YUUSUF GARAAD GOORMUU QALINKA LA BOODAA!!! ?

 

Qalinkii: Ahmed Ali Kaahin

Nin dhalinyaro ah oo dheer, aadna u firfircoon, codkiisana sifiican dhagaha somalidu u taqaan saxaafada haddalka u badana sallaankeeda meel hoose ka soo fuulay, kana soo warami jiray meelo kala duwan hour kac fiicanan ka sameeyay, gaadhayna figta ugu saraysana ee qaybta somaliga ee BBC, waxay si fiican u xasuustaan dadka aad ka ugu dhuun dalloolaa doodihii xiisaha lahaa aadkana u  kululaa ee u qaban jiray, inkastoo dhexdhexaad nimadooda lagu murmo, waxaanay ku doodaa in cida uu laabtiisa hoose ka guuxaysa uu u xigto miiso, waxayna tusaale u soo qaataan dawladii daciifka ahayd ee Cabdi Qaasim horjoogaha ka ahaa oo ay isku beel ahaayeen, taasi oo uu ugu dagaalamay il’kaha iyo cidiyahaba, waana dodo duuban oo la heli karo, dhinaca kale waxay tilmaan usoo qaataand dadka dhaliila dagaalkii afka ahaa ee uu lagalay Maamul goboleedka Garoowe looga arrimiyo, wakhti badana inagu qaadanayso in aynu lafa gurno, waxaana tusaale nool u ah in ilaa maanta aanu jirin wariye rasmiya oo kasoo warama taa badalkeedana wariyaasha muqdishaa waxay meelaha ka soo bawsaddaan tabiya.

Somaliland oo ah xaruntii laga taagay Calankii ugu horeeyay ee soomaali indhaha saarto iyo idaacadii ugu horaysay ee dhagaha soomaali maqasho, waxa marag madoona in uu dagaal afka BBC ku qaaday taasi oo dareenkeeda ay si iskumida uga jawaabeen bulshawaynta qaybaheeda kala duwan ilaa Marxuum Madaxwayne Cigaal iyo bulshada caadiga ah, balse saxaafada xorta ah ee soomaliland ayaa u babac dhigtay, waxaan xasuustaa markii Idaacada FM ta ah la furayay ama wakhtiyo xiligaas ku beegan oo uu Yuusuf Hargeisa yimid, waraysi uu la yeeshay Wargayska Jamhuuriya oo ahaa huwan culus , waraysiga dadkii qaaday waxaa kamid ahaa Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo rag kale dhinaca kale waxay ahaayeen Yuusuf Garaad iyo Ahmed Siciid Cige, Aadan Nuux Dhuule, waxayna la naaqisheen dhamaan doodihii u qabtay ee ku waajahnaa Somaliland oo dhinac ka rarnaa, iyagoo hordhigay burhaan culus waxaa kamid ahaa waxyaabihii laga gar helay in dood somaliladn ku saabsanayd aand cid hagaagsan oo ina matashaa soo casuumi jirin, waxaanu ku dooday in dad uu hebelo ku xusay  diideen  waxaanu yidhi markii doodii loo asteeaya taa maahee tukale sheega, waxay waydiiyeen taa lafteeda ha dhaafine kawaran, waxaan xasuustaa markii uu meel uu kabaxo uu wayay in uu Aadan Nuux dhuule soo galay hadalka oo yidhi “ma waxaad leedihiin inaadeerkaa cabdi qaasim baad u xaglisaa “ wax giraantu wareegtaba waxay kusoo gabagabawday in uu hakiyo xawaarihii iyo xawligii uu ku hayay naqdina qaddiyada Somaliland, balse sidaasi kuma joogsan ee wuxuu isticmaalay habab kale oo aynaan wakhti uhayn ka sheekayntoda.

