Qabiil iyo Qaran waa Laba aan is Raacin: Saamaynta Taban ee Dhaqanka Qabiil ku Leeyahay Qaranka

 

Marka hore

Qoraalkan kooban waxa aynu ku eegaynaa mushkiladda qabyaaladda iyo sida ay liddiga ugu tahay qarannimada. Liddinnimada lafteeda

doodi ka ma madhna oo waxa jira dad u arka in aan qabiilku ka horjeedin ama aanu xataa saamayn taban ku lahayn qarannimada. Waxa ay yidhaahdaan”qabiilku ma xuma ee waxaa xumi waa qabyaaladda”. Badi ba dadka sidaas arkaa, labada ayey si u kala saaraan. Xumo iyo samo se, labadu waa qofba sida arrinku u la ekoonaado, waa na wax ka duwan natiijada lagu gaadhi karo darsidda waaqica jiraalka ah.

Waxa kale oo la yidhaa haddii aynu Soomaliland nahay (Waa tuslaale ahaane), qabaa’il isu yimid baynu nahay, qarannimadeennu na taas bay ku dhisan tahay.  Marka sidaas la leeyahay, waxaa la daliishanayaa shirarkii qabaa’ilka ee Burco, 1991kii, iyo Boorama, 1993kii, ee lagu dhisay dawladda Soomaaliland. Ma aha shirarkaas oo keli ah ee dooddu waxay ku sii arooraysaa golayaasha awoodaha qaran oo si joogto ah, loogu saleeyo saamiqaybsiga qabaa’il. Se taasi ma tahay qarannimadii oo dhisantay? Qaabka muuqda iyo magacyada hay’adaha waa la arkayaa, waxaa se meesha ka maqan nuxurkii qarannimo ee ahaa isahaanshaha dadka, dhab ahaan, ku wada abtirsanaya qarannimada. Waxaa jira ifafaalayaal ina tusaya in dareenka reer-hebelnimo, cid kasta kaga weyn qaranka. Waxaa maqan wadalahaanshihii dalka iyo qaranka. Qabaa’il iyo reero ayaa loo kala sheeganayaa hay’adaha dawladda iyo ilaa waaxyaha maamulkeeda. Taasi na waxay saamayn taban ku yeelatay kaalingudashada dhamman ba golayaasha iyo garsoonka qaranka. Sababtu waxaa weeye, dhaqanka dawlad la’aaneed ee qabiilada xooloraacatada Soomaaliyeed ma laha ma na yaqaan awood dhexe oo la isku darsado. Runtii qabaa’ilku wax way kala qaybsadaan, wax se isku ma darsadaan oo ma wada yeeshaan. Waxii dhexdooda yimaadda, xoog iyo xeer mid ay noqoto ba, way kala goostaan oo kala qaataan.

Ugajeeddada Ereybixinaha     

Si uu jidkeennu u qorqoormo, waxaynu hadda ku hormaraynaa qeexidda dhawr ereybixinood oo ay doodda qoraalku ku toosi karto. Markeeda hore, maxaynu uga jeednaa ereyada qabiil iyo qabyaalad, qaran iyo dawlad?

Qabiil, qolo iyo reerafsoomaaliga, marar badan, isla hal wax bay tilmaaamaan.  Wadarta u ballaadhan ee isugu timaadda magaca qoladu ka soo unkanto, Sida “Hawiye, Dir, Daarood, Isaaq iyo Raxanweyn(waa tusaale ahaane)” iyo sii qaybsankooda hoose, heer kasta ba, waxa la yidhaa qabiil, qolo ama reer.  Hoos bay, joogto, ugu sii qaybsantaa, ilaa ay tagto qoyska jifada la yidhaahdo.  Waxaa kuwan hoose la yidhaa magacyo badan oo ay ka mid yihiin jilib, laf, jibsin, ardaa iyo kuwo kale.

Laba astaamood baa ku gaar ah ereyadan dambe.  Midda hore, mar kasta oo la adeegsanayo waxaa laga muujiyaa qayb ahaanta ay ka tahay qolo ballaadhan.  Haddii la magacdhebo jilib Hebel la yidhaa, waxaa laga fahmayaa(qofkii aan aqoonna loo sheegayaa) qabiilka ka weyn ee uu jilibkaasi ka tirsan yahay. Midda labaadna, marka aan loo dan-lahayn jilib iyo jibsin ahaanta, heer walba waxaa loogu yeedhaa magacyada qabiil, qolo iyo reer. Mar ba waa kii qofka madaxiisa ku soo hordhaca. Waxaa ugu layaab badan ereyga Reer; waayo, marka aad u fiirsato hidde-hadalka dadka ee maalinlaha ah, waxa aad maqli ‘Reerkaa Hawiye’ ama ‘Reerkaas Daarood’ iwm. Ilaa qoyska u yar, heer kasta oo laga hadlayaa ba waa reer. Waxaa ka duwan magaca guud ee ay qabiiladu ka askumanto, sida Daarood, Dir Hawiye, Isaaq iwm; kuwan ayaga, badi ba, la ma yidhaahdo jilib iyo jibsin iyo kuwa ka sii hooseeya. Magacyada Samaale Saab iyo Irir ayaga danaysi siyaasadeed baa, mararka qaar, loo wadwadaa; inta badan se la ma xusuusto.

Marka loo noqdo aqoonta ka soo ururtay cilmibaadhista anthroplojiga, ereybixinta qabiil oo afcarbeed ka soo jeedda, way adag tahay in badanka kooxaha Soomaalida lagu sifeeyaa. Ereyga qabiil waxa uu u dhigmaa tribe oo ingiriisi ah; asaguna, sida uu faahfaahinayo I. M. Lewis oo ku xeeldheeraa soojireenka bulshooyinka Soomaalida, waxa lagu tilmaansadaa koox bulsheed mid ahaanteeda siyaasadeed iyo xeer-xidhkeedu ba(political & jural unity) ku dhisan yahiin dhul gaar ah oo ay wadaagto ku na wada abtirsato(1). Waxaa raaca af iyo dhaqan u gooni ah. Sidaas darteed, qabiiladan awoodda taladeeda siyaasadeed waxay ka dhalataa xidhiidhka dhulka. Badanka qolooyinka Soomaalidu, gaar ah kuwa aynu ka hadlaynaa, xidhiidhkaas la ma laha dhulka; ku ma na abtirsato oo loogu ma yeedho magaca dhulka ay deggan yahiin. I. M. Lewis, marka uu ka hadlayo kooxda xoolodhaqatada Soomaalida, waxaa uu doorbidayaa ereyga clan(afingriisi) oo afcarabiga ku ahcashiira(ereygan cashiira Soomaalidu waxay u adeegsataa macnaha xigto). Ereygani waxa uu tilmaamayaa koox bulsheed uu isku xidho adoo lagu wada abtirsado oo magaciisa la sheegato. Bulshadani magacyada odayaasha xidhiidhsan ee ‘isdhalay’ ayey ku sii kala farcantaa oo ugu qaybsantaa jilibo iyo jibsino ilaa qoyska hoose u daaddegaya. Waxaa raaca oo uu I. M. Lewis qirayaa xeer koox walba gudaheeda ka dhexeeya oo hiiladeeda iyo hilowgeeda xejiya. Dhismaheeda siyaasadeed iyo buruudkeedu ba kooxdan waxa uu ka soo jeedaa xaqa xoogga dagaalka ee ay leedahay(2).

