Shir-guddoonka Guurtida oo soo Bandhigaya Habsan Sanadeedkii Xildhibaanada

Hargeysa (SLpost) – Shir-gudoonka Golaha Guurtidda Somaliland, ayaa  sheegay inay  dadweynaha iyo warbaahinta u soo bandhigi doonaan dhawaan Xildhibaanaddii fadhiyadda ugu badan ka maqnaa Golaha sannadkan sii dhammaanaya ee 2015-ka.

 

Gudoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Guurtidda Md. Siciid Jaamac Cali, ayaa  arrintaas ku soo qaaday  hadal uu ka jeediyay furitaanka kal-fadhiga 58-aad ee Golaha  Guurtidda oo shalay  furmay.

“Waxa si rasmi ah innoogu furmay, kal-fadhigii 58-aad ee Golaha Guurtida, kal-fadhi cusub baa innoo bilaabmay  sannadkuna waa dhammaad. Mudaneyaasha waxaan u sheegayaa in la sheegi doono habsan sannadkeedii xildhibaanada. Rag odayaal ah baynu nahaye waa in aynu soo dedaalnaa oo aynaan shaqada qaranka ka maqnaanin.Ajandihii berri (Maanta) ayaa la qaybinayaa,”ayuu yidhi  Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Guurtiddu.

 

Geesta kale xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble oo ka mida  Mudaneyaasha aqalka Odayaasha, ayaa  shacabka ugu baaqay in ay ku dedaalaan ilaalinta iyo adkaynta nabad-gelyada, isagoo arrimahaas ka hadlayayna  waxa uu yidhi “Mandaqadan aynu ku nool nahay waxa ka jira dhibaatooyin badan oo xagga ammaanka ah. Markaa waxa loo baahan yahay in arrimahaas isha lagu hayo oo lagu dedaalo ilaalinta ammaanka iyo xasiloonida dalkeennu ku caano maalay.”

Xildhibaan Maxamuud Xarreed, mar uu ka hadlayay kal-fadhigan 58-aad ee ay guda galeen waxa uu yidhi “Waxa noo furmay ajandihii kal-fadhigii 58aad, kal-fadhi kasta oo Guurtidu yeelato waxa muhiimada koowaad leh arrimaha ammaanka, sidaa darteed,  bulshada reer Somaliland waxaanu ku adkaynaynaa in ay ammaankooda ilaashadaaan.”

Fadhigan furitaanka kal-fadhiga 58aad ee aqalka odayaasha  ayaa waxa ka soo xadiray  badi xildhibaanda golahaas ayaa waxa la filayaa in fadhiga maanta  xildhibaanda  loo qaybiyo qoddobada ajandaha kal-fadhiga 58-aad ee u furmay, si ay dood iyo falayn-qeyn uga yeeshaan.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa-Somaliland