Soomaaliya: Dagaal u Dhexeeya Laba Maamul-goboleed oo Markale ka Bilaabmay Gaalkacayo

Gaalkacayo(SLpost)-Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, tiro ka badan shan qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal u dhexeeya maamul-goboleedada Puntland iyo Galmudug oo saaka marka kale dib uga qarxay degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka billowday barta kala qaybisa labada dhinac ee dagaalku u dhexeeyo, waxaana dadku ay sheegayaan in dagaalkan uu yimid kaddib markii ciidammo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ay gudaha u galeen suuqa kala qaybiya labada maamul si ay fadhiisimo uga sameystaan.

Gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa si weyn looga maqlayaa rasaasta,  sida ay ku soo warramayaan dadka ku sugan magaaladaas, inkastoo inta badan xaafadaha magaaladaas laga barakacay, iyadoo laga baqdin qabo inay dagaallo dhawacaan.

“Wuxuu dagaalku ka socdaa suuqa Darxumo, mana ahan mid xooggan; laakiinse waxaa laga yabaa inuu sii xoogeysto, waxaana ku dhintay illaa hadda saddex qof sida aan maqa-shiisanahay, waxaana ku dhaawacmay shan qof dad ka badan,” ayay yidhaahdeen goob-joogayaal kala duwan oo warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale, waxay goobjoogayaashu sheegeen in dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka socdaan gudaha magaalada Gaalkacyo, baqdin weynna laga qabo inay dagaalo culus dhacaan.

Dhanka kale, dagaalkan dib u qarxay ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli uu shalay gaadhay raysal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo Garoowe oo ah xarunta maamul-goboleedka Puntland, si dagaalka loo qaboojiyo.

 

Somalilandpost.net