Qoloda aynu ka hadlaynaa waa ta qaabkaas u dhisan. Isla markii waa bulshada xoolodhaqatada reerguuraaga ah ee ay Soomaalidu guud ahaan, gaar na Soomaaliland, u badan tahay.  Haddii aynu ereybixinta qabiil u dayno sida cilmiga antrobolojigu u dhigayo, ereybixinta clan ama cashiiro, afsoomaali ahaan, waxaynu u la bixi karnaa  abtirsiinwadaag amatolwadaag oo labadu ba nuxurka dhismaha bulshadaas tusayo.

Tolwadaagtaas xoolodhaqatada raacatada ahi, waxay lahayd jiritaan bulsho siyaasadeed mid ah, inkasta oo falkeeda siyaasadeed iyo hiiladeedu ba la guurguuraan abtirsiinta jilibbada iyo jibsinaha hoos u sii qaybsamaya. Dadku wada xoolo dhaqato raacato ah buu ahaa. Qofka noloshiisu gees walba reer tolkii bay ku xidhnayd oo sina uga ma maari karin. Nabadgelyada naftiisa, hantidiisa iyo milgahiisa qof ahaaneed ba, awoodda iyo haybadda reer tolkii bay ku xidhnayd.  Xilka ay wadarta tolkii ku ilaalinayso, ayuu asagu na reer tolkii garab iyo gaashaan ugu ahaa. Qofku reer tolkii buu u tirsanaa oo fal kasta oo ka yimaadda ba magaca reerkiisa ayaa lagu xidhidhiinayey. Sidaas darteed kooxda qabiil ama tolwadaagtu waxay ahayd dad is-ilaashada oo magaca isugu hiiliya dhegxumana ka dhawra dhaadashadooda. Sidaas darteed waxaynu odhan karnaa tolwadaagta Soomaalidu waageedii, fal iyo falcelin siyaasadeed oo sugan ba way lahayd(3).

Hadda aynu isla eegno ereyga qabyaalad. Marka hore, maxaa looga jeedaa qabyaalad? Maxaase ay isu yahiin qabiil? Ereygan qabyaalad ku ma jiro soojireenkii dhaqanka Soomaalida. Waxay dadku yaqaanneen qabiil (ka aynu hadda u la baxayno tolwadaag ama abtirsiinwadaag) oo ahaa qaab dhismeedka siyaasadeed ee ay bulshadu u habaysanayd;  ereyga se qabyaaladi ku ma jirin luqadooda. Waxa uu ereygani soo biiray afartannadii iyo kontonnadii qarnigii labaatanaad, waagii uu carrada Soomaalida ka hinqaday halgankii gobannimodoonka Soomaaliyeed, goortaas oo ay qiirada soomaalinnimo aad kor ugu kacday. Amminkaas ilaa haddan aynu joogno, ereyga qabyaalad waxa uu leeyahay dhadhan diqo ah oo ay naftu diiddo, waayo waxa uu yeeshay macne ku liddi ah midnimada ummadeed oo dadka qabaa’il iyo reero u kala googoynaya. Ka dib Madaxbannaanidii qarannimo ee 1960kii, buu ereygu yeeshay duluc ah eexo iyo caddaalad darro. Malaha arrintaasi waa ta keentay in dadka qaar u arko qabiilka iyo qabyaaladda laba aan waxba wadaagin oo aan isu iman karin. Doodda xumaha u celisa qabyaaladda ee ka anfida qabiilka, malaha halkaas bay ka soo jeeddaa.

Inkasta oo ay taasi wax jira tahay, runtu sidaas ma wada aha. Qabiilka abtirsiinwadaagta ah ee Soomaaliyeed waa isahaansho ku arooraya mabda’a iska-soo-horjeedka annaga iyo ayaga; waa hiilaada sookeeyaha ee ku salaysan iska caabbinta shisheeyaha. Eexada ku jirta mabda’a odhanaya tolkaa gar iyo gardarro ba ugu hiili- xaalad kasta iyo meel walba- waxa uu horseedayaa  caddaalad-darro.  Isku-qolada tolliimada wadaagta, dadku dadnimo ugu ma sinna oo isku xuquuq u ma aha. Baaqeedu waa lababa kii ku abtirsiin xiga u eexo. Midda kale, waa wax dabeeci ah in qofku had iyo jeer, taxgeliyo cidda uu ka tirsan yahay ee uu u tirsan yahay, uu na u hoggaansamo ta ay kooxdiisu bulsheed ka rabto; taas owgeed, ciddii tolliimo xigta ayuu qofku weligiiba u dareen nugul yahay. Qabyaaladda dhismaha dawladeed iyo maamulkeeda gashay, meel kale ka ma imannin ee waxaa dhalay dhaqanka eexada iyo hiilada tolliimo, kaas oo ay abtirsiinwadaagta Soomaalidu ku dhisan tahay. Haddii abtirsiinwadaagta reerguuraaga ahi shalay ku loollamaysay geela iyo daaqa iyo ceelka biyaha oo ay isugu hiilinasay, taas uun baa u soo guurtay awoodda xukun dawladeed iyo danaha laga quuddarraynayo. Waxay ku urursan tahay, haddii aan qabiil jirin, qabyaaladi ma jirteen. Ka ma wado in aan dawladdu dulmi iyo caddaalad-darro yeelateen; waxa aan ka wadaa haddii aan qabiil jiri lahayn, musuqa iyo caddaalad-darrada dawladda ka timaaddaa, waxay yeelan lahayd weji kale oo aan qabyaalad ahayn.

Hayeeshee, macnaha eryega qabyaaladi, mar walba, isku si ma ahayn. Waagii gumaysiga shisheeye halganka lagu la jiray waxa uu ereygu ku xidiidhay halkudheggii “qabyaaladdu ha dhacdo” iyo “Soomaalidu ha noolaato”; ma na lahayn duluc ka horjeedda caddaalad-darro iyo qaraabokiil. Ulajeeddadu waagaas, waxa ay ahayd in dadka lagu mideeyo magaca soomaalinnimo, laga na jiro kala qaybinta iyo iskahorkeenka qabaa’ilka iyo reeraha. Ururrada halganka hoggaaminayey waxay si weyn, ugu dedaali jireen ka-wacyigelinta dadka xataa sheegashada magacyada abtirsiinwadaagta. Waxay gaadhay ilaa xad magaca qoloda laga dhawro carrabka oo laga xishoodo. Sidaas darteed, ereyga qabyaaladdu waagaas, waxa uu la mid ahaa qabiilka laftiisa; waxa la diiddan yahayna asaga ayuu ahaa.

Madaxbannaanidii qarannimo iyo dawladnimadii Soomaaliyeed ayuu ka soo kordhay ifafaale qabyaaladeed oo aan ahayn kii lagu hirdamayey daaqa, ceelka iyo hantida xoolaha, gaar ahaan, geela. Wax kale na ma aha ee awooddii xukunka dawladeed iyo maamulkeedii iyo hantidii guud baa ku dhacay loollankii qabiilka. Waxaa ka dhashay qabyaalad ku duran siyaasadda iyo hoggaanka qaranka. Magaca qabyaaladdu markan waxa uu ka imanayaa wejiga tolliimada ee loogu loollamayo jagooyinka hoggaanka qaranka iyo eexada iyo qaraabokiilka maamulka dawladda ku marmay. dhibaatadan, sida aynu kor ku xusnay, waxaa yeedhinaya qiyamta tolliimada ee dhaqankii qabiilada Soomaaliyeed. Waa dhaqankii qabiilka oo qarankii lagu rarayo. Ereyga qabyaalad maanta macnahan buu leeyahay oo waxaa ku ladhan musuq, sharcidarro iyo caddaalad la’aan ka jirta maamulka danaha guud. Waana wax ka imanaya dareenka wada dhalashada tolka laftiisa.  Haddii la helo hal qof qarannimada u daacad ah oo xilka uu u hayo qaranka xeerkiisa mariya, dadka na caddaalad iyo sinnaan ugu adeega, u ma suurogalayso, waayo cadaadin aanu hayn karin baa dhinac walba, kaga imanaysa oo ku riixaysa in uu eexdo.

