Dhibaatada Manhajka Qarsooni ku Keeno Hab-Dhaqanka Caruurta!

 

Manhajka ay caruurtu ama ardaydu ku dhigtaan iskuuladu waa labo qaybood. Qayb habaysan oo ka kooban khibrad la ururiyay islamarkaana qoran oo ardaygu uu ka barto buugaagta. Inta badan iskuuladu waxay bixiyaan  manhajkaa  ka kooban hab maamuleedka aqoonta  iskuulka. Waxaa kala oo jira manhaj  lagu magacaabo manhajka qarsoon  kaasi oo ka kooban akhlaaqiyaadka bulshada meel ku wada nool iyo hab dhaqankooda.

 

Manhajkan qarsoon oo ah mid aan habaysnayn,  caruurtu waxay  ka bartaan iskuulka ay tacliinta u tagaan, guriga ay ku nool yihiin, macalimiinta  iyo waliba asxaabtooda. Manhajkan qarsooni waa midi labo afleh waxaanu mararka qaar ardayga ka dhigi karaa mid ku barta masuuliyada, iskaashiga, kalsoonida iyo waliba tixgalinta aqoonta.

 

Waxaa kale oo jirta inuu leeyahay natiijo xun isagoo ilmaha ka dhigi kara qof balwad leh, danayste ah, caajis ah, qabyaaladiiste ah, islamarkaana wax burburiya. Dhamaan hab-dhaqanadaa aan ka hadlay  waxay ka yimaadaan  bulshada uu ilmuhu ku dhex noolyaha islamarkaana saamayn ku yeesha. Markaa manhajkan qarsooni  waxaa uu noqon karaa mid wax dhisa ama mid wax burburiya  waxaanay ku xidhan hadba sida ilmaha saamayn ugu yeesho tusaale ahaan haddii deegaanka aad degan tahay, iskuulka uu ilmuhu dhigto, guriga uu ku noolyahay ama asxaabtiisu ay yihiin qaar xumaan ka shaqeeya ilmuhu wuxuu qaadanayaa manhajkaa qarsoon kiisa xun haddii ay wanaag ka shaqeeyaana wuu qaadanaya markaa hadba waa fursada uu helo.

 

Dabeecad ahaan, caruurta yaryari  waxay wax ka bartaan bulshada ay ku dhex noolyihiin sida  asxaabta, macalimiinta, waalidka IWM.

 

Muhiimada ayay  macalimiinta u leedahay  inay  tusaale fiican  u  noqdaan ardayda ay wax u dhigayaan oo uu ardaygu ka barto hab dhaqanka wanaagsan, naxariista, tixgalinta iyo is xakamaynta. Hab-dhaqankaa wanaagsani  waxaa uu waxtar wayn u leeyahay ardayga kaasi oo inta badan qaadanaya islamarkaana ku dayanaya macalinkiisa iyo dhamaan bulshada kale ee xidhiidhka la lehba. Aasaasiyan hab-dhaqanka wanaagsani waa xirfad uu ilmuhu u baahanyahay inuu horumariyo si uu ula tacaalo caqabadaha nolosha ka soo waajaha.

Nasiib darada jirtaa waxaa weeye, manhajka qarsoon  waxaa uu leeyahay saamayn xun oo uu ku keeno caruurta iskuuladeena dhigata ha ahaadaan kuwa dawlada ama qaar gaar loo leeyahay. Caruurtu waxay ku daydaan caruurta kale ee iskuulka la dhigata iyo macalimiinta  wax u dhiga.   Bal hadda ka waran macalinka qaadka cunayaa ee ardaygii arkayao isagoo sita ama iibsanayaa bal hadda qiyaas saamaynta ay ardaygaa ku yeelanayso. Celceliska inta badan macalimiinta dhigta dugsiyada ha u badnaadaan kuwa dawlada e waxay cunaan mukhaadaraadka qaadka loo yaqaan waxaana mararka qaar dhacda inay jeebka ku soo qaataan. Waxaa hubaal ah in ardaygu ka eeganayo hab-dhaqankaa xun. Dhinaca kale hadaan ka eegno macalimiin badan oo waxaad arkaysa ardayda caayaya oo kula hadlaya kalmado aanay jeclayn  in iyaga lagu yidhaahdo taasi oo keenta in ardaygu cayda u qaato wax caadiya oo isna dadka ku yidhaahdo waayo waxaa uu ka soo bartay macalinkiisa.Xataa caruurta aadka u yaryar  waxay eegaan habdhaqanka macalinkooda, waalidkooda iyo dhamaan bulshada ay la noolyihiin waxaanay u dhaqmayaan sida ay u dhaqmaan hadday xuntahay iyo hadday  wanaagsantahayba.

