Sebankii Hotel-weerarka

Xaaladaha nabad galyo darro iyo xirfadaha argagixisada ka hawl gala dalka aynnu jaarka nahay ee Soomaaliya waxay soo mareen heerar kala duwan. Ka sifayntii Muqdisho dadka aan ku abtirsan

beesha Hawiye iyo dagaalladii Caydiid iyo Cali Mahdi waxay ahaayeen qaybtii hore wax noqday ciyaar daba dheeratay. Qaybtii labaad waxay ku bilaabantay Ururkii Al-İtixaad ee Ethiopia Ilaahay ku salliday, iyo soo if bixii sabankii dagaal oogeyaasha ama wixii adduunyada looga yaqaannay ‘War Lords of Muqdisho’. Qarnigii tagay ama dabayaaqadii boqolkii sanno ee ina dhaafay, Koonfurta Soomaaliya waxay ku macasalaamaysay qas, qalalaase iyo qalaanqal joogto ah oo ay ka dhasheen macluul, abaaro iyo oodo lulul, kumanaan qof oo naftoodii waayay iyo milgaha magacii Soomaaliyeed oo ku caan baxay xumaan iyo dawaro.

Qarnigan bilowday Koonfurta Soomaaliya waxay ku soo dhawaysay samaysanka ururkii la odhan jiray, ‘Islamic Courts Union’ iyo farriintii dad badan kalka iyo laabtooda kasbatay ee ay hal ku dhigga u ahayd, “LADAGAALLANKA SHAHAADO LA DİRİRKA”. Farriintaas iyada ahi dad badan ayay soo jiidatay, xaqiiqdiina jiritaanka Somaliland khatar culus ayay galisay. Waxa Somaliland lagu arkay wadaaddo seef la bood ah iyo dhallinyaro war laaweyaal ah oo farriintaa si wayn madaxa ugu lulay. Dhallinyarta u riyaaqay ka hor taga shahaado la dirirka aniga ayaa ku jiray. Waxa caado ahayd marka Ururka Maxkamadaha Islaamigu meel halaagayaan waxay ku sababayn jireen, “Dadkaa noo yeedhay”. Farriintaa waxa si wayn u gudbin jiray Yuusuf Garaad oo madax ka ahaa BBC-da. Barigaa Yuusuf Garaad wuxuu kordhiyay wakhtiyada BBC-du soo gasho oo uu ku daray 7:30 subaxnimo iyo 7:00 Fiidnimo, si ay farriintu meel dheer ugu dhacdo.  Somaliland wakhtigaa dad badan oo ay suurogal ka tahay inay u yeedhaan ururkaa bilaa ujeeddada ah way ka buuxeen.

Sidii dadka loogu beer laxawsanayay shahaadada ayaa la difaacayaa, waxa mar qudha soo if baxay urur argagixiso oo tabo iyo xirfado cajiib ah adeegsanaya islamarkaana talo iyo tusaale ka helaya ururrada argagixisada ee caalamiga ah. Somaliland dhowr jeer ayay weerarro dhiig ku daatay ka fuliyeen, laakiin way ku adkaatay inay baroonsinka ku aastaan sida Xamar Caddeey iyo Baydhabo Jannaay oo kale. Waxa taa suurogaliyay laba arrimood.

  1. Dawladdii uu gadh wadeenka ka ahaa Daahir Riyaale waxay dhaqaale badan galisay sirdoonka iyo dhaga-dhagaynta, waxay cilaaqaad iyo war is waydaarsi heer sarreeya la samaysatay dawladaha jaarka. Islamarkaana Daahir Riyaale wuxuu mansabyada amniga ugu sarreeya u magaacabay dad khibrad iyo aqoon buuxda u leh sida: Cabdillaahi Cirro, Xuseen Kenyaati iyo Alle ha u naxariistee Saqadhi Dubbad. Iskusoo wada duub oo Somaliland Ilaahay wuu garab mariyay musiibadii maxkamadaha. Laakiin khatartii may dhammaannin.

  1. Waxa taas ka muhiimsanaa dadka Somaliland oo noqday qaar foojigan oo wixii amniga dhaawacaya dhan uga soo wada jeedsada. Tiraba dhowr jeer ayay dhacday in dadku fashiliyeen guryo lagu abaabulayay qaraxyo waawayn oo halaag keeni lahaa. Dhaqan ahaan bulshada Koonfurta iyo waqooyigu way ka duwan duwan yihiin, waliba markay timaaddo wax sheegidda iyo dareenka wax wada qabsiga guud. Muqdisho waxa ka jira dhaqan caan ah oo la yidhaa, MA KASAYO. Qofku way adag tahay inuu waxa uu og yahay sheego waxa taa kala siman Jigjiga oo lagu wada xasuusto maahmaahdii ahayd, ‘Jigjigaay maydkaaga sido’. Wax qarinta afka qalaad waxa lagu yidhaa ‘Culture of impunity’, waa dhaqan haddii uu bulshada ku faafo keeni kara inuu burburo amniga iyo kalsoonida bulshadu.

