Dhaxalkii Askariga! Qeybta Koowaad

10-kii bishan November ee sannadkan 2015-ka, ayaa shir-weynihii 5aad ee golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye lagu qabtay magaalada Hargeysa, taasi oo Musharraxii jagada Madaxweynaha loo doortay gudoomiyhii xisbigaas ee Muuse Biixi Cabdi, iyada oo aanay cidi kula tartamin jagada musharraxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye, wax cusubna ma’aha in ay jagadaasi Musharrax kaliyaata u xidhnaato, ee waa caado uu leeyahay xisbiga Kulmiye, hadii aad xasuusatana, madaxweyne Siilaanyo maalintii uu Musharraxa madaxweyne ka ahaa xisbiga Kulmiye, cidi kulama tartamin jagada ee kaligii ayaa u taagnaa!

Marka aynu intaas kaga nimaadno horudhac, bal aan dib u jalleecno maalmihii xanuunka lahaa ee ummaddan soo maray, iyo midhihii ay dhashay taladii askariga laga dayey, isla markaana aynu ku soo xidhno waxa laga filan karo in mar labaad nin askari ah talada dalka lagu aamino.

Muraayadda kaliyaata ee uu aadmigu ka daawado waayihii kala geddisanaa ee uu soo maray ayaa ah taariikhda iyo sooyaalkii noloshiisa, taariikhdu waa ma bukooto, been ma sheegto iyo ma baaba’do. Habadaba bal aynu isla eegno tusaaleyaal dhawr ah oo ku saabsan dhaxalka uu askarigu ka tago, marka lagu aamino talo umaddeed;

  1.  Taariikhdu markii ay ahayd 30 January, 1933-kii ayaa uu Hitler noqday raysal wasaarihii dalka Jarmalka, waxaana uu soo dhisay xukuumad cusub, sidaas ayaanu Hitler markii koowaad kula wareegay awooddii dawladeed ee dalka Jarmalka. Isla halkan, waxa ka bilaabmay tallaabooyinka argagaxa lahaa ee uu askarigaa Hitler lagu magacaabi jiray uu caadada ka dhigtay. Afar maalmood oo kaliya kadib magacaabistiisii, oo ku beegnay 3 February, 1933-kii, Hitler waxa uu si sir ah ula shiray saraakiishii hogaaminaysay ciidamadii Jarmalka, waxaana uu daaha uga qaaday rabitaankiisa uu ku doonayo in uu ku baabi’iyo kansarka dimuquraadiyadda, oo uu ku abuuro dawlad kali-talis ah. Hadii aad u fiirsato, weli Hitler si rasmi ah markan ulama wareegin awoodda dalka Jarmalka, magaacibistiisiina waxa laga joogaa afar maalmood oo kaliya, welina awooddii si rasmi ah gacantiisa uguma ay soo wareegin, hadana waxa uu doonayaa in uu baabi’iyo nidaamkii ay umaddiisu ku heshiisay! (Anigu ma aaminsani nidaamka dimuquraadiyadda, balse waxa aan doonayaa in aad ila aragto hab-dhaqanka macangagnimada ah ee uu askarigu kula kacayo umaddiisa).

Laba bilood kadib dhacdadaas, Hitler waxa uu u gogol-xaadhay sidii uu xisbigiisii Nazi-ga uga dhigi lahaa awoodda kaliyaata ee maamusha dalkaasi Jarmalka. Xisbigii Nazi-gu iyaga oo ka faa’iidaysanaya awoodda cusub ee Raysal wasaaranimo ee ay heleen, waxa ay shuruucdii Jarmalka oo dhammaystiran hoos keeneen xisbigoogii. Hitler waxa uu xuquuqdoodii asaasiga ahayd ka qaaday qowmiyaddii Yuhuudda ahayd ee maamulkiisa hoos imanaysay, waxaana uu meesha ka saaray dhammaan tiirarkii ay dimuquraadiyaddu lahayd, waxa uu dhisay xerooyin iyo meelo uu ku xidh-xidho cid kasta oo ka soo hor-jeedsata dawladiisa, is bahaysiyadii ganacsi ee dalkaas ka jiray waa uu baabi’iyey, dhammaan xisbiyadii iyo ururradii dalka ka jiray waa uu tir-tiray marka laga reebo xisbigiisii Nazi-ga, waxa uu abuuray ciidamo sir ah, kuwaas oo cabsi badan dadkii geliyey, isla markaana geysanayey dil banii-aadannimada ka baxsan, xabsi, jidh-dil iwm. xagaagii sannadkii 1933-kii, Hitler isaga oo raysal wasaare ka ahaa dalkaasi Jarmalka todoba bilood oo kaliya, hadana waxa uu si fiican dhidibada ugu aasay qodob kasta oo saamaxaya ama suurto-gelinaya dhismaha jawi kali-talisnimo oo aan caalamka hore loogu arag!

