Gantaallo Ruushku uu Ku Waday Suuriya Oo Ku Weecday Iiraan

Washington(SLpost)-Saraakiisha difaaca ee mareykanka waxa ay sheegayaan in afar gantaal oo laga soo tuuray badda Caspianka oo ku wajahnaa bartilmaameedyo Suuriya ah ayaa waxa ay ku dheceen oo ay ku burbureen gudaha dalka iiraan.

Ruushka waxa uu beeniyay sheegashadaasi, wuxuuna tilmaamay in madaafiicdaasi ay ku dheceen bartilmaameedka Suuriya.

Laakiin wargeys ka soo baxa Iiraan waxa uu soo xigtay gudoomiyaha magaalo ku taalla galbeedka Iiraan oo sheegaya in waxyaabo duulaya oo aan la garan inay ku dheceen meel u dhow deegaanka.

Weriye BBC-da u shaqeeya oo ku sugan Washington waxa uu sheegayaa in Mareykanka uu ka gilgishay duqeynta Ruushka ee Suuriya halkaasi oo sidoo kale xulafada reergalbeedka ay duqeynayaan.