“Markaad Madaxweyne Doonayso Xaafaddaada Lagama Bilaabo” Xildhibaan Waabeeye

Hargeysa(SLpost) – “Waxaan warbaahinta ku arkayay guddoomiye Muuse Biixi oo bookhday bacadlaha gobanimo. Gobanimo waa meel la bookhan karo oo ganacsi oo dad wanaagsani joogaan laakiin, waa halkii Maayarka Hargeysa bookhan lahaa marka uu maayarnimo doonayo. Markaad madaxweyne doonayso xaafaddaada lagama bilaabo,” ayuu yidhi Xildhibaan Waabeeye.

 

Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye oo ka tirsan hormuudka isbahaysiga xisbiga Kulmiye ayaa dhaliilay socdaal bookhasho ah oo dhawaan guddoomiye Muuse Biixi ku soo indho-indheeyay suuqa Gobanimo ee magaalada Hargeysa. Waxa uu sheegay inuu Muuse Biixi ololaha ka bilaabay suuqii xaafadooda.

 

Sidoo kale Xildhibaan Waabeeye wuxuu sheegay inay wali ka mid yihiin xisbiga Kulmiye, balse wuxuu saluug ka muujiyay hab siyaasadeedka Muuse Biixi.