Somaliland oo Sannadka Bilaabmaya Dhoofinaysa Macdano Kala Duwan

 

 

Hargaysa(SLpost)-Wasiirka wasaaradda macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa sheegaya inay rajo weyn  ka qabaan in sanadka fooda inagu soo haya Somaliland macdanno u dhoofiso dibadda, kuwaasi oo hadda tijaabadoodu soo baxday. Wasiirka oo BBC-da u waramay wuxuu sheegay in sidoo kale ay filayaan sanadka soo socda in baadhitaanno shidaal ka bilawdaan Somaliland.

“Haddii soo saarka khayraadku fudud yahay dee boqol sanno ayaa laga joogaa intii xorriyadda laga qaatay isticmaarkii. Hadday hawl yar tahay hore ayaynu wax uga arki lahayn hadday macaadin noqoto iyo hadday shidaal noqotaba. Dalalka qaar waxaa shidaal laga baadhayay sodon sanno ama afartan sanno qaarna intaas in ka badan, markaa marka Illaahay qoray ayuun bay noqonaysaa inay wax ka soo baxaan,” ayuu yidhi wasiirku.

“Qorshuhu wuxuu ahaa sanadkan in wax ka bilaamaan baadhitaannada shidaalka, haddana hawl baa ka socota dalkeena oo Baloogyada qaarkood waxaa ka socda sahamintii diyaaradaha, waxaanu jecelahay in sanadka soo socdana ay bilaamato sahaminta dhulku.”ayuu yidhi Wasiirka Macdanta Somaliland,.

Sidoo kale wuxuu sheegay in hawlgal macdan soo saaris ahi ka socoto gobolka Awdal  laguna rajo weyn yahay in ganacsi ahaan loo dhoofiyo sanadka soo socda

“Hawshaasi waa hawl sanadkan gudihiisa bilaamatay, meeshii wax laga soo saarayay ayaa la wadaa, waxaa hadda ka soo baxay dhawr Koontiindhar oo China la geeyay. Meeshii wax laga soo saarayay wali rasmi ahaan umaanu furin oo wax soo saar ganacsi ahi muu bilaamin, waxaanu se rajayn in si rasmi ah sanadka soo socda ay wax soo saar tijaari ahi u bilaamo,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay wax ka qabanayaan is qabqabsi iyo xaasaasiyad dhinaca dhulka ka taagan oo caqabad ku ah baadhista khayraadka dalka. Waxa uu sidoo kale sheegay inaanay jirin musuqmaasuq hore wasaaraddiisa loogu eedeeyay oo ku aadan in si khaldan oo maamulay shirkaddo u heelanaa soo saaridda khayraadka dalka.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa-Somaliland