‘Waa Lagu Tartamayaa Musharaxnimada Xisbiga, Meel Ay ku Qoran tahay Cid Bay u Xidhan Tahayna ma Jirto” Eng Faysal Cali Waraabe

 

 

Hargeysa(SLpost)- Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inuu xaq u leeyahay inuu u tartamo musharaxnimada xisbiga Ucid. Waxa uu ku dooday in dadka faafinaya wararka ku saabsan inuu tartamayo ay yihiin kuwo ka cabsanaya inuu la tartamo.

 

Eng Faysal Cali Waraabe, wuxuu sidoo kale sheegay inaanu xisbiga waxba kusoo kordhin musharaxii madaxweyne xigeen ee iska casilay dhawaan Cabdirashiid Xasan Mataan isagoo yidhi “ Wuxuu ahaa nin marti ah oo si fudud noogu yimid ee ha naga tagee naga daa muxuu nagu tarayay.”

 

Eng Faysal waxa uu sidoo kale sheegay inaanu jirin sharci odhanaya musharaxnimada Ucid shakhsi ayay u xidhan tahay. Waxa uu iftiimiyay in lagu tartami doono jagooyinka musharaxa iyo musharax kuxigeenka ee xisbiga Ucid, maadaama buu yidhi dib loo qiimaynayo xisbiga, lagana fikirayo suurto galnimada inuu ku soo baxo doorashada 2017-ka.