Askarigii Sheekha Nagu Noqday

 

Mar keliya ayaa waxa agtayada soo joogsaday baabuur Laankuruusar ah. Waxa saaran guddoomiyaha gobolka Togdheer. Waxa aanu ahayn saddex nin oo dhalinyaro ah oo inta ay fadhi haleeli waayeen sare-joogga isku waraysanaya. Meeshu waa Burco. Halka aanu ku sheekaysanaynnay waxay ahayd meesha baabuurta la dhigo oo waa meherad horteed.

Daaqadda danbe ee baabuurka ayaa waxa si degdeg ah uga soo degay askari hubaysan oo weliba dirays hariiryo leh xidhan, muraayad madow iyo koofiyadina u dheer tahay.

Markii uu soo degay ayuu xagga yaga u soo jihaystay una soo dhaqaaqay. Inta badan waxa loo bartay haddii uu askari kugu soo dhaqaaqo inuu wax ku waydiinayo ama uu amar kugu fulinayo. Waana askari gadh-madoobe ah oo xoog ahaan dhisan.

Aniga waxa maskaxdayda ku soo dhacayay farriimo odhanaya: “Wuxuu idin odhanayaa meesha ka dhaqaaqa, maxaad meesha ka qabanaysaan? Maxaad meel u fadhiisan waydeen?” Oo maadaama oo uu askari yahay waxa aan ka filaynnaa inuu wax ammaanka la xidhiidha uu noogu soo socdo.

Salaanta islaamka ayuu markiiba nagu salaamay. Waanu ka qaaday oo weliba wuu na gacan-qaaday. Kollay ba wixii aan ka filayay wax ka duwan ayuu na la galay. Wuxuu markii ba nagu bibaabay dacwad iyo tashkiilin. Yaabay! oo is-idhi: “Tolay muxuu ka wadaa wacdiga.” Illayn maskaxdayada waxa ka guuxaya shaqada askarigu inay tahay ammaan-sugid, xadhig iyo hadallo qallafsan oo handdadaad u badan. Kama wado in askartu aanay lahayn culimo ama qaar aqoon fiican u leh diinta, ee waxa aan ujeedaa inta badan qofku marka uu askari qori sita uu marko maskaxdiisa dareen iyo cabsi ayaa ku beerma.

Wacdigii ayaanu si feejignaan ah u dhegaysannay. Saddexdayadii ayuu kolba mid eegayey. Isaga kama qasna oo waxa ka go’an inuu wax noo sheego. Kollay wuu dareensanaa in waxoogaa feejignaan ahi nagu jirto. Markii uu in muddo ah wacdiga waday, ayay kollayba aniga ii caddaatay inay dhab ka tahay isla markaana uu na wacydinayo.

Maxaa tallaabadan ku dhiirrigeliyey? Markii uu wacdiga dhammeeyey, ayuu noo sheegay inuu ahaan jiray nin faraha lagaga gubtay oo dadka dhibi jiray. Qaab kastana dhaqaale iyo nolol ba ku raadin jiray, isla markaana aan xaaraanta iyo xalaasha kala eegi jirin. Qaadkana wuxuu ahaa dadka sida ba’an u cuna ee aan kala joojin karin.

Markuu ilaahay ku hadaynayo wax iska kaa hortaagayaa ma jiro. Wuxuu noosheegay in ilaahay shinbir uga dhigay oo wixii uu ka dhex jiray iyo dhibtii uu ummadda ku hayay ba inay ka dhex saareen culimada Tabliiqa. Halkii uu ummadda uu ka dhibi jirayna hadda wacdi ayuu ku beddelay.

Waxa mahadleh culimada Tabliiqa oo runtii dad nolosha ka dhacay, kuna dhaqma dhaqanno gef ku ah diinta suubban ee Islaamka dib xayndaabka diinta ugu soo dabbaalay. Haddii aad raacdo ama aad la fadhiisato waxa aad ka helaysaa qaabka dadka loo wacdinayo, sida qofka wax looga dhaadhicinayaa inay tahay qaab deggen oo soo jiidasho leh.

Markii uu askarigu na wacdinayay waxyaabaha aan qiimaynayay waxa ka mid ah aa haybadda ka muuqatay oo gadh isku jooga ayuu lahaa, sida deggen ee uu wax noogu sheegayay iyo siduu nooga dhergiyey farriintii diiniga ahayd ee noo jeediyey oo khusaynaysay ku-dhaqanka diinta, faafinteeda, barashadeeda iyo in aanu waqti siinno dacwadda.

Dadka qaar ayaa laga baa inay askarigaa u arkaan nin shaqo-shaqadiisa ka baxan qabanayay oo ammaankii loo diray ka mashquulsan. Anigu se wuxuu iila muuqday nin labadii ba gudanayay, isla markaana haya shaqadii Rasuulka (NNKH). Wuxuuna noo sheegay in markii uu dacwadda dhex galay uu ilaahay culaysyo badan ka dulqaaday.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)

cabdiheersare01@hotmail.com