Iskusoo wadda duub GOORMUU QALINAK QAADAA YUUSUF, waxa caado u noqotay in uu buunbuuniyo waraka ay ku farxaan kuwa neceb Somaliland ee taagta kale wayay, isaga waxaan u abaaraynaa qoraalkiisa waxa uu xidhaa koofiyada Suxufiga sidaad daraadeed waa in uu indhaha  si fiican u gashadaa muraayadda dhexdhexaadnimada ee dunidu ku caana maasahy, oo xattaa caddawga soomaliland qireen qiimayn salka ku haysa waxqabad sax ah. Balse wxuu noqday qabqable qalin ku xoogsada oo hadda taagtiisu intaasi tahay wanaan soo dhawaynaynaa naqdiga miisaaman balse ila eeg maqaalada uu qoray iyo xiliyada uu ku beegay iyo dadka uu isticmaalay, iyo waliba isbadalada ku dhaca haddii dadkaasi mabaa’didooda badalaan qaataana Qadiyada Somaliland.

 

Tusaalayaal maqaaladiisa

  1. Waxa uu maqaal ka qoray dadkii layidhi hasoo dagina oo aan qabo in dawlada Somaliland ay u maamushay qaab aan fiicnayn inkastoo diblomaasiyada gunteeda aan la gaadhin
  2. Waxa uu maqaal ka qoray Ismaaciil Buubaa oo uu aad u buun buunin jiray markii uu somaliwaynta aaminsanaa, waxaanu yidhi Ismaaciil oo calankiisii badalay
  3. Waxa uu shibta ka galay Axmed Ismaaiil Samatar iyo dareenadiisa dibka dhaladka ee ay ku diirsadeen dadka reer somaliyadn, aan ku sii daree Ruug caddaaga siyaadada ee Jaamac Yare waxba kamay sheegin soo noqoshadiisa inkastoo aanu eeda isagu lahayn.
  4. Waxa uu faaleeyay in kastoo uu taageeray Maxamed Biixi yoonis oo uu ku tiraabay waxay soo iibsadeen ciyaartoy fiican oo aad moodo in uu kanaxay
  5. Waxa uu si dadban u diray dagaalkii golaha wakiilada dhex maray labda masuul
  6. Waxa uu hadda si niyad xun uga haddlay qolooyinka heesa ee la xidh xidhay, inkastoo aan qofna xoriyadiisa aan ciddi sharci daro ku bannaysan Karin xilkay doonto ha haysee.

Dhinaca kale waxyabaha fiican ee soomaliland ka dhaca muxuu uga haddli waayay waa su’aal iyo halxidhaale dulyaala qoorta ina garaad.

Tusaalayaan uu ka Aamusay

  1. Heshiiskii xisbiyada Somaliland ee sida fiican ku dhamaaday xiisad adag kadib, gaar ahaan xisbiga Waddani iyo Xukuumada oo dagaal adagi dhexmaray sifiican oo xirfadleh u heshiiyay
  2. Muxuu wax uga odhan wayay deeqdii reer Somaliland geeyeen Muqdisho, iyo Xeryaha qaxoontiga ee Kenya.
  3. Muxuu uga haddliwaayay qaraarkii maxkamadu ku kala saartay Xisbiyada iyo Xukuumada ee dunida oo dhami u riyaaqday
  4. Wufuuda heerka sare ah ee dibada ka imanaysa gaar ahaan caalamka iyo jaarka waliba kusii dar kuwa ay ku baxaan madaxdeenu ee dunida looga dhaadhiciyo doonista shacabka ee lasoo noqoshadii xoriyada iyo sida la inoogu garaabo.
  5. Muxuu wax uga odhan wayaya marka madaxwayne nin sheegayana oo ku tilmaamy doonista shacab dhan waa caadifad, iyo waxay kamid yihiin maamul goboleedyada oo ah gaf ummad dhan laga galay halka uu xubno laga yaabo in laguba gafay uu dhaafiyay meqaamkii ay lahaayeen.
  6. Muxuu maalin uun usoo qaadan waayay mashruuca ballaadhan ee waddada Ceerigaabo ee dunidu ka dawakhday qalbi adayga iyo niyad wanaaga reer Somaliland, iyo horumarka jaamacadaha ee uu hormoodka kayahay Prof Saleeban,

