SHEEKO GAABAN: Islaan Wali Guri ma ka Kireysatay?

 

 

Reer aroos ahaa ayaa guri ka kireystey sadex maqsin, gurigu waa afar maqsin qol waxa gala islaanta leh guriga, Canab oo ahayd aroosada guriga ka kiraysatay iyo odaygeeda Amiin, waa dad afgaaban, xafladii iyo bakhaabakhii arooska ka dib waxa bilaabmay salaan iyo bariidadii asaxaabta waxaana si maalinle ah u soo mara qoyska cusub ehel iyo asaxaaba, mudo yar oo 5 cisho ku siman markii reerkaasi cusub ku nagaayeen farxad, ayaa waxa u yeedhey Canab islaantii guriga lahayd oo lagu magacaabo Cambaro kuna magac dheer Cambaro lugooyo, ayadoo cadho ka muuqato ayey kula dul dhacday hadal canaana oon kala go’ lahayn, gabadhii Canab oo garan la waxa ka xanaajiyey Cambaro ayaa warsatay waxay ka bi’iyeen reer ahaan ee ay ka cadhootay, Cambaro ayaa waxaanay su’aashay Canabeey dadkan idiin yimaadaa waxay dhameeyeen marmarkii guriga waayow ragan idiin yimaadaa waxay wada xidhan yihiin kabo buudha oo shanqadhooda waxaan ka maqlaa maqsin kayga …. Aa aa a aa…

Canab oo yaaban ayaa tidhi “ Hooyo macaan ma shanqadhooda ayaa ku dhibtay ood ku seexan wayday anaa kaa dhawri shanqadhee…….

CAMBRO: Naa maya ee marmarkii ayey dhameeyeen maanu kuba jir waxanoo raga qof xidhan kabo fudud oo sandhal iyo waxii la mida ma waxaad aragtay rag wada buudh uun xidhan sidani gurigii ayaa ku dumaaya…. Oo ragan iyo odaygaagaba waxaad ku tidhaahdaa kabo fudud soo gashada baleeg ciidii ayay soo saareene balan kii ilaahay ..

Canab ayay ku ciirtay oo yaabtay ma dadka soo booqanaya ayay odhan karaan buudhka iska soo saara wali tanoo kale waxay arintii u sheegtay duhurkii markuu soo qada tagay saygeedii Arooska ahaa ee Amiin, qosol dheer dabadeed waxuu ku yidhi xaaskiisii dee xabiibi kabaha dibada ha lagu soo saaro dee si kaloo la yeelaa ma jirtee. Cambaro ayaa ogaatay inuu yimid inankii arooska ahaa ayadoo maqiiqan ayay u soo gashey, Amiin oo naxay ayaa istaagay ilayn xataa albaabkii may soo garaacine, Amiin ayaa yidhi hooyo Cambaro iska waran ma wax dhibaa dhacay amamamam …..,

Cambaro ayaa tidhi maya hooyo ee xalay dhibaato wayn ayaad ii gaysatay maqsin kaygii ayaad laydhkii iga gubteen xataa xadhigii maqsinka siliigiisa dul maraayay ayaa qiiqay…

Amiin: oo hooyo sideen u gubnay guriga sownagan joogna wax dhibaato ahna ma arkaynee?!!!!

 

 

Cambaro: Waar yaahee waa ninkaagan buudhka uun xidhani xalay markaad soo hoyatay eed laydhka maqsinkaaga shiday ayaad qarxisay kaygiina markaa waxaan rabaa inaad ii hagaajisaan xadhigana ii soo iibisaan hadii kale waa kiis bilays!.

Inankii ayay ku ciirtay isagoo yaaban ayuu ku yidhi hooyo waayaha galabta ayaan farsamo yaqaan u yeedhi sameeya ka warwar la’aw .

Iyadoo sii guuxaysa hoosna u leh waabay igu raageenba ani laba habeenba la iima soo haydo marxuumkii iqabayba nabad kuma soo toosin laba habeen oo is xiga, kuwanina haba I dhaafaan waabay shaqadh bateen…..

Maytagine intay soo noqotay ayey tidhi “oo waar heedho suuligii ka warama ma buuxsamay kaa gudaha waan idin ka qufulayaaye kani dibada ayaad bari laga bilaabo isticmaali doontaan waayow dee iima xisaabsana intaad gashaan kaa guduhu waa inaan ogaadaa intaad gashaan maalintii.

