Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka ee Wakiilada Oo Dawladda Hoose Ee Burco Xafiisyada U Faaruqisay iyo Jawaabta Maayar Muraad Ka Bixiyey

 

Burco(SLpost) – Guddida ilaalinta hantida qaranka iyo dabagalka musuqmaasuqa u qaabilsan golaha wakiillada Somaliland ayaa shir jaraa’id oo ay  Arbacadii shalay ahayd ku qabteen xarunta dawladda hoose ee Burco waxay ku sheegeen in masuuliyiinta dawladda hoose xafiisyada u faaruqiyeen guddida oo la balansanayd.

 

Guddida ayaa socdaal ay ka bilawday magaalada Boorama waxay ku mareen Baligubadle, Oodweyne, Laascaanood, Ceerigaabo iyo Burco oo ay hadda ku sugan yihiin, waxaanay madaxda hay’addaha dawladda kala xisaabtamayaan isticmaalka lacagaha u qoondaysan iyo xogogaal u noqoshada baahiyaha bulshada.

 

Guddida ayaa sheegtay inay badhasaabka Togdheer kula balameen inay kulan la yeeshaan isuduwayaasha gobolka iyo dawladda hoose balse xafiisyada dhammaan looga yaacay “Waxaanu la kulannay mucjiso la yaab leh oo markii labaad ku dhacday guddidan, iyadoo golaha degaanku noo faaruqiyeen xafiisyadii. Maalintii hore waxaanu fadhiisanayba hoolka laakiin, maanta hoolkiina guddida waa laga sii xidhay. Waxaa ceeb ah oo fadeexad ah inaanu ognahay mashaariic fara badan inaan la hirgalin. Waxaa ceeb ah in guddida laga cararo oo orod la is dhigo marka guddidu imanayso,” ayuu yidhi xildhibaan Naasir Cali Shire oo guddida ka tirsani.

 

Guddoomiyaha Guddida Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi ayaa isna yidhi “ Had iyo jeer golaha degaanku wuxuu ururiyaa lacag. Lacagta wuxuu ka ururiyaa aabbe iyo hooyo ina wada dhalay oo suuqa jooga oo wadhato haysta oo tamaandho haysta, guryaha aynu dhisno ayaa cashuur laga qaadaa, waxa sanad kasta oo gasha 2 ama 3 Milyan oo doolar, lacagtaasna waa in lagala xisaabtamo oo la waydiiyo hooyada halkaas joogta maxaa loogu qabtaa. Halkan waxaanu ku haynaa waraaqo fara badan oo la leeyahay golaha degaanku hanti faro badan ayay cunaan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha guddidu.

 

Jawaabta Dawladda hoose

Maayarka Burco mudane Maxamed Yuusuf  Muraad, ayaa sheegay inay hawlo shaqo ku maqnaayeen wakhtiga guddidu timid xafiiskooda, waxaanu sheegay inay wixii la xisaabtan ah u leeyihiin wasaaradda arrimaha gudaha iyo odhit dabagala xisaabaadkooda.

 

“ Waxaanu isku ognahay oonu ka dhuumanaa ma jirto. Wasaarad baanu leenahay oo na xukunta. Odhit baanu leenahay oo haddii wax nalagu eedaynayo nala xisaabtama laakiin, waxay ku fiicnayd inay xildhibaannadu sharaftooda iyo qiimahooda ilaaliyaan, inay si shoobarayn ah xafiisyada masuuliyiintu leedahay ay yidhaahdaan way naga dhuunteen aad baanu uga xunnahay,” ayuu yidhi Maayarku.