Talliyaha Booliska Oo Ka Hadlay Xubno Dablaydii Ramaax Weerartay ah Oo La Qabtay iyo Tirada Dad kale oo Loo Xidhay Tuhun

 

Boorama(SLpost) – Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland Sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hargeysa ku sheegay in hawl gal balaadhan oo boolisku qaaday lagu soo qabtay 5 xubnood oo lala xidhiidhinayo inay yihiin kuwa habeenkii xalay weeraray guriga badhasaabka Awdal ee Boorama.

 

 

Taliyuhu wuxuu sheegay in ciidanku helay xog sheegaysa halka dablaydaasi ku sugan tahay islamarkaana ciidanka iyo kooxdaasi rasaas is waydaarsaday aakhirkiina la qabtay shan xubnood oo mid ka mid ahi qori sito dhaawacna yahay, islamarkaana qirtay inuu kooxda weerarka gaysatay ka mid yahay.

 

 

“ Markii hawlgalkaasi dhacay, ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu galay hawlgal balaadhan, adigoo halkan(Hargeysa) aanu ka dirnay ciidan xoojin ah horena ciidankii gobolku u joogay, waxaana dhacday inaanu helnay xog dhab ah oo ku saabsan meel ay ku sugan yihiin ciidankii xalay badhasaabka gobolka Awdal weeraray ee ciidanka laayay. Ciidanka boolisku wuxuu tagay goobtii nimankaasi ku sugnaayeen, waxaana dhex maray dagaal, dagaalka kadibna  waxay ciidanka boolisku gacanta ku dhigeen 5 xubnood oo mid ka mid ahi dhaawac yahay, laguna qabtay qori M16 ah iyo 23 xabbo oo rasaas ah, isagoo dagaalamaya oo ciidanka rasaas ku ridayana la qabtay, islamarkaana wuxuu qiraal ku bixiyay inuu ka mid yahay raggii weerarka gaystay,” ayuu shirkiisa jaraa’id ee caawa ku yidhi Taliye Fadal.

 

Waxa uu sheegay in ilaa 26 qof loo xidhay dhacdada ka dhacday Boorama habeenkii xalay “Baadhistii gacanta ayaa lagu hayaa, waxaana kale oo ciidanka boolisku soo qabteen 26 qof oo lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen weerarka xalay ama ay abaabulayeen, waxaana inshaa Allah lagu kala saari doonaa baadhista,” ayuu yidhi Taliyuhu.

 

Taliyaha Booliska ayaa tacsi u diray ehelada labada Askari ee dhaawacmay, waxaanu Alle caafimaad uga rajeeyay labada dhaawaca ah.

 

Badhasaabka Awdal Maxamuud Saleebaan Ramaax, ayaa  sheegay in abaaro Salaaddii subax ka hor habeenimadii Arbacada gurigiisa la soo weeraray islamarkaana ay difaaceen ilaaladiisa, kadibna dablaydu u carartay dhinaca Xuduudka oo aan ka fogayn magaalada Boorama, waxaanu sheegay in halkaasi ciidamada Ammaanka Somaliland iyo Kooxdu isku baacsadeen.

 

Waxa kale oo la sheegayaa xubno Muwaadiniin ah oo uu ku jiro maayarkii hore ee Boorame Saleebaan Xadi iyo ganacsato kale in loo qabtay tuhunka weerarkan loonna soo gudbiyey xarunta baadhista dambiyada ee magaalada Hargeysa

 

 

 

wasiir xigeenku Wasaaradda arrimaha gudaha ee dagmooyinka iyo gobolada ayaa waxa uu ka hadlay dadkan lagu xidhay tuhunkaas waxaana uu yidhi“ Fal dambiyeed marka uu dhaco cid allaale cidii la tuhunsan yahay waa habka dawladnimo in la xidho inta la baadhayo amma lagu caddaynayo,” ayuu yidhi.

 

 

Boorama waxaa ka socda ciyaaraha gobolada Somaliland wajigooda koobaad ee isreebreebka, halkaasi oo ay ku sugan yihiin madaxda gobolada iyo ciyaartoyga gobolada Maroodijeex, Saaxil, Salal,Gabiley, Awdal, Buuhoodle iyo Hawd.