 

 

Inankii oo yaaban dhana ka qoslaaya ayaa baxay waxuu doonay wiil ay asaxaab ahaayeen oo ku shaqeeya farsamada laydhka inankii ayaa soo qaaday xadhig iyo tuulkii uu ku shaqaynaayey. Cambaro oo iska ah markhaati ilaahay meesha dhigay ayaa tidhi waaryaa hooyo yaa ku soo diray? waa maxay waxan aad sidataa? Mida kale lacagtii isagaa ku siiyay mise anaad lacag iga doonaysaa? isna waxuu ugu jawaabay Amiin ayaa dhamaanba hawshaa dhameeyey halkana waxaan ku sitaa waxii aan kuugu shaqayn lahaa hadii xadhigu gubtayna waan badalayaa…!!!,

waxuu ogaaday inankii farsama yaqaankaa ahaa inaan xadhigu guban laakiin guluubka oo kaliya gubtay kiina wuu ka badalay islaantii oo halkani soo taagan ayuu yidhi “hooyo ma aragtaa inuu laydhkii kuu baxaayo bal hada fiiri !!” .

Cambaro ayaa tidhi waar heedhe dee alaabtana halkan soo dhig xageed u qaadanaysaa?

Inankii laydhka ayaa qoslay oo yidhi hooyo dee waan kuu dhameeyey shaqadaadii waana kaas kuu baxaaya laydhkii maxaa kale eed iga doonaysaa lacagtana waxa bixiyey Amiin.

 

 

Cambaro: waar heedhe ninoow labadiinan nin ma waxaad u shuraakowdeen gurigayga iyo alaabadayda waan idin fahmay adna waxaad meesha u timid inaad i xado isna markii horeba waan ogaa inuu ogaan iiga gubay laydhka imikana la bixi maysid waxan aad xabaaratay ee ii dhig alaabta hadaad ilaahay nabad ka doonayso yaynaan isku ceeboobine waar yaa muslim ah oo nasoo kala gaadha ninkan.

Inankii oo yaaban ayaa yidhi oo hooyo ma tuulkayga ayaad igu haysataa maxaan kaa qaatay?

 

Waar noo dhig waxayaga ayay tidhi intay inankii gacmaha ula tagtay ayayka dhufatay tuulkiisii ayadoo qaylinayso allaa allaa tuuga iga soo gaadha …………………….!

Inantii aroosada ayahayd ayaa u soo horaysay oo tidhi hooyo maxaa ku halay?

Waaba islaantii oo qaylinaysa inankii odaygeedii soo dirayna madaxa gacanta ku hayo oo waxuu ku hadlo garan la.

 

Hadana waxa waxaaba soo galay dad jaar ka ahaa oo maqlay qaylada islaanta markii la waydiiyey waxii dhacayna islaantii ayaa sheegtay in tuug loo soo diray oo uu doonaayo inuu qaato alaabtii guriga oo reerkii ka kiraystay guriga iyo ninkaniba ay u shuraakoobeen, waxaanay dadkii soo yaacay ka codsatay Cambaro in loo geeyo Xaakim sharci ah oo gartaa qaada intaan la isku ceeboobin.

 

Dadkii dariska ayaa u yeedhay ninkii guriga kiraystay waxaana la dhagaystay waxii jiray iyo sida wax u dheceen si gooni gooni ah gabadhii aroosada ahayd iyo ninkeedii waxa kaloo waramay inankii farsamo yaqaan ahaa, odayaashii xaafada oo yaqaanay dhibt Cambaro inay tahay mid soo noqnoqotay ayaa yidhi horta alaata halkaas ku jirta waxa loo dhiibayaa Police bari subaxana waxa la idin wada gaynayaa maxkamada oo gartiina halkaasi ayaa lagu qaadi doonaa, police kii ayaa yimid waxaana lagu wareejiyey tuulkii inanku sitay, Cambaro oo aad u kacsan ayaa tidhi hooyo dee tana ku dara oo Police ka u dhiiba dee.

 

Police kii ayaa yidhi oo waa maxay shandadani maxaa se ku jira?

Cambaro: Hooyo waa masaariiftaydii oo tii loo hamiyo diglaa ee la doonaayay in la I dhaafiyo waxoogaa dahab ahina way iigu jiraan ee ayana qaada waayow waxaan ka baqayaaa in caawa la iga qaado marka lakala hoydo.

Police kii ayaa waydiiyey miyey jirtaa had cid aad isku haysataan shandadaadan aad noo dhiibayso? maya hooyo laakiin waan u baqayaa meeshii amaan ma jiro ii haya uun ayay tidhi Cambaro.

 

Oodayaashii xaafada ayaa police kii u sheegay inay bari keenayaan dadkani oo dhan oo ayagu damiin ka yihiin dadkan laga dacwooday barina maxkamada la wadagayn doono.

