“Si Khaldan ayaa Hadalkayga loo Dhigay” Suldaan Xiiray

Hargeysa (SLpost)- Afhayeenka salaadiintii  Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, ayaa sheegay in la marin habaabiyay ujeedada  hadal uu ka yidhi wada hadalada Somaliland iyo Somalia ee ka dhici doona Turkiga.

Suldaan Xiiray oo shalay u waramayay Saxaafadda, ayaa waxa uu sheegay in qaranimadda Somaliland tahay lama taabtaan, waxaana uu carabka ku dhuftay in aanay  jirin  meel uu kaga hor yimi qarannimada iyo jiritaanka Somaliland.

“Waxaan doonayaa in aan laba kalmadood ka idhaahdo si khaldan oo loo turjumay hadal aan idhi, waxa aan idiin caddaynayaa qarankan iyo dalkan in loo soo dhintay oo loo soo dhaawacmay, afar iyo labaatan sannadood ayaan jirnay waana lama taabtaan. Si khaldan ayaa hadalkayga loo dhigay, oo loo bedalay waxaa  aanu ka hadlaynaa haddii aanu nahay madaxdhaqameedka qaranka doorkayaga in aanu ka qaadano wada hadalada Somaliland iyo Somalia inta la badalay waa  intaas qaran aan ka hor imina ma jirto,”ayuu doodiisa ku sababeeyay Suldaan Xiiray.

Suldaanku waxa kale oo uu sheegay in aanu ahayn salaadiintii Xamar tagi jirtay waxaana uu yidhi “Salaadiintii Xamar tagi jirtayna ma ihi ragii Xamar tagi jirayna waa la yaqaanaa, annagu marka horeba wax aanu raali ka ahayn in la xidho wada hadalada. La ii  tuhmi maayo qarankan in aan waxyeelo aniga iyo deegaankaan aan ka soo jeedaaba.”

Suldaan Xiiray waxa kale oo uu beeniyay warar ay qoreen qaar ka mida warbaahinta dalku, kuwaasi oo lagu sheegay in la xidhay oo xabsiga oo taxaabay, waxaana uu yidhi “Anigu wax xadhiga ma maqal la Iimana iman.  laakiin jaraa’idka ayuun baan ku arkayay.”

Salaadiinta kale ee dalka iyo xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga soo horjeestay hadalka Suldaan sheegayo in la qaloociyey, iyaga oo sheegay in aannay haba yaraatee salaadiintu wax door ah ku lahayn wada hadalada labada dal.

Somalilandpost.net

Hargeysa Officer