“Maamulaha iyo maamule-ku-xigeenkuba waa ilmaadeer, way ka fursan wayday in la tilmaamo Qabyaaladda” Guddoomiyaha Waxbarshada Sanaag

rererHargeysa (SLpost)- Maamulka Waxbarashada Gobolka Sanaag, ayaa ka hadlay sababta dhalisay mudaharaad ay todobaadkan sameeyeen Ardayda Dugsi ka mid ah goobaha Waxbarashada Dowliga ah ee ku yaala gudaha magaalada Ceerigaabo.

Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Sanaag oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Ceerigaabo, ayaa sheegay in bannaan-baxa ardayda oo ku beegmay xilli ay xaaladda magaalada iyo gobolkuba kacsanayd ay ka dhalatay khilaaf soo kala dhex-galay maamulaha iyo maamule-ku-xigeenka dugsigaas, taas oo sababtay in shaqada la joojiyo maamule ku-xigeenka dugsigaas.

HOOS KA DAAWO HADALKA GUDDOOMIYAHA