo xitaa mararka qaarkood in uu siyaasiga xilka hayaa si qarsoodi ah u siiyo wararka muhiimka u ah warbaahinta ee aan isaga dhibta ku ahayn iyada oo ujeedadiisu ay tahay uun in uu iska duwo indhaha warbaahinta iyo in uu isu dhigo saaxiibka warbaahinta si isaguna uu markiisa warbaahinta uga dhigto faras uu ku gaadho halka uu rabo iyo haatuf uu hadalka u mariyo bulshada uu damacsan yahay in uu ka dhaadhiciyo ajandayaashiisa.

Marka si kale loo yidhaahdo warbaahinta iyo maamulka mar walba waxaa ka dhexeeya xidhiidh dano is dhaafsi ah oo aad u ballaadhan, waana sababta ay warbaahintu marar badan dhacdooyinka qaar uga samayso warar iyo warbixinno aan lahayn miisaankii ay mudnaayeen ama dhacdooyin xaqiiqo ah aanay uga hadal, iyo sababta ay qalinka uga ilaaliyaan boogo badan oo u baahnaa in la damqo.

Warbaahinta oo marar badan indhaha dadka ka leexisa dhacdooyinka muhiika ah:

Marar badan waxaa dhacda, warfidiyeenka oo aan lahayn maskax furnaantii ama aqoontii mihnaddan iyo fahamkii waaqaca awgeed ama isaga oo sabab uun awgeed u badheedhaaya in warka uu ka soo diyaarinayo dhacdooyinka muhiimka ahi uu noqdo mid dadka indhahooda ka duwaya qadiyadda muhiimka ah ee muwaadinka ama bulshada taabanaysa kuna leexiyaan dhacdooyin ku lammaan oo laga yaabo in xiise iyo indho-soo-jiidasho ay leeyihiin balse aanay muhiimad durugsani ku jirin. Tusaale kooban oo dalkeenna ah waxa aynu u soo qaadan karnaa dhacdadii ay feedhka isu miciinsadeen guddoomiyaha wakiillada iyo ku xigeenkiisa koowaad, waxa ay ahayd dhacdo yaab leh oo u qaadan waa noqotay, laakiin gacan-ka-haddalkaasi kama duwanaanayo laba nin oo sida marar badan dhacda isu gacan qaaday, haddii aan si mug leh looga hadlin sababta dagaalka keentay iyo mawduuca illaa xadkaa xasaasiga ah ee kallifay in labada masuul uu dhex maro gacan ka hadal.

Waxana ay ka mid yihiin sababaha aynu odhan karno waxa ay keeneen in dad badan oo aqoonyahan ah ama leh wacyi ay ku akhriyi karaan dhacdooyinka iyo waxa dhiirri geliyey ay aaminaan in warbaahinta warkeedu aanu taabanayn halkii loo baahnaa, ama warfidiyeenku aanu lahayn aqoon uu ku fahmi karo waxa ka dambeeya inta indhihiisu arki karaan, sidaa awgeed aanay kalsoonidooda u mudan.

 

La soco qayb keliya oo hadhay.

W/Q KAMAAL A. CALI