Wasiir Cukuse Oo sheegay In Wali Madaxweynuhu Musharax Yahay Ogol Yahayna In  Muwaadin Kasta oo Kulmiye Ahi Tartamo

 

Hargeysa(SLpost) – Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Cukuse, ayaa carrabka ku adkeeyay in ilaa hadda musharaxa Kulmiye yahay Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu ku baaqay in qabanqaabada shirkaasi laga daayo qabyaaladda iyo dadka look ala fadhiisinayo Ardaayada.

 

Waxa uu sidoo kale sheegay in madaxweyne Siilaanyo ogol yahay in lagu tartamo shirka golaha dhexe ee Kulmiye, islamarkaana cid kastaa ku tartami doonto shirka golaha dhexe, sida waafaqsan xeerka xisbigaasi.

 

“Madaxweyne ayaynu leenahay, inta aynu ognahayna musharaxeenu waa isaga. Musharaxeenu waa madaxweynaheena Axmed Maxamed Siilaanyo. Maadaama madaxweyne Siilaanyo tiir adag u ahaa dimuqraadiyadda dalka ka dhaqan galaysa, madaxweynuhu wuu ogol yahay in shirka golaha dhexe ee la imanayo lagu tartamo oo muwaadin kasta oo xisbiga ka mid ahi ku tartamo halka hankiisu gaadhsiisan yahay,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

 

Wasiir Cukuse waxa uu ka digay inaan shirka golaha dhexe la qabyaaladayn “ Waa inaan loo fahmin shaqo qof doonanayo, waa inaan loo fahmin xil qabiil helayo ama qabiil ku faa’iidayo ama qabiil ku khasaarayo, sidaas maaha, waa xil aynu wada leenahay, waa xil qarankuk wada leeyahay. Waa xil la doonayo in umadda oo dhammi wada dareento inay wada leeyihiin, waana masuuliyad culus, Illaahayna ha inagu asturo shirkaas golaha dhexe,” ayuu yidhi Wasiirku.

 

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray “Waxaynu u baahannahay inaynu nabad galyada ilaashanno, waxaynu u baahannahay inaynu isku duubnida ilaashanno, waxaynu u baahannahay inaynu dimuqraadiyadda ilaashanno, waxaynu u baahannahay inaynu midnimada ilaashanno oo qabyaaladda iyo ardaayada dadka loo kala fadhiisinayo aynu ka dayno.”

 

Tartanka musharaxiin badan oo u taagan jagada Musharaxa madaxweyne ee Kulmiye, jagada guddoomiyaha xisbiga, jagada musharaxa madaxweyne xigeenka iyo jagada guddoomiyaha golaha dhexe ayaa laga dareemayaa Somaliland, iyadoo laga dhursugayo talaabada Madaxweyne Siilaanyo kaga tanaasulayo musharaxnimadiisa.