Aynu hadda u nimaadno qaran iyo waxaa uu noqon karo.  Marka loo noqdo taariikhda bulshada aadanaha waxaa laga helayaa qaabab dawladeed oo aad u kala duwan. Boqortooyin dhaxaltooyo ku dhisan, saldanado awood qof ahaaneed oo aan xad celiya lahayn, kelitalisyo afgembi ku yimid oo xoog hubaysan cid kasta ba ku muquuniya iyo dawladda dimoqraaddiga liberaaliga ah ee casrigan, intuba magaca way wadaagaan. Sida ay u kala wada jaad yahiin, waxaa la moodaa in aan qeexid mid ah loo helaynin; ma se aha sidaas ee wax ay wadaagaan baa jira.

John Locke(1632-1704) baa yidhi, baa la yidhi: awoodda siyaasadeed waa xaqa samaynta sharci qofkii jebiya ku xukuma ilaa dil iyo intii ka hoosaysa ba(4).  Qaran waxa u horreeya ee lagu yaqaan waa awoodda siyaasadeed ee dhexe. Max Weber na waxaa uu ku sifaynayaa hay’ad keligeed xaq u leh in ay xoog iyo gacan kulul adeegsato. Waa quwadda qudha ee la oggol yahay in uu sharci ka soo baxo oo ay ku socodsiiso xoog hubaysan.

Sifaaleyaalkaasi waa laga helaa qaran dawladeed dhammidood; marka se aynu u nimaadno casrigan aynu joogno, waxaynu odhan karnaa: Qaran waa bulsho rayid ah oo leh habdhismeedyo siyaasadeed(political institutions) oo u abaabulan qaab xukun dawladeed oo dhexe. Rukummadeeda saleeyaha ah waxaa u mudan: Dhul leh soohdin sugan oo ay kelideed ka taliso. Waxaa halkan ku jira oo hadalku u dhacayaa, dhul ku hoos-jira haybadda qarankaas oo loo aqoonsan yahay. Waxaa dhaci karta in qayb ama qaybo ka mid ah dhulkaas ay awood kale oo gudahooda ahi ka taliso, ta muhiimka ahi se waa in cid kasta oo ka talisaa ba ka wakiil tahay qaranka, ama ugu yaraan haybaddiisa aqoonsan tahay. Rukun kale waa mabda’a kelida qofeed ee xorta ah oo jiritaan siyaasadeed iyo xilqaad naftiisa ah leh, wadar ahaan na u noqda muwaadiniinta uu dalku ka dhexeeyo.   Waxaa soo raaca xeer, qaanuun ama sharci( waa isla halkiiye) dhulkaasi ka wada hirgala, dadka na qof wal ba iyo ha’yad kasta oo leh shakhsiyad sharciyeed na qabta. Rukun kale na waa hab-maamulka madaniga ah iyo ciidanka hubaysan(boolis) ee u jabsan in uu xoog ku meelmariyo sharciga ka soo baxa hay’adda awoodda qaranka, ciddii ka hortimaadda na xoog ku muquuniya. Waxaa kale oo rukun ah, garsoor habaysan oo sharciga fasira oo ciddii qodabbadiisa isku qabata ku kala saara.

Ereybixinta qaran, marka ay sidaas tahay, waxa ay u dhigantaa oo aannu uga jeednaa, state oo ah ingiriisi ama a-dawlah oo ah carabi. Ereygan dambe, af carabiga qaranna wuu dhigmaa, awoodda fulinta na, isla mar ahaan, wuu tilmaamaa. Dawladdu markan waa xukuumadda mar ba maamulka dalka haysa. Tusaale ahaan, waa ta la yidhaahdo: ‘Dawladdii Hebel’ ayada oo loo jeedo xukuumaddii uu ka madaxda ahaa. Mar kale waa ta la dhaho ‘dawladdii xisbigaas iyo xisbigaas’. Halkan bay ka muuqataa waxa ay labadu ku kala geddisan yahiin oo jiritaanka qaranku waa negi joogto ah, halka dawladdu, marka looga jeedo cidda hawlaha qaranka fulinaysa ama xukuummadda, ay noqonayso wax isbeddeli kara. Hayeeshee hab ahaan, xukuumaddu na dhismaha guud ee qaranka ayey ka mid tahay.

Ujeeddada aynu daba soconaa waa nuxurka xidhiidhka ka dhexeeya habyaalka ama nadaamka tolwadaagta Soomaaliyeed ee reerguuraaga ah iyo qarannimada Soomaalidu, gaar ahaan, Soomaaliland, u hanqaltaagayso.

Bartilmaanteenna hore ee male-awaalka ahi waxay tahay dhismaha dhaqanka abtirsiinwadaagta Soomaalidu wuu burinayaa qarannimada iyo dawladeeda. Si aynu arrintan runteeda uga yoolgaadhno, waxaynu meelo iska tusi doonnaa qiyamta ama qaayosoorrada siyaaasadeed ee bulshadaasi ku dhisanto ee hoggaamiya faldhaqanka dadkeeda, koox iyo kowba. Waxaa xiga oo aynu uga gudbaynaa muujinta sida dhismaha abtirsiinwadaagtu ugu liddiga yahay hannaanka qarannimo hagaagsan iyo dawlad wanaagsan.

Bulsho Dawlad La’aaneed

Dhismaha bulshada abtisiinwadaagta Soomaaliyeed waxaa uu ka kooban yahay qiyam ama qaayosoorro gebi ahaan, burinaya qarannimada aynu kor ku soo tilmaanay. Kuwa u mudan waxaa ka mid ah xoogga iyo dirirta joogtada ah, tolliimada iyo hiilada sokeeye.

Ta u horraysa: bulshadaasi waxa ay ku noolayd xaalad dawlad la’aaneed oo ay nabadgelyadeedu ku xidhan tahay, marka hore, xoogga qofka; marka xiga na xoogga reer tolkii. Waa xaalad si weyn ugu ekoon tii uu Thomas Hobbes(1588- 1679) kaga hadlay buuggiisi caanka noqday ee Leviathan, taas oo  uu ugu magacbixiyey xaaladda dabeecaceed(state of nature). Waa xaalad aanay dawladi jirin oo ay cid wali ba dagaal Joogto ah ku la jirto cid kasta oo kale. Waa xaalad qofku ku nool yahay cabsi uu ka qabo in la qudhgooyo(5). Ulajeeddada Thomas Hobbes iyo digniintiisu waxay ku urursan tahay, meeshii aanay joogin dawlad leh awood ay dadka ku kala waabiso, lamahuraanku waa iska-horimaad iyo dirir ba’an oo dadka ka dhex dhacda.

Thomas Hobbes waagiisii badanka fikireyaashu ma malaynaynin in ay dunida ka jirto, ama soo martay ba bulsho ka madhan qaab dawlad dhexe oo dadka guud ahaan xukunta(6). Dooddiisu na, Hobbes waxay ka ahayd male-awaal ku saabsan dhul aan dawladi ka jirin, sida xaal noqon karo. Waa se la hubaa in dunidii, waagaas ba (qarnigii 17aad) ay ka jireen dadyow aan lahayn hannaan dawladnimo; waxaa na ka mid ahaa qabaa’ilka Soomaalida reerguuraaga ah. Dhulka Soomaalidu degto waagaas waxa ka jiray dawlad magaaleedyadii Muqdisho iyo Saylac iyo boqortooyadii Ajuuraanka; ha yeeshee in badan oo ka mid ah tolwadaagaha Soomaalidu way ka baxsanaayeen xukunkooda.