Wakhti xaadirkan aynnu ku jirno, Muqdisho maalin walba Hotel ayay Alshabaab gashaa oo dad ku xasuuqdaa, siday xaqiiqdu tahayna hotelladaa ammaankoodu wuu adag yahay, laakiin, haddana weerarradu waa isdaba joog. Muqdisho uun maahee Kampala, Djibouti iyo Nairobi, weerarro culculus ayay ka fuliyeen, Hutello waawayn ayay weerareen. Addis Ababa lafteeda weerar fashilmay ayaa ka dhacay. Waxa muuqanaysa in weerarradoodii ay dhanka Hotellada u duween. Hotelladu waa meelaha dadku isugu yimaaddaan ee ay khasaaraha ugu badan ka gaysan karaan.

Haddaba, Somaliland dhacdooyinkan maxay ka baran kartaa? Sida aan qabo Hotellada waawayn ee Somaliland ammaankoodu wuu liitaa, cid kasta ayaa iska dhex mushaaxda, xaflado kumannaan qof ka qayb galaan ayaa lagu dhigaa. Laakiin weli Ilaahay waxba inagumuu keenin, waxbana innagu keeni maayo.

Hotellada iyo goobaha kale ee muhiimka ah ammaankooda la adkeeyo ayuu dammiirku ina farayaa. Waxa iyaduna muhiim ah in ammaanka ilaalintiisa hawl culus ka galaan dadweynuhu oo wax kasta oo ay ka shakiyaan ciidamada ammaanka u gudbiyaan. Mar horeba dadka Somaliland way fahamsanaayeen oo waa sababta ugu weyn ee Alshabaab bulshada u dhex gali kari weyday. İnkasta oo aanan ahayn qof ammaanka iyo ilaalintiisa aqoon buuran u leh, haddana dhaqan aan dalkan Turkey ku arkay waxaan filayaa in ammaanka ilaalintiisa uu horumarin karo.

  1. Boqolkii guri ee meel ku yaalba haddii loo sameeyo guddi mutaddawac ku shaqaysa oo ka kooban dadka xaafadda deggan ee masuulka ah, guddidana lagu xidho saldhigga booliiska ee ugu dhow, hadday arkaan guri lagu abaabulayo waxyaalo shaki lehna ay markiiba ciidamada ammaanka wargaliyaan. Waynu ka badbaadi waxa hareereheemna ka dhacaya.

  1. Ciidamada Booliska waxa qurux badan in loo sameeyo, hot line iyo ciidan mar walba diyaar ah oo marka meel wax la soo sheegaba aan maqaaxiyaha jaadka looga yeedhine diyaar ah oo tababaran.

  1. Dadka socotada ah ee dhammaan Hotellada yar yar iyo kuwa waawaynba deggan waa inay jiraan qaab dadka deggan tirakoobkooda, waxay yihiin iyo waxay wadaanba loola socdo. Islamarkaan waxa amnigu ku jiraa in aan qof aan Passport ama waraaqo sidan aan laga kirayn Hotel.

  1. Kantarooladeennu way iska furan yihiin, Gorayo heeryaysan ayaa ka soo gali karta. Ciidamada Kantaroollada waa in la xoojiyo.

  1. Qaabka guryaha loo kiraysto waa in wax laga beddalo, waa in aan Jaamac iyo Xaddiyo kasta oo aan wuxuu yahay la garanayn guri laga kirayn. Waa inay jirtaa qaab dawladdu ula socoto guryaha la kiraysanayo. Muqdisho dhammaan qaraxyada la abaabulo waxa lagu soo diyaariyaa guryo ay Alshabaab kiraysatay.

Waxa ugu muhiimsan qof kasta oo ajnabiya oo waddanka soo galayaa sharci ku soo galo, haddii uu dhulka ka soo galo waa in loo sameeyo xarun qofku tago oo iska diiwaangaliyo, isagoo sheegaya sababtuu u yimid, halkuu deggan yahay iyo muddada uu joogayo. Qofka u socda sabab macquula waa in la soo dhaweeyaa oo inta uu joogana ammaankiisa loo dammaanad qadaa.

Dadka waa in aad loogu wacyi galiyaa in aanay la macaamilin qof bilaa sharci waddanka ku dhex mushaaxaya, oo wuxuu ka shaqaynayo aan cidİna sheegi karin. Waa in dadka iyo gaar ahaan Hotellada la seexdo lagu wargaliyaa in haddii ay la macaamilaan qof aan waddanka sharci ku joogin ay ganaax mudan karaan.

Xafiisyo badan oo nocaasa haddii waddanka laga furo xitaa shaqo abuur ayaa ka dhalan lahaa, cashuuraha dadka soo galaya laga qaadayo iyo ganaaxyada sharci jabiyeyaasha laga qaadayo ayaaba kumannaanka qof ee ka shaqaynaya mushahar u noqon lahaa dawladda ay wax uga soo hadhi lahaayeen.

Haddii aynnu ku shaqayno uun daacadi ma hungowdo khatar ayaynnu ku sugan nahay.

Axmed Maxamuud

Email: ahmedchamp@hotmail.com

Facebook: Ahmed Mahamed

Herriot-Watt University, Edinburgh Business School, MBA.

Gazi Univeristy, Department Of Social Science, Economic Development and Growth, Ankara, Turkey.