Sheeko Gaaban: Xaakimkii Caadilka isku Haystay iyo Qisadii Labadiisa Gacmood

 

 

Sida ku cad sheekooyinka kala duwan ee dadku isku soo gudbiyaan, jiilba uu ka dhaxlo jiilka kale, nin xaakim ahaan jiray ayaa isku haystay inuu yahay caadil ku talax tegay caddaaladda, wuxuunna arrintaas ka gartay sida dadku uga cabsoodaan, isagoo u qaatay in caddaaladdiisa laga cabsado.

 

Haddaba, waxa dhacday maalin ka mid ah maalaha in mindi ka sartay gacantiisa bidix isagoo guriisa jooga oo qado karsanaya, waxaannu dareemay xannuun aad u daran, iyadoo xinjiro dhiig ahna ka soo boodeen halkii mindidu ka goysay, kadibna inta uu albaabka ka booday ayuu markiiba gaadhay farmasi ku yaalay meel u dhaw gurigiisa.

 

Waxaannu la hadlay qofkii farmasiiga joogay oo uu ku yidhi; ‘mee, waar dhiigga iga xidh.” Inankii farmasiiga joogay oo aqoonna u lahaa in ninkani yahay xaakim, ayaa si degdeg ah ugu soo booday oo yidhi; “maxaa kugu dhacay xaakim? Ma cid ayaa ku dagaashay!!” Xaakimkii ayaa ugu jawaabay; ‘adeer, iyada ayaa gardarneyd.” Inankii kalkaaliyaha caafimaad ahaa ayaa isagoo yaaban ugu hal-celiyey; “yaa, ayaa gardarnaa? Kadibna xaakimkii yidhi; “iyadaa gardarneyd.” Halkaasoo uu in muddo ah ku celcelinayey.

Hasayeeshee, wiilkii farmasiiga joogay inta uu fahmi waayey waxa meesha ka dhacay, ayuu shaqadiisii qabsaday, si wanaagsana wuu u daweeyey, isagoo u sii raaciyey xaakimka “in Ilaahay ku caafiyo ayaan kuu rajeynayaa.”

 

Ninkii xaakimka ahaa intuu gurigiisii ku noqday ayuu xisaabtamay oo uu yidhi horta gacantani maxay gallabsatay ee lagu gawracay, wuxuunna is weydiiyey horta gacanta bidixda waa la guumeystaa oo midigta ayey u adeegtaa sow maaha? Ayuu sii raaciyey, isagoo la hadlaya gacantii dhaawacneyd, wuxuunna haddana yidhi; ‘oo bidixeey, mar walba waxaad caawisaa wixii hawl ay qabaneyso midigtu, mararka qaarna shaqo liidata ayey kuu dirsadaan! Iminka bal maxaad gallabsatay ee dhiigaagii lagu qubay? Yaa bixiyey amarkaas?

Waxa uu waraystay dhammaan dareenka jidhkiisa inta wax amarta, wuxuunna ugu horeyn waraystay maskaxdiisii oo ugu jawaabtay; ‘Xaakim, anigu waxa aan amray oo qudha in basasha la googooyo ee ma amrin in gacantan la dagaalo, qayb jidhka ka mid ahna ma farin arrintaas.’

 

 

Haddana wuxuu wareystay qaybta xangulaha ee maskaxda oo bixisa amarada degdeg ah ee jidhka si kedis ah ugu yimaad, waxayna tilmaantay in aanay shaqadeediiba meesha oolin, waxayna sheegtay inay ku war heshay markii dhiiggu ka soo booday bidixda, waxaanna la isla lafa-guray bal in la ogaado cidda qalladku ka yimid, iyadoo la isla qaatay in muruqa cududa ee midigtu sameeyey dhaqaaq ka badan intii loogu talogalay, taasoo sababtay in la dhaawaco gacanta bidix.

 

 

Waxa ninkii xaakimka ahaa gacantiisii midig ku caddeeyey inay gashay khalad sababay dhaawac dhiig ku daato, wuxuunna go’aansaday inuu kiiskan qaado, dacwadiisana gudogalo, isagoo dib u jaleecay dulmigii ay qabtay gacanta bidixdu, kadibna wuxuu goostay in loo aargudo bidixda.

 

Gacantii bidix ee ninka xaakimka ah ayaa soo qaadatay mindidii lagu dhaawacay markii hore, waxaannu nabar la xaad leh gaadhsiiyey gacantiisii midi goo uu ka dhaawacay isla meeshii laga dhaawacay bidixda, markii falkaasi dhacay, una adkaysan waayey xannuunka, isla markaana dhiig madaw ka soo burqaday, ayuu mar labaad kadinka gurigiisa ka booday, waxannu isagoo dhegaha nabaya uu orod ku galay farmasiiga markii hore lagu dabiibay gacantiisa bidix.

 

 

Inankii joogay farmasiiga ayey mar kale ku noqotay af-kala-qaad, wuxuunna u degdegay inuu wax ka qabto xaalada caafimaad ee ninka xaakimka ahaa, isagoo weydiiyey su’aal ahayd; “xaakim, maanta ayaa sidan kuu galay ee ku dhaawacay? Wuxuunna xaakimkii ugu jawaabay; “way mutaysatay oo abaalkeedii ayaa helay.”