Maanta, haddii aynu akhrino buugga Leviathan oo markii u horraysay, la daabacay 1651kii, waxaa la moodaa Hobbes in uu ka hadlayo noloshii tolwadaagaha reerguuraaga Soomaalida. Thomas Hobbes fikraddiisu, ayada oo aad u kooban waxay tahay abuurta dabeeciga ah ee aadanahu waa helitaanka waxa ay naftiisu jeceshahay. Meel ay ku eg tahay oo uu nafta damaceedu ku joogsado na ma jirto. Mar kasta wax naftu rabto oo qofka ka maqan baa jira.

Waxaas ay naf waliba rabto oo aan dadka wada gaadhi karin baa, meel aan dawladi ka jirin, la iskaga horimanayaa; waxaa na ka dhalanaya colaad iyo dirir aan dhammaanayn. Waa ta uu ku tilmaamayo dagaal ay cid wali ba ku la jirto cid kasta oo kale (war of all agaist all) (7). 

Markan waxaa qaayo yeelanaya oo wax kasta ka mudan xoogga uu qofku ku heli karo rabitaankiisa. Waa xaalad uu xoogga dagaalku xoolo keeno, la’aantii na lagu waayayo. Waxii uu qofku  haysto, cid aan haysan baa ku soo weeraraysa oo ku dilaysa. Xoog ayuu xoolo ku heli karaa, kuna haysan karaa, kuna a sii biirsan karaa. Xooggu markan waa dad, duunyo iyo hub, magaca dagaalyahan oo u baxa iyo wax kasta oo lagaga habrado(xusuuso magacyada Wiilwaal, Xirsi Ammaan, Mataan Ciideed, Xuseen Xasan, Afxakame, Aadan Galaydh iyo kuwo kale oo badnaa). Waayahan, sida Hobbes ku sifaynayo, xoog-biirsigu ma joogsanayo, illayn nacabkiisu na way  isu urursanayaaye. Sidaas darteed, ku tartanka xooggu, asagu na,  ma laha meel uu isku taagto. Qofkii aan haysannin wax laga hungureeyo, asagu na, ma badbaadayo, waayo faro-madhnaantiisu waa sabab lagaga shakiyo in uu soo weeraro kii wax haysta; shakigaas oo keli ah buu ku dhimanayaa.  Ka xoogga weyn iyo kii uu u baxay magaca dagaalyahan dilaa ah oo aan dhinaciisa dhul la dhigin, ayagu na ma ammaan-qabaan, waayo, dilkooda iyo dhacooda magac iyo maal ba waa lagu doonayaa oo weerarka u badan, baa mar kasta, ku soo maqan. Naafada aan lahayn tamaro dagaal na laga ma cabsi la’a, waayo, gaadmo iyo ciidan kale ba wuu ku adeegan karaa.

Qofka xooggiisu ku ma filna; sidaas darteed, waa la isu xoog badsanayaa oo saaxiibbo, iyo dhoobbi kiraysan iyo addoon la soo qafaashay iyo qaraabo ba waa la isku xoojinayaa.

Marka aynu u fiirsanno, sababta dagaalku, ugu dambanyta, waxay u dhuranaysaa shaki iyo cabsi la kala qabo. Taas darteed cid waliba waxa ay ku tashanaysaa in ay ayadu nabarka ku hormarto. Waxay u arkaysaa in difaaceedu ku jiro weerarkeeda. Hobbes wuu qirayaa in aanu dagaalku ahayn mid goor wal ba oogan ee ay jirto gooro la dhiillo la’yahay. Waxaa se mar kasta lagu jiraa cabsida weerar goor kasta ba iman kara. Waxa lagu jiraa oo aan laga gudbaynin xaalad, mar walba, dirir loo toog hayo. Sida uu Hobbes, marka dambe u dhigayo, dagaalku wuu ka tegayaa hungurigii xoolaha oo wuxuu noqonayaa isdifaac.  ‘Inta aanu kugu dhufan adigu nabarka kaga horree’.  Hobbes waxa uu u arkaa in wacaalaha dawladnimo ka dhalatay tahay dhibaatadaas iyo sidii looga raysan lahaa.  Dawladdu waa xooggii dadka qof-qof ugu filqanayaa oo la isugu geeyey awood dhexe oo ay cid waliba hoos timaaddo.

Aynu hadda isweydiinno ilaa heerka taas looga meel-dayi karo dhismaha tolwadaagta reerguuraaga Soomaaliyeed. Ma la odhan karaa xaaladdan Thomas Hobbes uu qarnigii 17aad, mala-awaalay, waa ta ay abtirsiinwadaagta xooloraacatada Soomaalidu ku sugnayd waagaas, ilaa maanta na aanay ka dhammaannin?

Qabiilada tolwadaagta raacatada Soomaaliyeed, marka aynu hadda hoos ugu fiirsanno, waxaynu ku arki wax badan oo Thomas Hobbes kaga warramay Xaaladda dabeecadeed(State of Nature). Waxaa ka mid ah adeegsiga xoogga mutuxan ee lagu kala sedqaado. Xoolaha oo uu geelu u mudan yahay xoog dagaal baa lagu soo xerogashanayey oo lagu haysan karay. Dhismaha bulsheed iyo siyaasadeed ee kooxda isku qolada ah, dhaca iyo dhacsiga geelu rukun adag buu ka ahaa. Dirirtu haddii aan maanta lagu jirin, filashadeedu mid ammin kasta ba taagan bay ahayd. Waxay yidhaahdeen: “Nabadi wax ku ma yeeshee colaad u toog hay”.   Si-aragga bulsheed ee dhaqanka raacada Soomaaliyeed waxaa ka mid ah in qofku, si gaar ahaaneed na ninku, xoog iyo gacan kulul ku qaado waxii uu ku qaadi karo, waxiisa na ku dhacsado. Waxaa kale oo ka mid ah inuu naftiisa, maalkiisa iyo milgihiisa ba gacantiisa ku difaaco, dirir na u feejignaado. Waxay ku maahmaaheen: “ dagaal gondahaag’uu ka dhashaa”. Waxay ina tusaysaa sida fudud ee dagaalku uga dhex dhacayey dadkaas. Waxa u yar ee la isku qabto, dhif bay ahayd, dagaal hortii, in geedka garteeda la tagaa. Nabarka kulul baa marka hore la bilkeedayey. Sida ay rumaysnaayeen, marka waranka la dhiigeeyo ayaa la isdhegesanayey. Waa halkii ay ka yidhaahdeen: “nin aan warankaagu gelin weedhaadu ma gasho”. khasaarahiisa ayaa geedka garta la keenayey.  Noloshii bulshadaasi iyada oo kooban waxay ahayd colaad u joog.  Waa halka ay ka yidhaahdeen: “Lugna dirir ugu joog lugna nabad” ‘baqe’ na waa la yidhaaye.

Dhaqanka raacatada, Soomaaligu marka uu gardarro tirsado, ceeb buu u yaqaan in cid kale loo ashtakoodo. Haddii ashtako la la soo qaado, Soomaaligu inta uu isdhufto ayuu yidhaa: “ oo miyaan ka baqanayaa”?! Alle ha u naxariisto ee Axmed Sheekh Jaamac, diiwaankiisa maanseed ee Cadlidoonaha Daal Allaa Baday, tixda 15aad, ayaa shakhsiyadda raacatada soomaaliyeed, si qayaxan oo qurxoon u soo bandhigaysa(8).

