Cabashada Xarrunta Agoomaha ee Kuwayt Dhistay oo sii Xoogaysanaysa iyo Haween u Jawaabay Maareeyaha Xafiiska Samafalka

 

Hargeysa(SLpost)-Cabashada dadka danyarta ah ee degan magaalada Hargeysa gaar ahaan berigu ay ka muujinayaan xarunta agoomaha ee ay maalgelisay dawladda Kuwayt ayaa sii xoogaysanaya iyaga oo ka cabanaya in dugsiga oo loogu talagalay agoomaha la majaro habaabiyey islamarkaana lacag aad u qaali ardayda wax loogu dhigo, ardayda dhigataana ay tahay caruurta ay dhaleen dadka tijaarta ahi.

Waalidka iyo dumarka caruurtoodu dhigtaan Xarunta agoomaha ee dawladda Kuwayt hargeysa ka hirgalisay iyo qaar kale oo awoodi waayey lacagta lagu soo rogay oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegeen in aan wali waxba laga qaban cabasho ay hore u soo jeediyeen, waxaana ay cambaarayn u soo jeediyeen islamarkaana deelqaaf ku tilmaameen hadal ka soo yeedhay maareeyaha Xafiiska Samafalka Ee Wasaaradda Dib U Dejinta Aamina Maxamuud Diiriye.

 

“Iskuulkan waxa loo dhisay agoomo, dad baa ku tabarucay oo ILLAAHAY ajar kaga doonaya. Haddaynu dad muslima nahay, diintu waxay inna fartay agoonta xoolahooda haddii la cuno waa xaaraan waanna lagu ololaa. Dadkan u badheedhay in ay caruurtii waydaariyaan aqoontoodii oo ka ganacsadaan oo jeebka ku shubtaan ayaan anigu la yaabanahay xagga ay ka yimaadeen maannay dad muslim ah ahayn” ayey tidhi mid ka mid ah haweenka shirka jaraa’id qabtay

https://youtu.be/tarPlwSYMHU

Haweenkan ayaa jawaab ka bixiyey hadal ay dhawaan warbaahinta ka sheegtay maareeyaha xafiisak samafalka ee Wasaaradda Dib U Dejinta Aamina Maxamuud Diiriye. “ Mid baan Aamina Leeyahay. Aaminaay haddii Kontonka Dollar kula yar yahay dad baan haysan. Shalay waynagii Kulmiye wada ahayn, aduun iyo lacagna maynnu haysan, haddii aad dawladda lacag ka heshay dad baan shanta kunba haysan. Aaminaay Hadalkaa aad tidhi wixii xaafadda beriga Hargeysa ee shaqaale iyo agoon ah ee loo qoray caddaynteeda ayaannu kaa doonaynaa kaagana daba hadhi mayno” Ayey tidhi mid ka mid haweenku.

 

Cabashadan ayaan ahayn markii koowaad ee dadweynaha ku xeeran xarrunta Agoomaha ee dawladda Kuwayt Hargeysa ka hirgalisay ay baaq ka soo saaraan sida loo maamulay xarruntan.

https://youtu.be/BlP63njFYQ8