BOORAME: Maxaa Kala Haysta Gaadiidka Bajaajta iyo Dawladda Hoose?

Boorame(SLpost) – Maayarka degmada Boorama ahna guddoomiyaha golaha deegaanka ee degmadaas Maxamed Xuseen Maydhane,  ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay cabasho ka dhan ah Maamulka Dawladda Hoose ee degmada Boorame oo ay kaga cawdeen wadeyaasha gaadiidka yar-yar ee bajaajta ee magaalada ka dhex shaqeeya oo sheegay in Dawladda Hoose ay ku soo rogtay lacago cashuur ah oo aanay qaadi karayn.

Maayar Maydhane oo khadka Telefoonka  ugu warramay Wargayska Dawan, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay cashuur ku kordhiyeen gaadiidka Bajaajta loo yaqaan waxaanu intaa raaciyay in aanay jirinba wax canshuur ah oo ay ka qaadaan iyo diiwaan gelin ay ku sameeyeen gaadiidkaa midnaba.

“Iska daa mid aanu ku kordhinay oo horta waxay is waydiintu tahay cashuurba  ma ka qaadnaa?,Gaadiidkaasi magaalada khatar badan ayuu ku hayaa oo maalin kasta waxaa ka dhasha ugu yaraan toban shil, waxaana sabab u ah gaadiidkaa marka lambarka la soo siiyo qoys waliba intuu mid soo iibsaday oo ay wiil yar oo ay dhaleen daarada gurigooda maalin ku tuseen ayay suuqa ku soo daayeen ka dibna dadkii iyo gaadiidkiiba wuu dhex qaaday oo dhaawac aan tiro lahayn ayaa ka dhashay maalin kastana ugu yaraan toban shil ayaa ka dhasha,”ayuu yidhi Maayarka Boorame.

 

Maayar Maydhane oo hadalkiisa sii watay  ayaa intaa raaciyay. “Marka koowaad gaadiidkan Bajaajta waxaanu ka doonaynaa waa Cashuurtii dawladda hoose ee degmada loogu shaqayn lahaa cid laga daynayaana ma jirto iyaga iyo qayrkoodbana waa laga qaadayaa, haddii ay hore Cashuuruhu dadka ugu baaqan jireen imika ku baaqan maayaan waana laga qaadayaa si degmada wax loogu qabto. Midda labaad gaadiidkan Bajaajta lama yaqaano tiradooda iyo cidda wadata ee dirawalka ka ah markaa shilalkoodii oo badan iyo nabad-gelyada oo ay khatar ku noqon karaan gaadiid aan la garanayn cid wadata oo loo raaco ayaa wada jira.  markaa waanu diiwaan-gelinaynaa si Bajaaj kasta lambarkeeda iyo la isugu yaqaani cidda wadda iyo qofka leh iyo in Cashuurtii degmada laga qaado oo degmada Wax loogu qabto.”

Somalilandpost.net

Hargeysa-Somaliland