Habka dhismaha abtirsiinwadaagta reerguuraaga Soomaalida, xaqu waa inta xooggu kuu gooyo. Darajada aad bulshada ku yeelan kartaa na waa xooggaaga.  Sidaas oo kale, haybadda ay koox Reer Hebel la yidhaahdaa leedahay, waxay ku xidhan tahay xoogggeeda dagaal. Qofka waxaa lagu taxgeliyo ee lagaga dhawrsado, geeliisu dhulka daaqo, iyo waxa lagu la xidido ee lagu xurmeeyaa waxay ahayd xoogga iyo biliga qolodiisu ku dhex-leedahay qolyaha kale. Dadka Soomaalida ah ee hayb ahaan loo takooro, meel kale laga ma raacin ee waa loo xoog sheegtay. Waa loo moorduugay oo qudhaa laga muquushay. Inta dhaqashadii xoolaad laga xarrimay, ayaa xirfad kasta oo kale na lagu takooray. Waxay yidhaahdeen: “ama buur ahaw ama buur ku tiirsanow’. Gobonnimo xoogga ayey saarrayd. Xoog la’aantii waa lagu gumoobayey.

Waa run oo bulshadaasi xoog, dagaal iyo hiilo tolliimo oo keli ah ma ahayn ee qiyam anshax dadnimo oo guud na, intaa ka badan bay lahayd. Sidiisa na ereyga qiyamta waxaannu halkan uga jeednaa waxyaalaha dadku qaayo siiyo ee hanka iyo hiyiga dadku tiigsado dhammaantood. Waxaa ka mid ah, tusaale ahaan, deeqsinnimada, dulqaadka, geesinnimada  iyo dagaalyahannimada oo ayadu bushada aynu ka hadlayno meel lafdhabar kaga jirtay. Waxaa se bulshadan agteeda kow ahaa oo aannu, si gaar ah, u eegaynaa qiyamta  nabadda iyo dagaalka, xoogga iyo adeegsigiisa, tolka ama tolliimada iyo hiilada sokeeyaha.

Ta se la isweydiin karaa waxay tahay, guud ahaan ba, bulshada  dawlad la’aaneed miyaanay dadkeedu lahayn xeerar dawraac iyo anshax ama akhlaaq dadnimo ah oo waabiya xoogga mutuxan. Isla su’aashani  waxay ka hortimid Thomas Hobbes.  Waxa uu na ku warcelieyey xaaladda dabeecadeed(state of nature) ma jiraan xeerar anshaxeed(moral rules); waayo ma jirto awood dadka u dhex ah oo dejisa xeer, dadka na  ku kala saartaa. Qofku xooggiisa ayuu u irkanayaa oo uu ku dedaalayaa in uu tiisa ku gaadho ku na difaaco. Mar haddii aan cidi na cid kale ku kalsoonayn oo cabsi la kala wada qabo, aanayna jirin quwad kale oo ay cidi na nabadgelyadeedaa ku hallaysaa, waxaa uu qofku dan moodi karaa in uu weerar ku qaado ciddii uu cabsi ka qabo, si uu isu difaaco. Waxa uu Hobbes leeyahay haddii anshaxu yahay xeer damiirka dadka ka yimaadda oo ku salaysan kala saaridda daw iyo dawdarro, caddaalad iyo caddaal la’aan iyo xaq iyo baadil, xaaladda dabeecadeed , qofku daw iyo jid buu u leeyahy in uu isdifaaco; meesha uu weerar kaga iman karo na asaga ayuun baa og oo garan kara. Sida ugu habboon ee uu isu difaacayo asaga ayaa qiyaasi kara, waxay na noqon kartaa in uu weerarka ku hormaro. Hobbes waxa uu u arkaa xaaladdan xaqa jiraa waa xaqa isdifaaca oo keli ah; waana daw taasi.  Waxa uu xaqaas uga magac-dhigayaa xaq dabeeciga ee xorriyadda (Natural Right of liberty)(9)

Maxaynu hadda ka nidhaa dhaqankii lagu yaqiin abtirsiinwadaata Soomaaliyeed? Jawaabta dad badani, meel dhow ka soo qabanayaa waa xeerarkii qolyaha Soomaalidu, gaar ahaan, jilibbada iyo jibsinaha wadaaga daaqa iyo ceelku, ku wada dhaqmi jireen, taladii odayaasha iyo gartii geedka iyo weliba qiyamtii birimageydada ee dibuheshiisiinta fududaynayey. Tu inta ba ka sii mudani waa hiyiga nabadda raba ee dadka ku jira. Waxaa run ah in nabadda la jecel yahay, sidaas darteed na ay qiyamta bulshadaas ka mid ahayd. Waxaa ka marag ah dhaxalka suugaanta Soomaaliyeed, tix iyo tiraabba.  Hayeeshee geesta kale na waa run oo colaaddu na, sidii aynu hore u faahfaahinnay, rukun adag bay ka ahayd jiritaanka bulsheed iyo siyaasadeed ee tolwadaagta xoolojiratada soomaaliyeed. Waxa aad ku garataa barbaarinta carruurta, siiba wiilka; dhallaannimadiisa ayaa dagaalyahannimo lagu barbaarin jiray; halka uu nabad-talinta waayeelnimo ku baran jiray.

Colaadda iyo nabaddu laba qaayo-soor oo isa sudhan bay ahaayeen. Qolo walba xooggeeda ayey nabadgelyadeedu ku xidhnayd, waayo waa lagu tixgelinayey. Xooggu, ka sokow tirada gaashaanqaadka, xoolaha iyo magaca dagaalyahannimada na wuu ahaa. Waxaad ku garataa qolyahu ka ma sheekeeyaan badi ba, dhacadada nabadda; waxay se ay, had iyo jeer, hadalhayaan dhacdooyinka dagaalka iyo faanka libintooda.  Haddii laba qolo oo aan dagaal isku barani dhul ku kulmaan, dagaalkoodu wax yar buu ka kaci jiray; waayo labada dhinac quudhsi bay ku kala shakiyayeen oo dagaalkooda dedejinayey. Qadhaadhka ayaa marka hore la istusayey. Marka dirirta la isku barto, ayey nabaddu imanaysay. “Nin aan warankagu gelin” bay ahayd “weedhaadu ma gasho”. Waxaynu odhan karnaa colaaddu, qiime ahaan, mar kasta ta nool bay ahayd; xataa marka aanu dagaal soconnin, filashadiisaa dhawayd oo loo feejignaa.  Gees kale na dagaalka ayaa nabadda lagu keenayey oo jid u ahaa. Isu dhiganka xoogga dagaalka ayaa la isku taxgelinayey. Sida aynu kor ku xusnay, qoladii “aan buur ahayn, buur na ku tiirsanayn” bar lagu ma reebaynin. Waxay ku urursan tahay, qaayaha xoogga iyo dagaalka ayaa sal iyo seesba u ahaa nabadda oo ay ku saldhigaysay. Waayo, qolodii aan dirirtooda lagu taxgelinaynin, nabad la la ma qaadanaynin.

Qaayo-soor kasta waxaa ku ladhan majeerasho iyo lagaaddo, sharaf iyo ceeb. Bulshadan dagaalka ayaa ammaanta lahaa, xaalado badan nabad-qaadashada hore, waxaa looga carari jiray yaan, lagu odhan waa fule. Dagaalka, canaan mooyee, ceebi ninna ku ma raacaynin.

