Obama oo Difaacay Talaabaddii Turkigu Ku soo Riday Diyaaradda Ruushka

 

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa difaacay tallaabadii dowladda Turkiga ay kusoo rideen shalay mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka Ruushka, xilli madxweynaha Ruushka Putin uu sheegay inay cawaaqib-xumo ka dhalan doonto diyaaradda lasoo riday.

Barack Obama ayaa sheegay in Turkiga uu xaq u leeyahay inuu difaacdo dhulkiisa, isagoo xusay inay Turkiga uu madax-banaan yahay, tallaabadii uu qaadanayna ay ahayd mid uu ku ilaashanayay xorriyadiisa dhuleed.

Sidoo kale, Obama iyo madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyib Erdogan ayaa ku wada-hadlay taleefoon, waxaana Obama uu xusay inay muhiim tahay in xiisadda la dajiyo, isla markaana la helo warbixin rasmi ah oo ku saabsan sida wax u dhaceen.

Madaxweynaha Turkiga Recep Erdogan ayaa dhankiisa difaacay tallaabadii ay kusoo rideen diyaaraddii dagaal ee uu Ruushku lahaa, wuxuuna ku tilmaamay inay kusoo xadgudbeen hawadooda.

Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon ayaa isagana xusay walaac uu ka qabo diyaaradda laga soo riday Ruushka, wuxuuna ku baaqay in la qaboojiyo xiisadda oo aanu dhicin wax gacan-ka-hadal ah.

Isbahaysiga NATO oo uu Turkigu qayb ka yahay ayaa ugu baaqday Turkiga iyo Ruushka inay xaalada dajiyaan, iyadoo isbahaysigu uu sheegay inay si dhow ula socon doonto dhaq-dhaqaaqyada labada dhinac.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa ka digay cawaaqib-xumo ka dhalan karta diyaaraddii laga soo riday, wuxuuna sheegay inay ahayd diyaaraddii laga soo riday mid lagu dhabar-jabinayo howlgalkooda Suuriya.