Shabbaddii! Shabbaddii!

Waxa uu i soo wacay xilli niskii dambe ee habeennimo ah. Waa abbaaro labadii iyo wax la jira. Hurdo ayaan ku jiray kolkaa, weliba si fiican ayaan u hurday.

Dhawaqa telefoonkayga gacanta goortii aan maqlay, waan toosay oo ka jawaabay. Saacaddan, qofka ku soo wacayaa, malaha dhiillo ayaa uu kuu sheegayaa is idhi. ‘Hello’ haddaan idhiba, waa ninkii hebel ahaa oo codkiisa degdeg iyo gargariir ku jiro. “Waar maxaa dhacay hebel?” Ayaan dhaqso u weyddiiyay. Aniga oo sugaya kolley in uu shil ii sheegi doono waa ka yidhi: “arrin xun baa dhacaye xal keen, weliba xal degdeg ah keen!” Hadda arrinka uu xalkiisa degdegga ah i weydiinayo weli iima uu sheegin.

 

Dabadeedna weyddiiyay: waar arrinka dhacay muxuu ahaa? Ku ye: “shabbaddii, shabbaddii” Yaab! Waar bal si fiican wax iigu sheeg haddana idhi. “Farriin xun oo aanan iyada ku wadin baa ku khaldantay.” Waa ka iigu jawaabay.

Aan yara saafo’e, ninkan ila hadlaya waa tii dhowaan uun ay is barteen inan gashaanti ah. Waa shabbad qurux, garasho san iyo xishood Ilaah ku galladay. Muddo bilo ah markii haasaawe dhanka wanaagsan u socday ay wadaagayeen, waaba tii ay guur iyo reer dhiskii isla soo qaadeen. Gundhiggii arrinka iyadoon la gaadhin, caawa waa ta tani dhacday. Maxaa dhacay haddaba? Woxogaa hubsiimo la’aanta ah waan ku ogaa saaxiibkaye, waa kii farriin qoraal ah telefoonkiisa ka diray. Farriinta waxa ku qornaa hadallo anshaxa ka baxsan. Waxa ay ahaayeen waxyaabo inantaas iyo inan kale toona in loo diro aan ku habboonayn.

Waxa uu ku jiraa xaalad adag oo xal degdeg ah u baahan. Arrinka saaxiibkay saacaddan kulaylka iyo culayska ku hayaa  waxa weeye; farriinta gabadh kale oo malaha qiyaastii deelqaaf dhex maray ayuu ku waday. Shabbaddan uu hadda caashaqsan yahayna, waa mid xishood, akhlaaq iyo diin fiican leh. Sidoo kale, isaga laftiisu ma xumayn, laakiin sida uu inanta isbarashadoodiiba uu isugu muujiyay, waa wiil wanaagsan oo wax wanaagsan uun ay ka ulanayso. Farriintii hadallada xunxun xambaarsanayd ayuu is yidhi u dir inantii kale, nasiib darro se nambarkii shabbaddii uu aadka ugu han weynaa ayay si khalad ah gacantu ugaga dhacday. Macnuhu waxa weeye: farriin aanu iyada ku wadin, waxa ku qoranna aan marnaba la soo marin karin ayaa shabbaddii uu jeclaa u tagtay!

Aniga oo uu hurdada iga kiciyay, markii uu sidan iigu warramay, waxa isu kay qaban weyday; sida ay u dhacday fahmaye xalka uu i weydiinayaa waxa uu noqonayo! Hal su’aal ayuun baan weyddiiyay: oo markaa inantii maxay kaga falcelisay arrintaa? Kuye: “waar telefoonkeedu haddaa wuu dansan yahay/xidhan yahay, balse aroorta marka ay toosto ee ay shiddo ama furto ayay arkaysaaye xal keen.” Farriinta tagtay, telefoonka loo dirayna qofkii lahaa sito, bal maxaan ka qaban karaa? ayaan ku idhi. Dabadeedna waa ka yidhi: “saaxiib, qolada shirkadda isgaaadhsiinta cid habeenkii xarunta ka shaqaysa ma garanaysaa?” Anna waaniga ugu jawaabay: “Dee haayoo nin Khadar la yidhaahdo ayaan ku ogaa isagoo habeenkii shaqeeya.” Inta ay neefi ka soo boodday saaxiibkay waa ka igu yidhi: “saaxiib Ilaahay khayr ha ku siiyee haddaba ninkaa hadda la hadal!” oo maxaan ku idhaahdaa? Waaniga dib u weydiiyay. Halkii aan wax kale ka filayay, waa ka yidhi: “waxaad ku tidhaahdaa, nambarkaasi farriintii uu diray (isagoo nambarkiisa sheegaya) number khalad ah ayay ku dhacdaye farriintaa soo qabo oo hawada ku baabbi’i!” Waa aniga mar hoos u qoslay, mar la yaabay marna garwaaqsaday saaxiibkay sida xaaladda inantaasi ugu culus tahay.

In aan ninkaas waco, oo sidaa uu yidhi ku idhaahdaa caqli gal waa ila noqon weyday. Hadalkii markii aannu dhawr jeer isku celcelinnay baan ku idhi: saaxiib waan dareemayaa miisaanka arrinka, sidoo kalena macquul ma aha saacaddan in aynnu ninkaas arrintaa ka codsannaaye, bal waagu ha innoo beryo. Sidii ku kala tagnay habeenkii. Subaxnimadii, kolkii waagii beryay ee malaha inantiina salaaddii subax u kacday, waa tii furtay telefoonkeedii. Waa meel Alle wax ka wadaaye, farriintii oo kankoonsani waa ta u soo gashay. Amankaag, filanwaa iyo wax aanay taladaba ku darsan waa ta la noqotay. Iyadoo sidii u yaabban, weliba fahamtay fartiisa iyo qoraalku in uu isaga toos uga yimid, waa ka abbaaro toddobadii subaxnimo soo wacay. Hadal haba danbeeyo’e, waa tii in ay kaba jawaabto teleefan dambe oo uu leeyahay maankeedu bartii ku gooyay! Dabadeedna, shabbaddii wanaagga badnayd waa kii saaxiibkay sidaa ku waayay!

Maxamed Muxumed Cabdi “Haykal”

Email:maxamedhaykal020@gmail.com