Waxaa kale oo qoloda abtirsiinwadaagtu, si door ah, u qaayosoortaa tolka iyo tolliimada. Ayada lafteedu na waxay ku sal leedahay xoogbiirisga iyo dirirujoogga la yahay. Waayo nabadgelyadiisu qofka, naf iyo maalba, tolkiisa ayey ku tiirsanayd. Gees kale na tolku waa isahaanshaha qofka. Waa bulshada uu ka tirsan yahay ee u tirsan yahay. Dhaqanka abtirsiinwadaagta Soomaaliyeed qofku ma laha jiritaan kelidii ah oo ka baxsan reer tolkiis. Asaga iyo qoladiisu ama tolkii waa isku mid.

Qaayosoorka tolliimadu waxay ka soo jeeddaa oo jirrid u ah abtirsiinta iyo mabda’a wada dhalashada ee xoojinaya isu-ahaanshaha iyo isku xidhnaanta tolka. Wada dhalashadu waxay u adeegaysaa adkaynta xidhiidhka tolliimada oo ayadu na xoojinaysa qiimaha hiilada tolliimo. Hannaankan qaayosooreed na, sidaas darteed, waxa uu ku biyoshubayaa tamargelinta xoogga cududda dagaalka ee tolwadaagta. Waa qiyam xidhiidhsan oo mid ba ka kale u jiidmayo. Halkaas ayey ka imanaysaa kaalinta hiilada tolliimo ee ku fadhida mabda’ “sokeeyahaa gar iyo gardarroba u hiili”. Marmarka ay dhacdo in ninku arrin ku diido tolkii,  ujeeddadiisu waa u hiilinta tolka ee ma aha ka hiilin, waayo arrinta ayaa ah tu ay tolkii dhibaato, gaar ahaan, magac xumo, uga imanayso.

Waa run oo  bulshadan ku dhisan abtirsiinta, tollimaadu way guurguuraysaa oo waxay sii kala noqonaysaa jilibbo, jibsino iyo wax ka sii yar.  Sidaas darteed, ma la oran karaa tolliimadu meel sugan ma fadhido oo qaayosoorkeedu ma sal adka?  Haddii aynu se hoos u sii dhuganno, taasi waxa ay ka marag kacaysaa qaayoha xidhiidhka tolliimada. Marka hore, waxa guurguuraya ee hoos u sii furfurmayaa  waa hiilada.  Tolliinamadu mar ba waa heerkii loollanku ka taagan yahay. Hiilada  ayaa tegaysaa in kii shalay la isu hiishanayey maanta la nacabsado. Qaayaha tolliimadu mar kasta waa joogto, waayo qofku heer wal ba, tol buu dugsanayaa. Mar ba heerka loollanku ka socdo ayey ku xidhan tahay. Waa bulsho hilowgeeda iyo hiiladeedu aanay meel qudh ah ku sugnayn. Sokeeyaha maanta ayaa berri shisheeye ah. Laba qolo oo hadda colaadi ka dhex oogan tahay, ayaa qolo abtirsiinta ka fogi soo durrayn jirtay; markaas ayey labadii dirirtu ka dhex oognayd dhinac ka safan jireen. Shisheeyihii haddeer nacabka ahaa baa tol noqon jiray. Tolliimadu runtii waxay ahayd waxa u weyn ee dareenka qofka kiciya ee falkiisa dhaqaajiya.

 

Dhinac kale, marka loo fiirsado qofku sida uu ugu dhego nuglaa qaylodhaanta iyo tiratirada reer tolkii, waxa la moodaa in tolku leeyahay midnimo adag oo gudahiisa ah. Mase aha sidaas. Mid ahaansha qolada abtirsiinta wadaagtaa waxay ku xiran tahay nacab shisheeye ah oo ay iska eegayso. Bal jiritaankeedu taas ayuu ku dhisan yahay. Nacabkaas mar na la ma waayo. Sidaas darteed, Haddii ay dhacdo xaalad aanu jirin cadow la iska eegayo iyo cid werwer ku haysaa, shakiga ayaa markaa ba dhexdeeda yimaadda; markaas ayey hoos isu nacabsataa. Waa ta keenaysay dagaallada jilibbada isku qolada ah ka dhex dhaci jiray (10)).

 

Waxaa dadka qaar ku doodaan bulshada tolwadaagta xooladhaqatada reerguuraaga ahi waxay lahayd xeer iyo habdhismeed (institution) ay dhibaatooyinkeeda ku xalliso oo nabadda ku ilaaliso. Waa run oo qabiilku, abtirsiin keli ah ma ahayn ee isla markii, xeer baa u yeelayey midnimadeeda syaasadeed. Hase ahaatee, xeer ama qaanuun, sharci iyo shareeco ba, waxa ay leeyihiin ulajeeddo ama himilo iyo abbaar dad isku og yahay iyo cid cayiman oo uu u mayal qabata. Xubnaha xeerka tolwadaagaha aynu ka hadlaynaa waa jilibbada ama  jibsinaha ku heshiiya ee ku wada dhaqma. Waxa uu xeerkaasi qabtaa waa kooxda ee ma aha qofka. Tusaale ahaan, haddii qolo nin laga dilo ama la dhaawaco, Reer Hebel baa, wadar ahaan, dembiga u qaba, waxaa na dembigaas laga galay reerka kale, wadar ahaan. Xubinta uu xeerku abbaarayaa waa qolada dhammaanteed. Masuuliyaddu, na mar walba, waa tu wadareed.  Geesteeda kale na xaqa uu xeerku ilaalinayo waxa leh wadarta Reer Hebel.  Magta la wada bixiyo ee la wada qaataa taas ayey ka tarjumaysaa. Ulajeeddada u mudan ee xeerka laba qolo wada galaan wuxuu ahaa xoojinta tolliimadooda iyo nacabka ay iska gaashaanbuursanayaan. Xoogbiirsigii aynu meel kale kaga soo warbixinnay buu xeerku u dhacayaa.

 

Waxa ay yidhaahdaan nabad-diidka, reer tolkii baa qaban jiray oo geed ku xidhi jiray. Waa ta ay u dhacayso maahmaahada tidhaa: “nin waalan tolkii baa u miyirqaba” . Ha yeeshee waa ayo reertolkaasi? Reerku mar kasta waxa uu u sii qaybsan yahay jilib, laf, jibsin iyo jifo. Mar walba kuwii asaga sii abtirsiin xigaa ayaa la safanaya(qaayosoorkii hiilada). Marka ay dani run sheegto ee cududo isku jabaan, ee dagaal la iska soo taago, ayaa nabad-diidka, kuwa cid u sii xigaa xidhi jireen. Inta badan se nabaddoonka waxaa ka awood badnaa ka nabad-diidka ah ee colaadda raba. Xeerarka la sheegayaa waxa xoog u ahaa hiilada tolka gudahiisa. Marka se ay nabadda tahay aad bay xeerarkaasi u tamar yaraayeen. Marka dhiillo timaaddo falcelinta aargoosiga ayaa ka dheerayn jiray codka nabadda.

 

Dawladda dawlad la’aaneed

Habdhismeedka tolwadaagta Soomaaliyeed iyo qarannimo waa laba isdiiddan oo isburinaya, isuma na adeegi karaan, bal mikood ba ka kale wuu tirayaa. Waxaa taas keenaya unugyada uu mid ba ka abuuran yahay iyo ujeeddadiisa ayaa is ku lid ah. Qarannimo dhab ah iyo maamul dawladeed oo hagaagsani, marka hore qabyaaladda ayuu tirayaa. Waqti dheer ka dib na, horumarka ka dhasha taasi qabiilka lafiisa ayuu socotada taariikhda ka saarayaa.

