Xulashadeeday Eedday!!!

 

Gu’  iyo jiilaal waa u laba mataano ah, hugurka iyo sawraca way wadaagaan soomal haadna waagii guduuta iyo cedceedii soo bidhiiqdaba waa ina daanwayne. Boodhka iyo habaaska kulka kaliishii mayay iyo maahiigaan ma maydhaan haraadna kama biiyaan . xaasha ha sheegin inay ku oon baxdo, milge ma seegana oo qaadirkii alkuuma hagar la’aan ku manaystay, hadana dhab markaad u dhugatid way aradan tahay, goblin maaha oo duul lab iyo dhadigba leh ayaa ku unkamay. Ma gudhin waa irmaan gooshkii yimaadaba dhasha, hayeeshaa hagrashaa gondaheeda iyo dudadeeda yoomkii yimaada ku dooyaysan. Se galiilyadan waxa baday maaha duul dagal cadaawe uga guluf yimid, waa se hebeladay dihatay habeeno  iyo habeenno foosha ugu umal aroori gaadhay.

Waa curad lix u wayn, ixtiraamka ay u hayaana malayn maysid, ma hagradaan mana deelqaafaan. Maal iyo mood kay hayaan iyaday la soo doontaan. Way u soo baratamaan oo wanaaga iyo milgaha mid kastaaba ka kale ka badso mooyee maankiisu xumaan uma jirabo, way marti galisaa mana dhibsato dhaxtinta kuwa kale , gob ayay u tahay lagu majiirto il-baxnimo iyo bisayl ruux u gu’ wayn, hagar la’aan baanay u gudatay waajibkii guud keeda saarnaa.

Baaxada martida dan-wanaageeda ugu soo hiratay, waxay caadka ka qaaday qabyada aan qorshe looga baxaa lahayn ee oogadeeda ka muuqata. Qof iyo meel kale toona sheegi maynee , cida mudatay ba’aa iyo bayhoofkan is diidooyinka miidhani waa rubuc qarnigii u danbeeyay ahaa xarunta looga arimiyo qarankeena. Waa Hargaysa oo qof kastoo ka isiran dunjiga soomaaliyeed uu si mug iyo baaxad leh u yaqaan kaskeeda iyo karaankeeda. Waa hooyadii dihatay calinkii xoriyadda waa goobtii laga unkay halagankii gobaynta soomaaliyeed. Waa kubtii lagu abyay barashada aqoonta casriga ah, waa halkii laga siraaday shamacyadii la ifayay fanka iyo farshaxanka suugaanta soomaaliyeed.

Ila fahanteena, hargaysa maxaa hungadda baday, soo mahaa hebeladda ay  si iskeeda kal kasta ugu xulato inay hogaanka u qabtaan, oo tiica iyo tabaalo baday halkii laga sugayay in ku hagaan hilinka horumarka iyo doogsiga.

Soo inoo ma qumana? Inaynu qaab ka xeel iyo qoto dheer kan hungada in baday u marno cugashada kuwa aynu u xidhayno duubka daadihinta danaheena guud, kol haday inoo cadaatay inaynu eednay xulashadeenii hore.

 

mustafe iid :gadhkayogolka@gmail.com