Kadib geeridii madaxweynihii Jarmalka Hindenburg oo ku beegnayd August 2, 1934-kii, Hitler waxa uu meesha ka saaray xafiiski madaxweynaha, waxaana uu waxba kama jiraan ka dhigay jagadii madaxweynanimo ee Jarmalka (Hitler isagu raysal wasaare ayuu ahaa). Intaas kadib, Hitler waxa uu noqday hogaamiyaha ruuxiga ah ee uu dalka Jarmalku leeyahay, waxaana khasab lagaga dhigay madaxdii dawladda iyo saraakiishii ciidankuba in ay u ballan qaadaan in ay daacad ugu noqonayaan Hitler in uu yahay “Hogaamiyaha dalka iyo dadka”. Kaliyaata Hitler ma uu doonayn in uu noqdo hogaamiyaha dalka Jarmalka, balse waxa kale oo uu doonayey in uu qabiilkiisa ka dhigo qabiilka ugu ballaadhan qaaradda Yurub, hadii ay suurto-gal noqotana uu ka dhigo qabiil caalamka oo dhan qabsada! Hitler waxa uu ka dhigay dhammaan xisbigii Nazi-ga mid u adeega danaha qabiilkiisa Aryans-ka lagu magacaabi jiray.

Qabyaaladdii xad dhaafka ahayd ee uu Hitler ku dhaqmi jiray, axmaqnimadii bilaa damiirnimada ahayd, beentii joogtada ahayd iyo boqollaalkiisii dhaqan ee hore waxa uu ku darsaday iimaan la’aan uu ku damcay in uu ku qabsado dhul ka baxsan dalka Jarmalka, isaga oo ku hadaaqaya siyaasad ku sheegtii uu dadkiisa ku maaweelin jiray ee ahayd “qabsashada dhulka cusubi in ay soo kordhin karayso awood cusub”. In uu qabsado dhul cusub, waxa ka xigay dagaal uu la galo dalalka reer Yurub, taasna waa uu u diyaar garoobay. Hitler intii aan la dooran ka hor, marka uu ka hadlayo fagaarayaasha waxa uu iska dhigi jiray nin nabadeed, kaasi oo doonaya in uu soo celiyo kaliyaata xuquuqdii dadka Jarmalka lagaga duudsiyey heshiiskii lagu galay dalka Faransiiska dagaalkii koowaad ee dunida kadib, heshiiskaas oo loogu magac-daray “Versailles”. Kadib markii uu Hitler qabsaday awooddii dalka Jarmalka, waxa uu si caddaan ah u dumiyey heshiiskaas. Tusaale ahaan, heshiiskani waxa la isla qaatay in aanu dalka Jarmalku samaysan ciidanka cirka, waxa kale oo la isla qaatay in uu Jarmalku samaysto tiro yar oo ciidanka badda ah iyo ugu badnaan 100,000 (Boqol kun) oo millatari ah. Hitler isaga oo si badheedh ah u jabinaya heshiiskaas, isla markaasna muujinaya qodobo ku baaqaya dagaal kale, ayaa uu bishii March 9, 1935-kii, ku dhawaaqay in uu sameeyey ciidanka cirka ee dalka Jarmalka. Waxa kale oo uu kordhiyey tiradii ciidanka millatariga ahaa, isaga oo ka dhigay 550,000 oo sakari. Tallaabooyinkan oo si toos ah uga hor imanayey heshiiskii Versailles, dalalka Faransiiska, Ingiriiska iyo Talyaaniguba waa ay cambaareeyeen tallaabooyinkan, balse ma ay samayn karayn wax intaas ka badan.

Waa inoo qaybaha dambe hadii ilaahay ogolaado…………….

Allaa mahad leh.

Qalinkii: Maxamed Sharma’arke (Hisoori)

sharmaake91@gmail.com