Madaxweynaha iyo Waftigiisii oo Landhan lagu soo dhaweeyay 

 

London(SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo weftigii uu hoggaaminaayay oo maalmihii ugu dambeeyey safar ku gaalaa bixinayay waddamo carbeed iyo kuwo reer yurub ah oo uu ugu muhiimsanaa dalka Ireland oo uu waftigu balan qaad rasmi ah ka hellay, ayaa xalay abaaro 11:45 habeenimo saacadda geeska Afrika soo gaadhay garoonka diyaaradaha magaalada London ee Heathrow Airport.

Waftiga madaxweynaha oo ay ku wehelinayeen xubno wasiirro ah ayaa waxa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada London, waxaana madasha soo dhaweynta si weyn uga dhex muuqday oo buux dhaafiyay jaaliyadda magaalada Bristol oo gebi ahaanba aad moodaysay inay caruur iyo cirroole usoo baqooleen dhinacan iyo magaalada London si ay uga qayb qaataan soo dhaweynta madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland iyo waftigiisa iyagoo lulaya calanka jamhuuriyadda Somaliland iyo kan xisbiga Kulmiye.

Magaalada Bristol ayaa waxa maalmihii ugu dambaysay laga dareemayay dhaqdhaqaaqa diyaar garowga soo dhaweynta Madaxweynaha, waxaana horkacayay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee laanta Bristol Mudane Mustafe Xaashi Cismaan. Waxa kale oo si weyn uga dhex muuqday odayaal kale oo magac ku dhex leh bulshada.

Maayar kuxigeenka caasimadda Hargeisa Mudane Cabdicasiis Cagaweyne ayaa isna madasha ku sugnaa , isagoo weftiga uga sii horreeyey carriga Ingiriiska isla markaana maalmihii dambeeyey hawlo shaqo ugu sugnaa dalkani UK.

Weftiga oo safarkooda hore ugu soo maray waddamada Imaaraatka iyo Ireland ayaa waxa la filayaa inay maalmo kooban ku negaadaan carriga ingiriiska iyagoo kulammo la qaadan doona madaxda sarsare ee waddanka iyo jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan carrigan ingiriiska.london5london4 london5 London6