Waxa jira dad masaladan dambe ka dooda oo yidhaa qabiilka Alle (swt) ayaa jiritaankiisa ku xusay kitaabka Quraanka ah (11). Sidaas darteed la ma diidi karo. Arrintu se ma aha oggolaansho iyo diidmo ee waxaa weeye waxa ay qarannimada maanta isu yihiin iyo halka uu berri ku dambayn doono. Ta se halkan xusuusta mudani waxa ay tahay qabaa’il iyo shucuubi ba waa qaab taariikheed aadanahu soo maro, isbeddela oo heerar kale looga gudbo. Waxaa u tusaale ah qabaa’ilkii carabta ee jiray xilligii Rasuulka (csws) ee Alle quraanka soo dejiyey, sida Quraysh, Aws iyo Khasraj, muddo ka dib way tirmeen oo horumarkii xadaarada Islaamka ayaa meesha ka saaray. Qiyamta xadaarada Islaamka ayaa dadka, si kale, isugu xidhay oo lagu illoobay casabiyaddii qabiilada.

 

Isweydiintu waa sida ay isu burinayaan.  Ta u horraysa, qaran waa dhul noqda dal magac leh (dal waa haltusmeed siyaasadeed oo tilmaamaya lahaaga qaranka ka jira dhul gaar ah). Waxa dal ka dhigaana waa wada lahaanshaha uu kaga dhexeeyo dadka ku nool oo aan ugu kala soocmin qabaa’il iyo reero, bal uu qof waliba ka yahay muwaadinn ku noolaan kara meeshii uu doono, xuquuqdiisa na ku heli kara. Ta labaadna waa dawlad dalkaas, sida uu u dhan yahay, ka talisa oo xukunkeedu ka wada fulo. Labadaas ba habka tolwadaagtu wuu burinayaa, sida qarannimadu na, haddii ay dhabowdo, u burinayso qiyamta ay tolwadaagtu ka dhisan tahay. Qarannimadu waxay ku hirgashaa sharci( Sharci, shareeco iyo qaanuun, waxaynu uga dan leenahay waa ku dhaqanka iyo fulinta xukunkooda loo siman oo keli ah).  Kooxda ay isku xidho tolliimadu ma taqaan xeer iyo sharci dadka qof walba qabta. Xeerkeedu wadarta mid ahaaneed ee tolka ayuu ilaaliyaa. Marka uu xeerkaasi soo galo xidhiidhka bulshada qarannimo, waxa uu u hiiliyaa qofka dembiga qaba, kooxda tolliimo na dembiqabahaas bay u hiilinaysaa. Waxayna taasi keenaysaa sharciyadii ay dawladdu ku dhisnayd oo burburta. Waayo xeerka qabiilo waxa uu hirgelinayaa hiiladda tolliimo, sidaas darteed na sharicga dawladeed waa uu jebinayaa.  Tusaale ahaan, si-aragga “sokeeyahaa, gar iyo gardarro ba u hiili”, sharciga sinnaanta qaranku ku dhisan yahay way burinaysaa.   Jago aanu qofku shuruuddeedii sharciyeed ku mutaysanin baa loogu dagaallamayaa; hanti qaran iyo tu gaar buu lunsanayaa; dil, dhac iyo dhaawac ba wuu geysnayaa oo hiilo tolliimo ayaa loogu gurmanayaa; laba reer bay noqonaysaa oo sharcigii qaranka waa la baal marayaa.

 

Xataa xeerka anshaxa dadnimada wacani ma saameeyo oo nin Reer Hebel ah ceebi ma qabato. Soojireenkii dhaqankeeda ayaa hore u yidhi: “Dhudiyeey nin dhalasho huwani dharka muxuu ku falayaa.” Si joogto ah waxaynu maqalnaa hanti la lunsaday, damiirka dadku na ka ma damqado; la ma yidhaa waa tuugo; magac xumo na cid ka ma raacdo. Haddii midkood la dhigo xabsiga, markii ba caaqil iyo suldaan baa ka daba tegaya, ka dib na reer abaabulan baa madaxda dawladda ku cadaadinaya in la sii daayo. Dawlad markeeda hore ba, lagu dhisay qaybaalad siyaasadeed, cadaadintaas way u debcaysaa.  Sharci qaran, qabyaalad hoosteeda ka ma socon karo.  Dhagaraha u daran kuwii galay ayaanu boolisku hayn karin. Waxaa meesha imanayaa waa muuqaal dawladeed iyo dhaqankii dawlad la’aaneed oo is-huwan.  Waa dawlad dawlad la’aaneed.

 

Maanta dhaqdhaqaaaqa nolosha siyaasadeed ka aloosani waa loollankii abtirsiinwadaagta Soomaalida oo kala ridanaya jagayooyinka hoggaanka iyo maamulka dawladeed. Waxaa yeedhinaya wacyigii xoog-biirsiga ee ka dhashay hirdanka tolwadaagaha Soomaalida. Ururrada iyo xisbiyadu waa habarwacasho qabiil oo la isugu hiilinayo qabsashada madaxnimada sare ee qaranka.

 

Waxaa kale oo ay ku sal leedahay isla shakigii iyo istuhunkii joogtada ahaa ee reeraha dhexyaallay. Awoodda mansabku ma aha tu qaranku leeyahay oo dadka u dhex ah ee waxa leh mar ba qolada loogu abtiriyo ninka meesha ku magacaaban. Tolliimo ayaa codka lagu helaa oo lagu waayaa.  Taas darteed, dhaqdhaqaaqa siyaasaddu waxa uu bulshada ku abuuraa kala-jab iyo isnac, halkii uu ku midayn lahaa han iyo himilo horumar ummadeed lagu gaadho. Wixii hebel waayo, Reer Hebel baa waayey; waxii la yeelo na Reer Hebel baa la yeelay. Qofku codkiisa ma laha, waayo, Reer hebel buu u codaynayaa oo mar kasta codkiisu u tirsan yahay. Xooggii qabiilka ayaa tirsan oo lagu noqon karaa madaxweyne, wasiir iyo martabo kasta, lagu na waayayaa. Tii ahayd “ama buur ahaw ama buur ku tiirsanow” ayaa dhiskii qarannimo adeejisay; ka dib na qof muwaadin ah baa ku xukuman in aanu weligii dalka madax ka noqonnin, qoloda loogu abtirinayo darteed. Wax kasta oo dastoor ku qoran iyo wax afka laga sheego ba, waxaa beenisay runta lagu dhaqmayo. Muwaaddin xor oo codkiisa meeshii uu doono geyn karaa ma jiro. Sababtu na waa jiritaankiisa ba magac qabiil baa la wareegay. Heerka la awood siiyey dhaqanka qabiilka, way adag tahay in qof na shaqo toos uga helo dawladda, iyada oo aanu wadan oday reerka ahi.

 

Maxaa la yeelaa?

Ugu dambayn, maxaa la yeelaa? Marka hore, hawraarteenna horyaalka ahi waxay tahay qabiilka abtirsiinwadaagta ah iyo qabiil kastaa ba, ma aha lagama-gudbaan weligii ba jiraya ee waa qaab bulsheed dambeeya oo laga tagayo. Waxaa taas ka marag ah dadyowga dunida ee soo maray ee ka koray, isu na rogay ummado qaran ah.

