Wasiir Cukuse oo Raaligaliyey Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka

 

Hargeysa(SLpost)- Xubnaha guddi-hoosaadka ilaalinta iyo hantida qaranka ee aqalka wakiillada oo saxaafadda u waramay ayaa waxa ay sheegeen in wasiirka warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir “Cukuse” uu guddida ka raaligaliyey hadallo uu saxaafadda u mariyey isaga oo sheegay in uu khalad fahmay warbixin ay guddidu dhawaan soo saartay.

Waxa kale oo ay guddidu sheegeen in kullan ku dhex maray iyaga wasiirka xarrunta golaha wakiillada uu wasiirku si gaar ahna u  raaligaliyey guddoomiyaha guddida Xildhibaan Obama oo uu si gaar ah wasiirku u weeraray.

Daawo Guddida oo Raaligalinta Wasiirka Ka Hadlaya

https://youtu.be/j1Vl8cOjWFE