 

Arrintan ayaa layaab ku noqotay wiilkii joogay farmasiiga, isagoo amakaag ka qaaday jawaabaha ka soo yeedhaya ninka xaakimka ah, kaasoo ku celcelinayey hadal ahaa; ‘way mutaysatay….Way mutaysatay…Waa abaalkeed.”

 

Wiilkii farmasiiga oo naftiisa hoos ula hadlay ayaa isugu jawaabay; ‘malaha waalli ayuu soo wataa xaakimku.’ Wuxuunna isku qanciyey inuu arrintan xidhiidh kala sameeyo booliska si wax looga qabto xaaladaha xaakimka oo naftiisu halis ku jirto, waxaannu si degdeg ah u dhamaystay hawshiisii farmasiiga, kadibna wuxuu siiyey dawo iyo kinniin lagu dejiyo dadka marka ay maskax ahaan kacsan yihiin ama isku buuq ku furmo, ninkii xaakimka ahaana wuu iska baxay markii la daweeyey.

 

Waxa uu ku laabtay gurigiisii, waxaanna dhibaato ku noqotay sidii uu u sii wadan lahaa cunto-karintiisii, isagoo awoodi waayey inuu dherigii dabka saarnaa ka qaado, waxaannu is weydiinayaa sidii uu dabkani isaga bakhtiin lahaa, isagoo il daran ayuu ku war helay in la garaacayo albaabka guriga, wuxuunna yidhi; ‘waa ayo,” waxaanna loogu jawaabay “waa boolis ee albaabka fur fadlan.”

 

Isaga oo kor u hadlaya ayuu yidhi; “waar maxaad iga doonaysaan shaqo ayaan haystaaye waa inoo xafiiska iyo 9:00 subaxnimo hawshiina halkaasi ayaan idiinku dhameynayaa waa inoo sidaa yaa am ama aaaaaaaaam…” Wuxuu rabaa inuu qariyo mushkiladan qabsatay oo aan meesha loogu soo gelin, laakiin, waxa uu ku war helay laad xoogan oo albaabka lagu furay iyo booliskii oo dhex taagan gurigiisii. Naxdin iyo anfariin ayaanna ku dhacay ninkii xaakimka ahaa.

 

Booliskii ayaa weydiiyey sida wax u dhaceen iyo dhibaatadan gaadhay waxa sababta u ah, wuxuunna ugu jawaabay; “tani weligeedba way gardarneyd, maantana waa lala xisaabtamay, tanina waa ay dulmanayd weligeedba oo dhaawacyo aanay galabsan way iskaga dhici jireen awalba…”

 

Ninkii booliska ahaa ayaa yaabay oo fahmi waayey waxa uu ka hadlayo xaakimku, waxaannu go’aansaday inuu qaado, geeyana goobaha caafimaadka si loo hubiyo inuu isticmaalay mukhaadaraad ama uu jiro xannuun dhinaca maskaxda ah, laakiin wax xannuun ah waa laga waayey, kadibna waxa la geeyey xaruntii booliska oo ay ku waraysteen rag u tababar waxyaabaha u qaadan waaga ah, waxayna weydiiyeen waxa ku kelifay inuu u kala aargudo jidhkiisa, isagoo uga waramay sidii wax ugu dhaceen oo dhan.

 

Waxa kaloo ay weydiiyeen su’aallo la xidhiidha shaqadiisa si ay u ogaadaan qaabka uu xaakim ahaan u dhaqmo iyo xukunnada uu qaaday inay caddaalad ahaayeen iyo inay qarqoosh ahaayeen, waxaanna lagu noqday degaankii uu xaakimka ka ahaa, iyadoo la ogaaday inuu ahaa qof aan la fahmi karin, xukunnada uu qaadayna noqdeen caddaalad-darro.

Wakiilkii dawladda ayaa ka qaybgalay baadhistii lagu sameeyey ninka xaakimka ahaa, waxaanna la hubiyey cabsidii dadku ka qabeen inay ahayd macangagnimadiisa, isla markaana ay arrimaha khilaafka dhexdooda ay ku dhammaysan jireen bannaanka, odayaasha degaankuna ka garniqi jireen hadba wixii dhib ah ee jira, sidaas darteedna uu ninka xaakimka ahna isku boqray inuu yahay nin caaddil ah, mar haddii la waayeyba cid is haysata oo maxkamadaha ugu taga.

 

Waxa la go’aansaday in ninkii xaakimka ahaa la xidho, lana geeyey jeelka, waxaannu dhex fadhiistay qolkiisii yaraa ee lagu xidhay isagoo labadiisii gacmoodna dhiig ka socodo, kadibna inta uu fadhiistay ayuu labadiisa jilib dul saaray labadiisii gacmood, fadhi-xumadiisana waxa ka darnaa fuul-xumada gacmihiisa duuban ee dhiiggu caseeyey

 

Qore: Qarqoosh A.Hassan

qarqoosh99@gmail.com, Hargeisa, Somaliland