Wixii Qalin Sixi Karaa Uma Baahana  Qori!

 

Nabadda iyo degenaanshaha ka jira Somaliland ee ay horseedka u tahay magaaladda Boorama waa mid yididiilo ku beerta bulshada caalamka, Somaliland qarannimadedana u ah faan iyo tookh caalmka aynu ku tusno mid ahaanta gobollada dalka guud ahaan. Waxa lamahuraana in nabadgelyada , waddajirka,  walaalnimada, wanaag iyo waxwada qabsi lagu sabaaleeyo qaranka soo koraaya. In   lag wada jiro haddimada sammo diidka aan dhanna u  roonayan. Ilaalinta amniga shacabku  xukumadda waajib ku tahay , shacab ahaanna in dhan looga soo wada jeesto  qaswade kasta shaadhkuu doono ha xidhnaadee.

Aminiga gobolka Awdal xukuumadda masuul ka ah, laamaha aminga ayaa masuul ka ah oo ay tahay shaqadooda inay damaanad qaadan nabadgelyada shacabka, kicin bulsho iyo suul daaro aan danguud ku jirin looma baahna waqti xaadirkan lagu jiro, waxa loo baahanyahay  si masuuliya dheeraadi ku jirto oo taxadir leh in loo xoojiyo  amniga iyo nabada bulshada samaha jecel.

Xaaladaha dhiilada lehee  kasoo baxaaya magaaladda Boorama sii jirkood dhaawacbay ku tahay qarannimada, xalku wuxu ku jiraa wadda jir shacab iyo dawlad la arag shacabka, in loo wada  jeesto jidka horumarka ee la hayo. Somaliland cadawbadanbaa ku hareeraysan, dadbadan oo samaha iyo nabada jirtaa dhibtaa ku xeeran waxa loo baahanyahay inaynu hore u wadno dadaalka iyo halganka dal jacayl ee innagu jira.

Waxaan tacsi u dirayaa ehelka Ubax qabriga galay ka geeriyooday, waxaan ugu lab qaboojinayaa Samir iyo iimaan alle haydinka siiyo. Waxa nasiib daro ah in buuq kata oo aan sakaaro k abiirsan  ay god-galaan awooddi  qaranka, ciidankeena duruufaha nololeed ee adag  u dhabar adaygaya haloo sameeyo tababaro badbaadiya nolsha ubadka dhafoorka xabbadu ka qabsanayno judha hore, sida dunidu ula tacaasho mudaharaadada nooc kasta halla sameeyo hagrashaa jirtee.  haloo diyaarsho qalab lagaga hortago rabashadaha oo halla xakameeyo xabbada nool ee dhamasayay dhallinta.

Bulashada qiimaha badan ee ku nool Boorama nabadda aynu xoojinno inaga ku nool oo ku naaloonayna nabadda, Camuud waa il- aqooneed ay soo bidhiiqsadaan ardayda geeska Afrika, haddi nabadda la waayo oo colaaduhu sii kordhaan ilayskaasi wuu innaga damayaa danna innoma aha ee waa inno dub u dhac, danbiile kasta oo aan jeclayn sareedada ummada dhan haloogaso wada jeesto. Qarannimada ilaalinteeda, nabad gelyada adkaynteeda, ummada isku xidhkeeda iyo wadajirka shacabkeenu waa tiirka dawladnimadeena iyo aqoonsiga ummadaha caalamka.

Caano maalkii shalay waxaynu luxudka dhignay dadkaynu ku seexan jirray, laba askari oo kamida ciidankeena,  waxa kale oo aynu bud-dhignay  ubad intifaac qaranku ka sugaayay oo waalidkood ku ildoogsanaayay, innagama go’aan sabab kasta oo keenaysa in la la aaso dad qiimobadan oo naftoodu go’do aynu ka taxadirro oo dhan ugasoo wada jeesano dhib kasta.

Waxaan ugu baaqaya laamaha amniga waxgaradka la xidh-xidhay cidda aan denbi faraha kula jirin ee haaydaha amingu caddayn ku hayn xorriyadooda halooso cesho, dhaadhicinta  Boorama lasoo dhaafshay dadka xidh-xidhanina waaa nasiib darro, Boorama jeel, saldhig iyo ciidan qaran wuu jooga ee maaha gego cidlo ah.  Muwaadiniinta xidhan cidda aan danbilahayn degdeg halooga hawlgalo soo dayntooda oo xoriyadooda dub haw helaan.

Degenaanta, nabadda iyo xasiloonida aynu ku dadaalo, aynu ilaashanno aminga ummado badani aanay haysan ee ay u jeelqabaan ee Eebbe innagu galladay Somaliland ahaan, ummadayda oo mida, qarankayga oo sinaan iyo caddaaladi ka tisqaaday oo sumaddisu tahay Somaliland nimo ayaan sugynaa hirgalkeeda dhaaraaruun. Guushu ma fogee yaan l agamshiyin. Haragarashada xumuumadda iyo masuuliyadda ay ka gaabsheena ayaama ka hadhay aan badnayn, dalku wuu hadhayaa dawladda aan tudhaalaha lahaynbaa muudo xileedkeedu dhan anynu dhawro maalmaha.

Guul iyo gobonnimo.

Maxamed Sidiiq Dhamme

Msadiiq1@gmail.com