Waxaa ku laba ah: qaran dhab ahi ku ma dhismi karo ku ma na socon karo weligii unugyada abtirsiinta qabiilo iyo qiyamteeda hiilada tolliimo; waayo waxay qiyamtaasi horseedayaan eexo iyo caddaalad-darro aakhirka na bulshadu way ku burburaysaa.Qarannimo runtii ka ma unkanto qabaa’il iyo reero ee waxay ka unkantaa markaa hore muwaadiniin iyo kooxo bulsheed ay dano xalaal ahi isku xidhaan, isku na raaca oo ku wada dhaqma qiyamta sinnaanta, caddaaladda iyo iskaashi walaalatinnimo.Waxay ku dhisantaa xurmaynta dadnimada guud. Halka qabiilku kaga dhisan yahay tolliimada iyo kan baa i abtirsiin xiga.

Tu saddexaad na aynu isla garanno ee qabiilku, marka uu yahay xusuusta magaca iyo abtirsiinta la wada sheeganayo, ma aha wax dhaqso u baxaya ama loo tirtiri karo. Mushkiladda se wax laga qaban karaa waa waxa la yidhaa qabyaaladda siyaasadeed, taas oo ka bilaabanta jidka saamiqaybsiga loo raacayo dhiska dawladeed ku na biyoshubta eexada, musuqa iyo caddaalad darrada maamulka dawladeed.

Hoggaanka hiilo qabiil ku yimid, ayada ayuu u hoggaansan yahay, dadka na u ma sinnaan karo, qaran na ma dhisi karo. Weel ba wixii lagu shubto ayuun baa ku jira oo laga la soo baxayaa; wax kale na laga ma fili karo. Ninkii qabiil soo doortay, qaran wax ba isu ma aha. Siyaasiga Reer Hebel iyo suldaanka iyo caaqilku, magaca uun baa u kala duwan. Giddi ba reer bay taxgelinayaan; asaga ayey cuskan yahiin oo ay u nugul yahiin. Xuquuqda qofka muwaadinka- muwaadin kasta- iyo horumarka noloshu na ma damaqdo, waayo waa dhinac aan laga ga imannin oo aan dab kaga shidnayn.

Qabyaaladda siyaasadeed jid looga leexan karo ayaa jira. Waa noolaynta iyo tamargelinta wacyiga bulshada rayidka ah, dhiirrigelinta iyo xoojinta ururrada bulshadaas, kuwaas oo weelayn kara danaha qaybaha dadweynaha guud ahaan.

Lagama-maarmaanku, mar wal ba, waa hoggaan siyaasadeed oo leh han iyo hirasho qarannimo oo ku urursan mabda’ iyo ulajeeddooyin, ku na xidhma muwaadinka iyo kooxaha bulshada rayidka ah ee uu ku abtirsanayo.  Runtii bulshadaas ayada ah, ayaa shaldhig u noqon karta hoggaan qaran; halkaas ayeyna ka iman kartaa taageerada xisbiyo qaran oo dhab ahi.  Dadku qabaa’il iyo reero abtirsiin wadaaga oo keli ah ma aha ee qaabdhismeedyo bulsheed na way leeyihiin, in kasta oo wacyigeedii ka maqan yahay. Waxa ay leeyihiin qaybaha xoolodhaqatada, beeralayda, ganacstada kala duwan, shaqaalaha muruqooda maala iyo kooxaha xirfadaha kala duwan leh iyo intii dano bulsheed oo gaar ahi ka dhaxayso ee kale.  Baahidu waa hoggaan xisbiyeedyo dadka wejigaas u la xidhidhiidha oo aan ugu tegin magacyo abtirsiin qabiilo.

Ma la heli karaa hoggaankaas iyo sidee? Waxay i la tahay hoggaan ka kormara isir-raaca qabyaaladeed oo dadka magaca ummadeed ku wada matalaa waa lamahuraan. Haddii la waayo, qarannimo Soomaaliland iyo Soomaali kale, meella ka ma saldhigi doonta oo xididdo adag ma yeelan doonto. Way dumi oo qabyadeeda ayaa la daba ordi doonaa; ama magaca qaran Soomaaliyeed ba waa la waayi oo dhulka Soomaalidu degto ba dadyow kale ayaa qabsan doona.

Ma la heli karaa aqoonyahan iyo waxgarad bulsheed( ma odhanayo “hoggaan dhaqameede”) rumaysan qaayosoorrada qarannimo, sida dalka iyo muwaaddinka xorta ah, sharciga  iyo caddaaladda loo siman yahay, xaqa jiritaanka iyo xorriyadda kelida qofeed, codka doorashada xorta ah ee xalaasha  ah? Aqoonyahanno intaas ku darsaday sarriigasho iyo anshax wacan oo ummadda run ku la dhaqma, ayey qarannimo sugaysaa.

 

Waxay ku urursan tahay  qabyaaladda waxaa lagaga guulaysan karo oo lagaga raysan karaa maamul dawladeed oo wanaagsan; kaas na waxaa u shardi ah in uu dadkiisa u la xidhiidho muwaadiniin ahaantooda iyo isahaantooda kooxo bulsheed. Siyaasiga qummani waa ka aan caaqil iyo suldaan u dabafadhiisannin taageerada uu dadkiisa ka rabo.

Ta mudnaanta hore lehi ma aha qabiilka; bal waa sidii loo tirtiri lahaa qabyaaladda. Waayo qabiilku waqti dheer buu sii jiitami oo xusuusta abtirsiinta ayaa weel u ah oo haynaysa; ugu dambayta se waa uu suuli doonaa. Waxaa u riiq dheereeyey waa dibu dhaca dhaqan iyo dhaqaale, iyo siyaaasadda qabyaaladeed.  Labadaas oo laga guulaysto iyo isbeddel horumar dhaqaale iyo bulsheed oo dhinac walba saameeya ayaa xididdada u siibi doona. Hoggaan qaran(ma aha hoggaan qabiil) oo hankeeda iyo himiladeeda leh bay u baahan tahay.  Sidaa darteed, lagam-maarmaanku, marka hore, waa in qabiilka laga saaro oo laga fogeeyo qarannimada. Marka labaadna, waa dhaqdhaqaaqa nolosha siyaasadeed, maamulka iyo garsoorka qaranka oo laga xoreeyo eexada qabyaaladeed iyo caddaalad-darrada ay dabada ku wadato. Haddii taas rabitaankeeda la inaga helo, qabyaaladda waa laga guulaysan doonaa. Haddii la waayose burbur keli ah ka eeg.

 

Rashiid Sheekh Cabdillaahi ”Gadhweyne”

Email: inacabdillaahi@yahoo.com

Qoraha kala xidhiidh barta FACEBOOK

BOOQO BARTA RASHIID GADHWEYNE

 

Raadraac

(1)   I.M. Lewis, A Pastoral Democracy, The African International Institute, 1961, 1982, b. 2.

(2)    Ibid, b 3.

(3)   Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed, Adduun iyo Taladii, PONTE INVISIBLE, REDSEA-ONLINE, 2010, B130-131.

(4)   JONATHAN WOLFF, AN INTRODUCTION TO POLITICAL PHILOSOPHY, OXFORD UNIVERSITY PRESS, 2006, B 7.

(5)   ibid, b 8.

(6)   ibid, 7.

(7)   ibid, 10.

(8)   AXMED Sheekh Jaamac, CADLIDOONAHA DAAL ALLAA BADAY, PONTE INVISIBLE, REDSEAONLINE, 2013, B 49.

(9)   JONATHAN WOLFF, ibid b13.

(10)           Rashiid Sheekh Cabdillaahi, tif, Suugaanta Nabadda iyo Colaadda, 2009, PROGRESSIO & PONTE, b 51, 54.

(11)           ALQURAAN, SUURATULXUJURAAT, Aayadda 13aad.