Nabad Baa Naaso La Nuugo Leh

 

Bismilaah; ilaahayba mahad leh, inaga dhigay dad muslim ah, ina siiyay nabada aynu ku naaloonayno hadaynu nahay reer Somaliland. Intaas ka dib waxaan aad iyo aad uga xumahay qul qulatoyinka ka soo cusboonaaday hooyadii taclliinta Somaliland ee Borame, xaaladahaas amni daroo oo runtii ah waxyaabo aad iyo aad u dhibaatayna dadka iyo dalkaba.

Waxaan ku boorinayaa dhamaanba aqoonyahanka, waxgaradka, salaadiinta iyo culimo awdiinkaba inay ku dadaalaan sidii gobolka Awdal loogu soo celin lahaa amaanka iyo xasiloonida. Walaalayaal nabad ayaa lagu gaadhaa horumar, barwaaqo iyo horusod bulsho. Xaalada kacsan ee ka taagan Hooyada Tacliinta Somaliland ee Borame waxay damqaysaa dhamanba bulsho waynta reer Somaliland iyo guud ahaanba shacabka geeska afircan waayo maanta waa maalintii aynu ka wada fekeri lahayn sidii aad dalkeena u gaadhsiin lahayn halka uu marayo meel ka saraysa kana wanaagsan. Maanta laynoogama fadhiyin inaynu raadkeena dib u raacno oo qori caaradii wax ku baadi doono.

Hadii ay jirto tabasho ay tabanayaan reer Borame, waxay ahayd in miiska wada hadalka lagu dhameeyo dhamanba wixii tabashooyin ah ee reer Borame tirsanayaan, si loo helo xal waara oo aan dhiigna ku daadan. Dhamaanteenba waxaynu nahay dad islaama, waanad garanaysaa xaqa muslimku ku leeyahay muslimka kale, sidaas darteen inaad disho qof aan waxba galabsan maaha arin wanaagsan oo maanta looga fadhiyay Hooyada tacliinta Somaliland ee Borame.

Walaalayaal nabad baa naaso la nuugo leh, halkaas aynu maanta marayno waxaynu ku soo gaadhnay nabad hadii aan nabadi jirin horumarkaa ballaadhan e aynu gaadhnay maynaan gaadhneen. Walaalayaal yaan laynagu ciyaarin giim aan dhamaad lahayn oo dad dano gaara wataa inagu guurin ee aynu aayaheena sida ugu haboon ka tashano inagoo mar walba tanaasul isu muujinayna

Waad Mahadsantihin

Allaa Mahad Leh

By Mohamed Hamud Ali

Burao Somaliland

Hamudson@gmail.com

 

,