Subaxii ayaa police kii yimaadeen waxaanay wada kaxeeyeen labadii dhanba iyo alaabtii la isku haystay iyo qoraal dheer oo ay sii diyaariyeen police ku oo kusahabsan waxii dhacay.

 

 

Xaakim Qarqoosh ayaa fadhiya figta sare ee Maxkamada isagaana maanta garta goynaaya waxaana la bilaabay in la dhagaysto sidii wax u dhaceen dadkii jaar ka ahaa ayaa iyaguna sheegay in Cambaro dhib badan tahay had iyo jeerna guriga ay kirayso looga baxo mudo gaaban sababtana aanay garanayn ciddii u ka kiraysataana way ka cawdaan, bishan u danbaysay waxa guriga ka baxay oo kiraystay tiraba laba reer oo kale reerkanina waa reerkii sadexaad.

 

 

Qarqoosh ayaa aad madaxa u lulay waxaanu yidhi markii aan la tashaday labada garsoore iyo rag dhanka shariciga igala taliya, markaan eegay xeerarka xuquuqda iyo wada noolaanshaha, markaan fiir fiirayay dhamaan xaashiyo qarqooshan, waxaan soo saarnay qodoboda soo socda

  1. alaabta la isku haysto oo dhan waxa la wareegtay boqortooyada QARQOOSHIA maxkamada horteeda waana labadaa shay ee meesha yaala.
  2. Cambaro inaanay dib guri u kirayn Karin iyadoo kaliya ayuunbaana dhex seexanaysa guriga.
  3. Mr Laydhle inaanu guri danbe laydh galin Karin shaqo kalena samaysto tuulkiina lagala wareegay
  4. Reerkii arooska ahaana waxa la farayaa inay 2 saacadood guriga kaga baxaan guri danbana aanay kiraysan Karin
  5. Gar aan xidho iyo go’aan gaadhana dabadey lama furo, duuduub ku qaata.

 

Amiin ayaa intuu kacay ku sii tiraabay xaakim shandada islaanta cidina kuma haysatee maad iska siisaan uun, qarqoosh oo guuxaa maqlay ayaa yidhi shandadu hadaanay wax ku si ahayn gurigeedii ayay ooli lahayd anagu ma anagaa gurigeedii ka soo qaadanay iyagaa keenee.

 

 

Cambaroo madluunsan ayaa meeshii boodhka iska hurguftay waxaanay ku tawaawacday bal kaftan kaasi halkuu ila gaadhay eega iska daa waxaan koradhsadee intaydii yarayd ayaa iga raacday cidina iima maqna ceelna iima qodna, booraan hadimo ha qodin aduu ku dhici doonteena mooyee, intay eegtay Amiin iyo inankii laydhla ahaa ayey tidhi hooyo Amiinoow ma isa saamaxnaa?

 

Amiin oo qoslaaya ayaa yidhi hooyo dee anagu waxba kuumaanaan haysane,hada talo cayn wareegtay anigu guriga saaxiibkayba waa iska gali doonaa laakiin adaa ku aduun iyo xoolaba belay meesha intii yarayd eed biishan lahaydna adaa keenay fagaaraha, anuu sidii qarqoosh sheegay waxaan ku baxayaa saacad gudeheed addna waa nasiibkaa, wax badso waxbeel bay dhashaa.

 

Amiin waxuu isla markiiba u guuray guri saaxiibkii lahaa oo uu ugu deeqay balaashna uu ku galaayo inankii laydhlaha ahaana waxa saaray gaadhi iska rogo ah oo shaqo badan qaban jirtay, waxaanay uga dakhli badatay laydhkii uu ka shaqayn jiray, Cambarana ku hoyatay gurigii oo cidlo ah sadex cisho ka bacdi waxay ku siibatay marmarkii guriga waxaana dhaawac wayni ka soo gaadhay lafta misikta oo jabtay madaxana waxay ku dhufatay marmarkii dakhar wayn oo dilaacay dhiig bax dabadeed way xijaabatay Cambaro markii ay waydey cid u gurmata oo caawisa markii ay suuxday, laba cisho shanqadh ayaa laga waayay, jaarkii ayaa la hadlay Police kii waana la jabiyey gurigii waxaana loogu tagay maydkeedii waxaana la ogaaday in laba cisho ka hor ay geeriyootay. Tixbaa tiraahda

Caqligiyo wax garashiyo, Cambarooy nabadeey

Xaajadoo cakirantiyo, gole lagu cadaynkaro

Codkarkiisa wayniyo, garta Caadil ka noqon

Kaama caawin karayno, caawa nolol lagu caweeyo

Ha u cadhoon wakhtiga, calaf waxaad ku waydo

 

 

 

Qalinkii: Qarqoosh A. Hassan

Qarqoosh99@gmail.com