Haddaba haddii uu ka hadlilahaa arrimahaas mid uun waa loo garaabi lahaa, balse haddii uu qaar yar taabtay siduu uga haddlay ayaa inaya jawaab u baahan. Dhinaca kale waxaa jira waxyaabo  badan oo aanu qalinku koobay oo tallaabooyin horumara, inkastoo bulshada dhaliisheedu tahay  mid gara xaqna xukuumada ugu leeyihiin, waxaan jecelahay in wallaalkay wixii qalada iftiimiyo oo uu siday tahay u sheego iyo in uu wixii horumara iyaga bal xusa uun, takale dee dhaliisha waxaa loo furtay xisbiyo sharciyaysan oo iyagu xaq u leh. Waxaan xasuusin lahaa wallaalkay in rag kaa aqoon iyo waayo arragnimo, da’ahaan, diblamaasiyad iyo xidhiidho caalamiya lahaa ay kabuhu kaga dhamaadeen in ay hor istaagaan doonista shacabka oo aan marna u sujuudayn Allaah mooyaane Bani’aadam. Ku darsoo cid ku khasbi kartaana majirto haddii caalamkoo dhami isbahaysto, cid aanu abbaal ugu haynaana ma jirto dhismaha Soomaalinad oo aan ahayn Allaah, waxaana jira dad naf iyo maalba u soo huray halgankii hore iyo kan hadda socda.

Waxaa jira in ummada Somaliland aan marna lagu khuukhinayn soomaliweyn, taasi oo cid waliba ka dharagsantahay in Calan iyo Dawlad aanu si billaa shuruuda ugu wareejinay wallaallahayo, maantana aanu si billaa shuruuda uggallas oo noqonayn, waxaan u rajaynaanaa bashbash iyo barwaaqo iyo labba dal oo jaara. Waxaana astaan noo ah oo aanu gaynaa Nabad iyo collaad labadaba ciddii ku soo xad gudubta xuduudaha Somaliland sokeeye iyo shisheeyaba, waxaa maam maah “ hashaan uga gaban wayay gaadawayne Libaax in aan maanta gorayo uga tagaa waa mid soo gudhane” erayadd ciddi lahayd ma xasuusto lakiin waan salaamayaa. Waxaan aamin sanahay in lagu mucaaradaa way fiicantahy waayo waxaa la mucaaradaa cid jirta waayo cidda kale lamaba hadal hayo, balse haddii suxufigu kursi ku hungoobo waxa uu ku dambeeyaa qabqable Qalin ku xoogsada meel uu dhigaba.

Dhinaca kale waxkastoo lid ku ah Qaranimada Somaliland oo laqoraa ama la yidhaahdo waxay noqonaysaa Paatrool sii kordhiya xawliga iyo xawaarah hayaanka xasuusta halkankii iyo ka hadda socda, oo waa halkii gabadhii caanka ahayd ee reer Ingiriise “lama Lee’xanaayo”. Waxaan ku talin lahaa in bulshada reer Somaliland dhagaystaanm wixii iintooda oo aany dhagaysan amaantooda, waayo marka war la helaa talo la helaa , takale warkaasi haddi uu jiro waa in la hubsadaa sheekada oo aan qalinka lala boodin, iyadoo qofku kuu xanaaqsanaa jaanis sheekadaa cusub ka dhiganayo, haddi somalinimo loo oo’yayo maalin dhawayd waxaa ku geeriyooday Koonfurta bari ee Laascaanood 14 qof oo Soomaaliya maxaa loogu ooyi waayay inta inamadaa liinta ku cabbaya Xabsiga la buun buuninayo, waliba maxkamadu  arrinkooda taageertay tidhina xadhigooda sharciga soo waafajiya, waxaan leeyahay “barootu Orgiga kawayn”