 

Haddaan eegno dadka wax bartay ee bulshadeena ha ahaadaan macalimiin iyo waalidiinta iyo waliba guud ahaan qayabaha kala duwan ee bulshadeena waxaa muuqata inaynaan u dhug lahayn inaynu tusaale u nahay caruurteena oo hadba waxay inaga arkaan wanaag iyo xumaan ay iyana samaynayaan bal hadda ka waran waalid iyo macalin ku leh ilamaha wax ha caayaan isna caayaya!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

 

Fadlan bulsho ahaan waa inaan masuuliyada iska saarnaa  inaynu tusaale fiican u noqono ubadkeena islamarkaana aan wax badan ka badalno habdhaqankeena oo ku dhisan hadalo qalafsan iyo adadkaan aan filayo inaan ka dhaxalnay awowyaal hore. Tusaale ahaan hadaan ilmaha ula dhaqano si wanaagsan isna wuu inagu dayanayaa sidaas ayuu u dhaqmayaa. Hadaan si xun ula dhaqano isna six un ayuu u dhaqmayaa markaa hab-dhaqankiisu waxaa uu ku xidhanyahay manhajka qarsoon ee uu baranayo ha ahaato guriga, iskuulka, asxaabta ama bulshada kalaba.
Ilmuhu marka uu guriga joogo  waxaa uu ku daydaa ama uu isku eekaysiiya waalidka hadba sida uu waalidkii u dhaqmo ayuu u dhaqmaa. Bal hadda u fiirso marka uu ilmuhu sidaa u kaco wuxuu iska dhigaa aabihii ama hooyadii  hadday gabadhu xidhato xijaab inanta yar e ay dhashay way isku eekaysiinaysaa sidaa si la mid ah weeyi aabuhu. Ilmuhu xataa marka uu aadka u yaryahay wuu fahmaa waanu qaata waxa guriga ka socda. Markaa waxaa la doonaya in waalidku ay fursadaa uga faa’iideystaan sida saxda ah.

 

Ilmaha oo aad barto  sida loogu mahadnaqo dadka, sida loo caawiyo qofka taagta daran islamarkaana sida loola hadlo dadku waxay wax wayn ka tari kartaa noloshiisa taasna ilmuhu kuma baran karo u sheegis oo qudha waxaase loo baahan in aad ficil ahaan u samayso isagoo ku arkaya dabadeedna wuu baranaya. Qaabka aad ilmaha wax ugu sheegayso waxaa uu waxka badali  karaa hab dhaqankiisa tusaale ahaan hadaad doonayso inaanu caruurta la dagaalamin waxaad ku odhan kartaa “caruurta si fiican ula ciyaar” halkii aad ka odhan lahayd“ caruurta hala dagaalamin”

 

Dhamaan cida ay khusayro ha ahaadaan waalidk, macalimiinta iyo guud ahaan bulshada waa in aan xil iska saarna hab-dhaqanka caruurta fahamnaa in ay caruurta akhlaaqda wanaagsan iyo caruurta akhlaaqda xun labaduba kayimaadeen habdhaqanka bulshadeena.

 

Caruurteenu waa sida muraayada oo kale hadba waxay soo celiyaan waxay arkaan ama ay maqlaan ee ka yimaada bulshada ay ku dhex noolyihiin ha ahaadaan waalidka, caruurta ka waaweyn, macalimiinta, asxaabtooda iyo guud ahaan bulshada kale. Sawirkaa ay caruurtu ka qaadanayaan hab-dhaqanka bulshada way kaydiyaan,  dabadeeto way hayaan ilaa dhacdo kale ay xasuusiyo markaa ay dhacdadii oo kale ay arkaan ayay uga jawaabaan sida ay uga jawaabeen dadka ay ku dhex noolyihiin ha ahaato mid xun ama mid wanaagsan.

 

 

 

Mahadsanidin

 

 

Mohamoud  Dahir  Omar

Education Analyst

Mobile: 0634423327

Hargeisa, Somaliland