Arrinka fannaaniinta waxaan u dhaafayaa sdia uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamada sare oo tuhun wanaagsan Allaah baa wax oge aan ku qabno in sharciga loo daayo, wixii kasoo baxa sharcigana lagu kala boxo soomalidu waxay tidhaadaa haddi shaadhkaaga lagugu qabsaddo waa laga garbaxaa, lakiin maxaa la ii qabsaday waa sheeko kale, takale dadka qaar baa ku dooda raggii maddaxda aha waa la soo dhawaynaayaa haa waa run, balse waxay soo qorteen cafis iyagoon xil hayna way yimaadeen, oo waa wax la isku ogaa, takale fanaaniinta qarranka ayaan loo aqoonsanyahay haddi ay icaalamiyaynayaan in ay iska casileen Fanaaniintii Qaranka dee waa arrin iyaga u taalla, waayo qof qarranka kamida ma tagi karo billaa amar dawladeed waayo nidaanka cidna lagu ixtiraamimaayo cidii jabisa, iyagu lamid maaha fanaaniinta baasaboorada shisheeya sidata, waad ogaydeen sidii ay inoola jaadleeyeen aaskii Marxuum Maxamed Saleebaan oo Laalayska ku dhashay oo Berbea u dhaw in ay ku aaseen Xamar maxaa looga jeeday, haye takale nimanka haysta ee ku shaqayta maggacii aanu u gaynay ee Soomaaliweyn waxaas oo safaarada iyo xafiisyo ah fadhiya waxay huri waayeen in Hargeysa hal xafiis laga furo oo hawada maamulo, waar gar waa loo islaame ninkaasi maxay kaluu ii ogolaan lahaa. Ka dhamaan mayno dhibaatadii ay inagu hayaan tii horena haddalkeeda daa oo war dheer bay u baahan tahay.

Waxaan leeyahay in Qaabka dawladaha guuldaraysta loo dhiso in ay inaga bartaan oo ay niyadooda ka soaaraan sheekooyinka ruwaayada ah ee hadda kasocda qaramada middoobay, mee shirkii Biljam ee 20 miyan ee Dollar loogu yaboohay, Mee midhihii shirkii London, waar lafba lafta ku xigtaa lagu kabaaye waxba haka xishooninee soo dira cid aanu idiin tababarno, takale ogaada in Aqoonsigayaga aanu idinka iyo Caalamka midna ku xidhnayn ee Allaah uu ku Xidhan yahay Maantana wax naga maqan ma jiraan oo aan ahayn faro galin shisheeyo oo uu watto ictiraafka lagu dawakhay, waxayna dad badani qabbaan in hal ku dhigaa loo baddalo Horumarka.

Waxaan is idhi eray eray uga jawaab maqaalkiisa oo uu dhex jibaaxay ilaa galdacwadeedkii maxkamada sharafta leh horyaalay, waxaan taa u dhaafayaa dhaqanka soomaaliyeed oo aan ogolayn in la is duro, diinteena asal u ah ilaalinta sharafta dadka intii sharcigu ogolyahay mooyaane. Haddaba saxiib yuusuf markastoo dhiilo ama war xun la sheego maxaad qalinka ula boodaa waa iga su’aale?

Maxaad barkahda soomaaliland u arki wayda oo aad qalinka ula boodi wayda iyana waa iga su’aal labaade? Mise aan kula kaftamee sheekadii bisada lagu sheegi jiray baa jirta, waxaan leeyahay meel lagu kaftamay laguma kala tagin.

Wixii qalada ee aan qoray waa aniga iyo shaydaan wixii aan waafaqay waxaa I waafajiayay Allaah.

Wabbillaahi Tawfiiq

Qalinkii Ahmed Ali Kaahin

Ahmedckahin@gmail.com